Qoraal ku soocdo sxbkey Nuur Kuulow Waad ku mahsantahay inta la - TopicsExpress



          

Qoraal ku soocdo sxbkey Nuur Kuulow Waad ku mahsantahay inta la doono, ka qeebgalka iyo tanaadka aad ku soo kordhise dooda maanta Socota. Marka hore ii ogolow inaan ka cudur-daarto, la soo daahida aan la soo daahe jawaabta weydiin hada ka hor iga codsate inaan ka soo jawaabo. Jawaabta waa kuu wada, lkn weli waxay iga tahay qabyo-qoraal, welina uma helin waqti aan ku dhameestiro. Hadii cudurkaada intaa ku daayo, walaal magaceyga buuxa waa Axmed Sheikh Cisman, taasna waxaa kaaga iff-baxaayo inaan ahay dhal’wadaad oo diinta Islamka lagu soo hanqariye yaraanitiisa. Bartamaha lixdanaadka ilaa iyo horaadka todobaatanaadka waxaan guriga waalidka iyo masaajidka ku soo qaate dhamaan kutubada tafsiirga, fiq-higa, xadiithka iyo naxwaha ee culumada diinta Islamka siin-jireen xirta masjkida ku tacaluqan ee diinta islaamka ku takhasusa. Hase’ahaate fursad uma helin barashada kutubada tasawufka waayo waxaa la’gaare xiligi guriga waaldika aan ka tege laha. Tan kale waxaan nasiib gaar’ah uleeyahay in waxbarshadeyda dugsiga hoose ila iyo heer-jamaacid si xariirta oo toosan ugu soo qaate afka carabiga. Taas waxaay dhalise inaan marlabaad si qoto-dheer u’akhriyo madd-habka Xanbaliga ah, ee dacwada Wahaabiyada ku saleysantahay. Qof’ahaan uma arko Wahabiyada in aay tahay madd-hab gooni utaagan, lkn waxaan u’arka dawcad ku saleeysan madd-habka Xanbaliga. Tan labaad waxaan waqati-fiican u’hele akhriska kutubada ay qoreen raga fikirka Al-islaam Al-siyaasi ku soo dare diinta Islaamka sida: Xassan Al-bana, Abul-aclaa Al-mowduudi, Sayid Qudub, Maxamed Qudub, Maxamed Al-gazali, Al-qardawi iyo kuwa kale. Sidaas oo kale waxaan fursad fiican u’hele akhriska kutubada iyo qoraalda lagu naqdiye fikirka Ikhwaanka iyo Al-Islam Al-Siyaasi, sida kutubada iyo qoraalada Rifcat Al-Sayid, Sayid Al-qumni iyo kuwa kale. Warkii oo koobana, Al-Islam Al-siyaasi, iyo xaraka Wahabiyiinta waxaan u’arka labada ill uu ka soo burqde takfiirka, ama gaaleenta dadka muslinka ah, iyo weliba, argagaxa hubeysan sida Al-shabaab, iyo argagaxa aan hubesneen ee masaajidyada laga wado dadkana naarta loogu goondiyo sida argagaxa Sheikh Umal uu ka wade masaajidka Nairobi ka hor dhacdadii Westgate. Sida caqligeyga gaaban uu arko, Salafiya labadeeda weji ( jihaadiya iyo dacawiya) oo adiga ku soo gaabise Wahaabiya + Al-Islam Al-siyaasi waa laba fikir oo ku dhisan isoo-raac, oo sidaan doono yeel, hadii-kale waxaa tahay murtad, gaal, dhiigada, huntidada, caruurtda iyo haweenkada waa ii xalaal, ama waxaa afcarbeedka lagu soo gaabiyo “Aslim tislam” ee waagi diinta Islamka seefta lagu faafin’jire la adeegsade. Taas micnaheeda waxaa waaye in ayaga isu arkaan- mid walba gooni ahaanteeda- in aay yihin waxaa diinta Islmaaka la yuraahdo “ koodxa baadbaade amm لفرقة الناجية ا) inta ayaga aan ku xizbi eheena dad-gaalo ah oo dhiigoda banaanyahay. Diin ahan, waxaan aaminsanahay kuna camal falaa diinta Islamka, hase’ahatee ma’ihi qof intaas wax u’dheer yihiin. Taas micnaheeda waxaay tahay inaan raacsaneen madd-habka Shaaficga ee sooyaalka bulshada Somaliyeed ka tirsan iyo dhamaan madaahibta dadka muslinka ah kala geyse midkood, ama hadii aff-ka ingiriiska ku soo gaabiyo waxaay noqoneysa: “ I am a muslim and that is all”. Islam nimada aniga aaminsanahay waxaay ku gaabantahay fulinta lixda tiir Imaan عقيدة, iyo Shanta tiir Islaam عبادة , waana ii farxad in dad muslin ah kula dukan karo, masjid ku yaala toolooyinka aay degaan muslimiinta Filibiin, ama masjid ku yaala cirifta shashe ee dalka Kanada anigoo dadka aan la tukanaayo weydiinin madd-habkooda. Hase ahaate, lixda tiir imaan iyo shanta tiir Islam wixi dhaafsiisan dhamaantod waxaan u arkaa arrimo caqliga Ilaahey igu maneeste hoos yimaada, shaqana haba yaraate ku laheen caqiidada iyo geybi-yaataka غيبياتdiinta Islaamka. Sxb, qof kasta oo “ the universe” amma koonka fiiriya waxuu si fudud qalbigiisa ugu soodhaceysa in waxano khaliqi ah, iyo nidaamkan Universe-ka ku socdo inuusan meel-cidla ah ka askumin, iyo inuu-jiro Ilaah quwad ween oo arrimahan la’yaabka leh isku dabaride. Taas ma’ahan arrin shaki iyo muran boos aga banaan’yahay, sida aniga qof ahaan ila tahay, ama sida af-ingiriis ahaan ugu macaantahay: This Universe must have a creator” sidaas aweegideena in jiritaanka Ileehey qowad badan la’aamino waa iska MUST. Dhinaca kale, psychologically ahaan waxaa kun goor iyo kabadan cadaate in banii-aadanka nafsan ahaan ubaahanyahay inuu aamino jiritaanka qowad asaga ka xoog’badan mas’uulna ka jiritaanka The Universe. Tan labaad, hadii nuxurka weydiintada u’dhadhaco, HAA, aniga waa ahay culmaani/ secular person taas aniga dabool ma saaro, oo wilba waxaan leehay qoraalo si adag udaafacaayo culmaniyda kuna soo baxay af-carabi sanooyinka aan soo dhaafne. Intaas waxaa ii dhiir inaan ku qanacsanahay : (1) in bulshada Somaliyeed maanta ilaa heer ween tahay BULSHO HOOYO amma (matriarchal society) oo hoyada ama haweenka ka ciyaaran door aan ka qiimo yareen/ haduu ka qiimo badneen doorka raga ka ciyaaran bulshada gudaheeda. (2) In bulshada Somaliyeed tahay midd maamulkeeda bulsho u-dhisanyahay horizontal line of power una-dhisneen sida bulshadaha maanta aduunka ka jira badankooda u-dhisanyihiin oo ah pyramidal, vertical line of power. Taas micnaheeda waxaa waaye: in talada bulshada Somaliyeed eheen mid ku jirta gacanta rag tiro yar oo dhismaha bulshada dhakaca sare ka fadhiya, dhakadana ka soo fara, fartiimo hoos u’dhadhaacyo oo marka ugu danbeeysa fulin doonan, ama lagu fulin doono dadka tirade badan ee dhuldhaca bulshada tixan, ama waxa loo yaqaano, pyramidal line of power, where orders flow always from top to bottom. Hase ahaate talada bulsha Somaliyeed waa mid ku jirta gacanta rag iyo haween aad u faro badan sidaas aawigeedna tahay taldo dhuldhaca bulsha ka askunta, kadibna sare u socota, ama waxa loo yaqaan Horizontal line of power. Taas micnaheeda waxaa waaye in bulshada Somaliyeed udhisantahay, qaab bulshadeedka loo yaqaan anarchist society, inkastoo adeegsida termka anarchism halkan meecnahiisa marnaba eheen “chaos” ama fowdaa. Labada astaan eek or ku xusan, bulshada somaliyeed waxaa u raaca in aay tahay bulsho culmaani ah oo kala qaada fariiamaha diinta Ilaahey (عقيدة وعبادة) iyo maamulka beesha ama bulshada guud ee shariicada Islaamka ku faaqidgo baabka yoo yaqaan mucaamaalt معاملات hoostiisa 1400ti sano ee aan soo dhaafne, bulshada Somaliyeed waxaay eheed bursho si xuriyada iyo gobonimo ku dheehantahay ku doorte diinta islaamka caqiido ahaan. Bulshada waxaay doorte in aay ku camal fasho “lixda tiir imaan عقيدة” iyo “shanta tiir islaam عبادة ” ayado wax isweydiin ah laga keenin. Hase ahaate bulsha waxaay isla garate in wixi intaas dhafsiisan kala kaashato caqligeeda guud iyo xeerka aay weligeed ku dhaqmi jirte. Taas waxaa kaaga daaliil ah in bulshada Somaliyeed weligeed tuug gacanta ka gooynin, wiil khamri cabe karbaashin, geber zino lagu tuhme dhagax ku dilin, iyo in qof naff gooyena nafta looga- gooynin. Sidaas oo kale haweenka Somaliyeed waxaay ahayeen, welina yihiin dumar gobb’ah, xuriyda iyo kalsuuni buudxa ku abuurantahay, bulshadana dhaxdeeda, sharaf, xishmeen, karaamad, qadarin, soo dhaween iyo jaceel ka mudan. Sooyaalka Somalida waxaa ku tahaxan in qofta dumarka ah (geber, gashaanti, garoob ama hooyo reerkeeda dhaqata ) weligeed eheed, welina tahay qof lagu kalsoon yahay oo si buuxa ugu halganta -muruq iyo caqligi ahaan- agasinka iyo jirtintakna reerkeda ayada qof ahaan ugaarka ah, tolkeeda, deriskeeda iyo dhamaan xibnaha bulshada aay ku dhax-nooshahay. Sidaas oo kale qofta dumarka ah ee Somaliyeed waxaay weligeed eheed quf muslin ah, islan-nimadeeda iyo imaankeeda buuxa, hadana, haba yartee ma eheen qof bulshada aay ku kalsooneen, oo raga ku qafilaan teendho madow, ayadoo diinta Islamaaka loo coskanaayo, sida ka dhacda bulshooyinka jaziirada Carabta oo kale. Taas micnaheeda waxaa waaye, in diinta Islaamka ee umada Somaliyeed ku dhaqanto eheen midd tuhun gelisa sharafta dumarka , sidaas aawigeedna u’baahanin in aay dumarka ka xayuubto kasloonida iyo qadarinta aay ka mudnaayeen bulshada aay ka tirsanyihiin. Sheedaka kor ku xusan waxaa kaaga muuqata in aragtida bulshada ee haweenka ku aadan tahay mid culmaani ah, oo dumarka u aragta qaar raga la siman oo ku sharaf ah. Hadii mar-labaad u’soo laabto arrinta ku saabsan dilka iyo qisaaska waxaa kuu muuqda in xeerka bulshada ku soo dhaqante 1400 sano aan soo dhaafne ku quran tahay in dilka iyo qisaaka diyo loo bixyo, si qof gacan jebiye gacanta looga jebinin, qof ilig jebiye, ilig looga jebenin amma qof naff’gooye nafta looga gooynin. Taasna micnaheeda waxaa waaye in wixi lixda tiir Imaan iyo 5 tiir Islaan, ka soo soke mara la hoos-keeno caqliga buulshada, waayo bulshada ayadaa ogg halka naruurda ka birqeeyso, iyo meesha danta guud tubantahay. Aragtidaas waa fikir aad iyo aad u’hormarsan, waqtigana had iyo jeer la jaan qaadi-karo, munaasibna u’ah geedi socodka bulsha Somaliyeed, iyo weliba is’bedelka waqtiga had iyo jeer ku soo kordhiyo nolosha banii-aadanka. Inkastoo bulshada Somaliyeed muslin soo eheed 1400 sano hadana taariikh ahaan in dhulka Somalia gacan lagu gooye ayaado sharciga islaamka la cuskanaayo waxaa ugu horeyse 1991, ama 22sano ka hor, waxaayna ka dhacde maxkamad waqooyiga Xamar ka askumeen ururada ka ganacsada diinta cusub ee debada dhowaan laga soo waaride. Dhinaca kale, hadii xooga dib ugu laabatid taarkiida dhow ee Somalia waxaa kuu muuqda in dasturkii Somaliya lagu soo maamule inta u’dhaxeyse 1960-1969, ahaa dastuur culmaani ah oo si cad ukala qaade maamulka dowlda iyo arimaha diinta. Hase ahaate arrinka layaabka dhaliye waxaa waaye: inaan la arkin, amma la maqlin culumo ama wadaado ku andacoonaayo in dustuurka wadanka lagu maamulo khilfaasanyahay ama duulaan ku yahay diintaa Islaamka! Maxaay ku dhacde, arrintaas? Maxaa waagaas loo waaye wadaado ku andacooda in dustuurkaan wadanka lagu-maamulo yahay culmaani, sidaas aawigeedna diinta Islamka waafaqsaneen, ama duulaan ku yahay? Mise waxaa jira dastuur culmaani ah oo diinta Islamka waafaqasan, iyo dastuur culmaani ah oo diinta Islaamka waa faqsaneen? Waa weydiimo culumada diinta Islamanka ee Somalia jawaabtooda laga sugaayo, inkasto hore loo ogyahay in aay jawaab laga hili doonin. Taas micnaha laga fahmaayo waxaay waaye, in waayahan jirto awood shasheeye oo amar siisa culimada dastuurka cusub gaalnimada ku tilmaama, ayago garab dhigaayo bulsha aay waa hero galeeyeen dhiigedana baneesteen. Hadii arrinka saas eheen, maxaa loo waaye xiligi u dhaxeeye 1960-1969 culumo gaaleyso dastuurkii culmaaniga aha ee waagaas wadanka lagu xukumaaye? Qof’ ahaan waa ii sharaf inaan ku hoos-noolado dasturkii wadanka ka jire 1960- 1960, iyo mid la’mid ah, waayo dasturka noocaas ah, waa mid adkheynaayo culmaani nimada ku dheehan sooyaalka, xeerka iyo dhaqan maalmeedka bulsha Somalieed ee dhamaanteena ku abtirsano. Sidaas oo kale waa ii sharaf inaan ku hoos noolada dasatiirta culmaaniga ah ee dowladaha deriska sida Kenya iyo Itobiya. Hase ahaate diraay uma-ihi aslanba inaank ku hoo-noolada dowlada Al-Islam Al-siyaasi Sudan aga askuman ee dadka masaakiinta ah ee tabarta yar gebdhaha aay dhaleen wadoonka iyo fagaarha askarta dowlada ku karabaasheyso ayado loo cuskanaayo shariicada diinta Islaamka.
Posted on: Wed, 09 Oct 2013 17:33:37 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015