SIDEE COMPUTERKAAGA LOOGU BUUXIYAA IN UU SI IS WADA (AUTOMATIC) - TopicsExpress



          

SIDEE COMPUTERKAAGA LOOGU BUUXIYAA IN UU SI IS WADA (AUTOMATIC) ISU BAKHTIIYO MUDDO CAYIMAN KADIB. Mararka qaar waxaa dhacda in aad u baahato in aad computerkaaga oo shidan ka tagto ama ka seexato, si hawl kuu socotay (sida download ama scan) uu kuugu dhamaystiro. Si aad computerka ugu buuxiso in uu muddo cayiman kadib is bakhtiiyo waxaad ku gaadhi kartaa si fudud. Raac talaabooyinkan. 1. Fur command prompt ( ama cmd) ama windows command processor >> Si aad u furto Taabo START, sanduuqa wax laga raadiyo ku qor CMD, kadibna fur. waxaa kale oo aad ka tegi kartaa: Start>> All Programs>> Accessories>> Command Prompt. 3. Muraayada madow ee kuu soo baxda ku qor amaradan: shutdown /s /f /t 3600 >> Waxaa kale oo aad amarada sare ku xusan u qori kartaa sidan: shutdown -s -f -t 3600 NB: Halka ay qorantahay 3600 waxay u taagantahay 1 saac oo loo bedelay ilbidhiqsiyo. 60x60. Waxaanad gelin kartaa inta ilbidhqi ee aad doonto. Tusaale ahaan haddii aad doonayso 30 daqiiqo waxay noqonaysaa: 1800. Haddii aad doonayso 2 saacadood waxaad gelisaa: 7200 oo ilbidhiqsi. Haddii aad doonayso 5 daqiiqo waxaad gelisaaa: Inta daqiiqo ee aad doonayso u bedel ilbidhiqsiyio. HADDII AAD KA MAARANTO IN COMPUTERKU ISKII ISU BAKHTIIYO, OO AANAD DOONAYN IN AMARKAASI SARE KU XUSAN UU HIRGALO WAXAAD COMMAND PROMPTKA KU QORTAA: shutdown -a AMA shutdown /a
Posted on: Sun, 11 Aug 2013 16:39:26 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015