TALANTAALI Waxa ay aad uga cabsanesay in ay ku war galiso in ay - TopicsExpress



          

TALANTAALI Waxa ay aad uga cabsanesay in ay ku war galiso in ay rabto asiga, mar walba oo ay istiraahdo u sheeg waxay doontaba ha kugu qaadatee, hadane wax uunbaa ka hor taagnaa haba ugu weynaatee xishoodkii dumar ee asalkaba alle uu ku beeray xaawooleydoo iddil. Waxa ay siddaa ahaataba, maalin walba maalinka ka sii danbeeyaba waxaa sii lixaadsanayay rabitaankii, hinqashada ay hinqato mar alle markii ay muuqiisa aragto, walaaca iyo huumaagga hortaagan kolka uu ka maqanyahay, jamashada iyo jeedaalinta ay jeedaaliso mar uun in ay muuqiisa bidhaansato, ayaa waxay ku qasbtay in heeryaddan saaran ay iska rogto oo ay u sheegato dhibkan ayida un gaarka u ah, labadda mid uunbey noqone. Waa tii soomaalidda lagu yaqiin in ay murti duur xul ah ku muujiyaan waxa ay markaa is leeyihiin halagula dhadhansado, iyaduse waddadaas ayay raacday oo waxa ay go’aansatay in arinkeeddan kan ah ay ugu sheegto suugaan sarbeebeedka afkeena tanaadka ku yahay. Waxa ay tiri:- Haddal ii daboolnaa Dadka aan ka qarin jiray Oo dani I tiri sheeg Diirka aan ka qaadee Ma u tahay diyaar Mise waanba daayaa Ha I dilo jaceylkuye. Isaga oo ku yara jaha-wareeray, hadalka gabadha biyo-dhaciisa, sina ugu qaatay sidda ay ula jeeddo, se ka shakisan sarbeebta haddalkan aan saafneyn, ayaa walaaciisa uu ka qabo hadalkan muujiyay oo waxa uu yiri:- Aniguba dadkaan ahay Danadii ku gaadhiyo Daqarka aad ka qarisay -------------Ee---------------- Maddagana warkaaguye Bal doc uun isugu beydh Wixii kuugu daran sheeg Halagaaa daweeyee. Iyadda oo is leh waa fursaddii kuugu fiicneyd ee abbid lagu siiyo nolashaada, kana faa’ideysanayso ayaa dhanbaalkeedii jaceyl halkan oodda uga qaaday oo tiri:- Sidda waqal daruureed Da’ay waa dhawaadkii Caashaqan darrooree Intuu dagay wadnaha Iga roganna waayay Inuu iga durkana diid Yaan kula dul joogaa. Malaha isagaba waa la hayoo, kolkuu dulucda hadalka fahmay ayuu ka aqbalay una sheegay in isaguba la iil daranyahay dhibkan iyada haysto oo aanay kali ku ahayn wuxuuse yiri:- Anba nabar damqiyo Dubaaqeygan caashaqa Ka daray waayadan Waxse aan ku daynlahaa Mar hadduu ku dagay adi Anaa kuu diyaaree Isla doono sheygaa. La’ is garay, hal meel ayaana loo wada socdaa oo ah haruub caashaq in la isu hanbeeyo, waa tii horey loo yiri noloshu waa is af garad, waxase halkan ka muuqdo in rabitaanka aad rabooto shaqsi aynan jirin wax kaa celin karo qiimaha ay doonto hakugu qaadatee. Haddaba, ma is tiri noloshu waa is fahan? Mahadsanidiin. Af-maal ////////
Posted on: Sun, 18 Aug 2013 11:41:19 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015