WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Muqdisho, Khamiis 21, - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Muqdisho, Khamiis 21, Nov, 2013 Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaaka ee Soomaaliya oo uu maanta shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay ammaanka guud ee dalka , colaado maalmihii ugu dameeyey ka jiray gobolada Shabeelooyinka . Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa warbixin ka dhegeystay guddi wasiirro ah oo xukuumaddu u dirtay gobolka Shabeellaha Hoose, waxana guddigaasi oo ka koobnaa Wasiiradda Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladda ay sheegeen in ay la kulmeen waxgaradka dadka Shabbeelaha Hoose, iyagoona la soo qaybsaday dareenka raadkii uu reebay iska-hor-imaadkii halkaas ka dhacay. Guddiga Wasiiradda ah ayaa sheegay in ay isku afgarteen bulshada Shabeellaha Hoose In la nabadeeyo gobolka, islamarkaasna la abuuro jawi nabadeed iyo kalsooni ay ciidamada dowladda iyo dadka degaanku ku wada shaqayn karaan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalada soo noqnoqday ee halkaasi ka dhacay , loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo Soomaaliya oo nabad ah oo horumar ku tallaabsanaysa. “ Aaad ayaan uga naxay dagaalada halkaasi ka dhacay, maanta ma joogno xilligii aan dad ku khasaarin lahayn dagaalo aan qiimo weyn ugu fadhiyin qarankeena oo ka soo kabanaya colaado, maanta waxaa innala gudboon in aynu afka qorigeena u wareejino dhinaca Al-shabaab oo ah cadawga ummadda.Maanta aan ka wada shaqayno Soomaaliya oo nabad ah oo samaynaysa horumar” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa uga digay saxafiyiinta in ay buunbuuniyaan colaadaha u dhexeeya beelaha Soomaaliyeed, taa beddelkeedana loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka. “ Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay qaataan kaalintooda kaga aadan nabadaynta dalka iyo horumarkiisa, waa in aan la buunbuunin colaadaha beelaha. Dhamaanteen aan ka wada shaqayno Soomaaliya oo nabad ah oo xoogga aan saarno wararka dhinaca horumarka iyo nabadda ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray shacabka iyo dowlada Djabouti “Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa askarigii ka dhintay ciidamada walaalaheen ah ee” Hiil Walaal” ee dalka Djibouti oo noogu yimid in ay inna garab istaagaan xilligan adag.Weerarada noocaasi ah waxa ay muujinayaan sida dagaalka dhulka ah loogu jebiyey kooxda Argagaxisada ee Al-shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid —DHAMAAD— Muqdisho, Khamiis 21, Nov, 2013 Taliska AMISOM ayaa maanta sheegay war niyad jabin kara dowladda Soomaaliya, kaasoo ah in ciidamada dowladda aysan waxbo qaban karin. Afhayeenka AMISOM Korneel Cali Aadan Xumad oo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa sheegay in AMISOM ay joojisay dagaaladii ay kula jirtay Al-Shabaab. Wuxuu sabab uga dhigay, in ay waayeen ciidamo Soomaali ah oo cudud iyo tababbar fiican leh, kuwaasoo ka barbar dagaalami kara, oo lagu aamino goobaha laga qabsado Al-Shabaab. Afhayeenka wuxuu kaloo sheegay in ciidamo badan oo Soomaali ah oo ay Tababbar siiyeen AMISOM haddana sidaas oo tahay ay noqdeen kuwa wax mataro ah sida uu hadalka u dhigay. Afhayeenka AMISOM ayaa dhanka kale caddeeyay in ciidamada AMISOM ee hadda jooga dalka ay gabi ahaan joojiyeen howlgaladii iyo dagaaladii ay kula jireen Al-Shabaab. Waa hadalkii ugu horreyay oo AMISOM ka soo baxa kaasoo lagu muujinayo itaal-darada ciidamada Soomaalida iyo sida aan loo aamini karin. Dhowr jeer oo horre ayaa waxaa ciidaamda dowladda lagu eedeeyay in ay ka soo baxeen goobo AMISOM ay kala wareegtay Al-Shabaab. Dowladda hadalka ka soo baxay Afhayeenka AMISOM kama hadlin, waxaana looga fadhiyaa in ay ka jawaabto. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dhawaan waxa ay howgalka AMISOM ku kordhiyeen ciidan kor u dhaafaya afar kun oo askari. Muqdisho, Khamiis 21, Nov, 2013 Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka mar kale lagu qabtay illaa 6 qofood oo rabay iney ku dhoofaan baasaboorkii cagaarnaa ee Soomaaliga. Dadka la qabqabtay oo ku sii jeeday magaalada Berbera ayaa ku qornaa iney raacaan dayuurad ay leedahay shirkadda African Airweys. Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada Somalia ayaa horey marar badan ugu celceliyey in la mamnuucay isticmaalka baasaboorkii hore ee cagaarnaa, iyagoo ku hanjabay in qofkii lagu qabto isagoo ku dhoofaya loo aqoonsan doono dembiile, xabsigana la dhigayo. Wararka naga soo gaaraya garoonka Aadan cadde ayaa sheegaya in taliyaha hogaanka socdaalka Jen. Gaafow uu muran dheer ka dib amar ku bixiyey in guud ahaan rakaabkii raaci lahaa laga reebo dayuurada Africa kuwaasoo xitaa ay ku jiraan dad baasabooro sax ah watay oo ku sii jeeday magaalooyinka Dubai iyo Berbera. Dayuurada Africa ayaa goor dhow oo barqanimadii ah ka duushay garoonka dayuuradaha Aadan cadde iyadoo faaruq ah oo aan wadin wax rakaab ah haba yaraatee, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Somalia. Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale hogaanka socdaalku uu ku qabtay garoonka dayuuradaha Muqdisho dad gaaraya 21 qof oo ku sii jeeday magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.
Posted on: Thu, 21 Nov 2013 12:27:32 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015