Waa Ku mahad san tahay sida wanaag san ee dareen ka leh oo aad - TopicsExpress



          

Waa Ku mahad san tahay sida wanaag san ee dareen ka leh oo aad diirada u saaratay ahmiyada koowaad in la siiyo caasimada somaliya ee mogadishu Xaqiiqdii waxaa amin sanahay hadii sida saxda loo adeeg sado erayga federalism waa mida kaliya maanta lagu helo in dadka somaliyeed la jaan qaadi karaan cadaalad iyo sinaan Balse waxaa arkaa sida aragtideyda ah in lagu deg degay federal ka oo maanta madaxda somaliyeed lagu qalday oona maanta sababi karta in somaliya dib u weydo lexaadkii ay bari samaadkii laheyd iyo midnimadii Waayo waxaa arkaa in goboladu qaar maanta ay san hanaan kooda ka tala qaadanin iyo geedi socodkooda caasimada dalka ee mogadishu Waxaa ay taasi sahli kartaa in gobol waliba uu yeesho awood gaar ah oo bari u fududeesa cadawga ay leedahay Dowlada Somaliya Iyada oo u fududeesa in gobolkasta lagu jabiyo gobolka uu ka awood yar yahay ugu danbeen na la waayo ummad si wada jir ah u difaacda dalka iyo magaca somalia Waxaa maanta markhaati ka nahay in magacii iyo astaantii qarannima doonka somaliyeed lala diriraayo Oo ina gaar siisay in gobolkii itaal isku arka uu sheegto magac midib gumeysi wata iyo astaan ama calan u gaar ah aminsan Federaal ku micnihiisu maahan bur bur dhaliya qaran,qowmiyad iyo astaantoodiiba Ama badasha dal soo jireyn ah caasimadiisa itaal yareesa ama u rogta meel kale
Posted on: Wed, 22 Oct 2014 00:00:53 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015