Waxay nagu yiraahdeen Midnimaadu waa Muqadas ,lama taabtaan biyo - TopicsExpress



          

Waxay nagu yiraahdeen Midnimaadu waa Muqadas ,lama taabtaan biyo kama dhibcaan ah,Waxay nagu dhiira galiyaan heeso qiiro badan gabayo micno wayn xanbaarsan iyo erayo afka baalkiisa ah. Hoosta waxay ka wadaan Qabiil Dowladaysan reerkasta wuxuu rabaa in uu ooto xaafada uu dago, Maskaxda saafiga ah waa tan fakirta su,aalo is waydiisa wax qaadaa dhigta. Horta yaa midnamada hortaagan Kuwo Wax ma garato ah ayaa la soo boodo Somaliland ayaa rabta in ay go,do. Oo maxaa ku kalifay go,itaanka soo kuwii calanka keenay ma ahan?, soo kuwii dhiiga iyo dhiicaanka u huray ma ahan? Soo kuwii 77 udiiday in uu ciida taabto Ma ahan? Soo tii 1964 tii Wajaale wacdaraha ay ka dhigeen ma ahan,? Soo tii 77 gabdhaha Boorame , Burco Gibilay iyo Hargaysa ay ka keeni jireen ma ahan Muq Mada(oodkaca)? Maxaa dhaliyay in shacabka Goblada Waqooyi ee Somalia ka calool Goostaan Calankii ay dhiig iyo dheecaan Naf iyo maalba u hureen, Maxay ku dhacday sabab? Waxay igu qaadatay in aan fahmo su,aashan jawaabteeda mudo aad u dheer, Qabiilka Dowladaysan daynaysiga shaqsiga ah ,Aragtida gaaban, Siyaasiga daniistaha ah ha dhagaysan ee samee baaritaan adiga kuu gaar ah Horta Midnimada yaa raba? Gaalkacyo oo aan dabka kala qaadan ,Galgaduud oo sadex calan leh Kismaanyo oo shan Madaxwayne leh, Muqdisho oo Dowlad qabiilaysan leh Horta Midnimada yaa diidan? Reer Hargaysa waxaan iyagana kula yabaa Xamar ayay la dirirsan yihin Horta miyaanay ogeyn in xamar iyo Hargaysa dagaal u wada galeen in ay iska kiciyaan Dowladii ciidanku hor kacayay? Markii ay dhacdayna reer Hargaysa waxay soo istaageen Xamar ayaa na xumaysay Reer Muqdisho dhibta waxay ula sinaayeen dadkii Hargaysa daganaa Markii dhibta la iska wada kiciyay Maxaa Muqdisho Danbiga dusha looga saaray? Muqdisho ma waxay ku duushay Hargaysa mise waxay la safneyd shacabka Hargaysa ??? Ma ahan in Mowqifkaygii Ummaddnimo is badalay laakiin waxaan rabaa oo kaliya in Wax la iska waydiiyo wixii dhacay iyo waaxay udhaceen. Wali waxaan aaminsanahay Itoobiya iyo Kenya oo raba in ay na liqaan waxaan iska dhicin karnaa kula gorgortami kula noolaan karnaa Quwad midaysan iyo han sare. Laakin midnimada aan rabaa ma ahan mid salka ku haysa Qabiil dowladaysan ee waa midnimo dhab ah oo u dhiganta tii Sheikh Bashiir ,Sayid Maxamed , Xaaji Afqalooc, SuldaanTimacade, Saqaawu Diin ,Cabdulahi Ciise iyo Dhanliyadii SYL ku fakiri jireen. Maanta dhalinyarada soomaaliyeedey ama Hargayso Joog Muqdisho joog ama meel kale joog waxaa hubaal ah nimanka na hortaagan waa daniista yaal. Tusaale waxaa idinku filan ninkii Xilka madaxtinimada u tartamay ee waayay ee maanta wajiga cusub la soo baxay waxaa hubaal ah in barina uu waji kale la soo bixi doono.Aniga iyo adiga iyo inta nala midka ah doorashada aan qaadano ayay ku xiran tahay mustaqbalka in aan sii ahaano Ummadd sharaf iyo cisi ku nool oo dagan Geeska Africa ama in aan noqono Kililo ka mid ah Kenya iyo Itoobiya
Posted on: Sun, 21 Jul 2013 22:48:18 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015