Weerarkii ka dhacay Westgate oo walaac ku abuuray dalalka - TopicsExpress



          

Weerarkii ka dhacay Westgate oo walaac ku abuuray dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia qaarkood Qaar ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia ayaa waxaa walaac badan ku abuuray weerarkii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Nairobi ka dib markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay qabsadeen afar maalmoodna ka dagaalamayeen xarunta ganacsiga Westgate. Al-shabaab ayaa ku hanjabtay iney ka aargoosan doonto dowladaha ciidamadu ka joogaan Somalia oo sababay sanadihii la soo dhaafay iney waayaan gacan ku heynta magaalooyin iyo degaano kale oo ku yaala Koonfurta iyo bartamaha Somalia. Wasiirka arrimaha gudaha dalka Uganda Aronda Nyakairima ayaa sheegay inay kor u qaadeen digniinta laga qabo in Al-Shabaab ay dalkiisa weerarto. Aronda Nyakairima waxaa uu sheegay inay meel walba oo muhiim oo Al-Shabaab bartilmaameed u noqon kara ay dhigeen ciidamo fara badan iyo kaamirooyinka wax duuba. Amaanka caasimada Uganda ee Kambala aad loo adkeeyay waxaana aad loo baaraa dadka doonaya inay ka soo adeegtaan suuqyada magaalada iyadoo gaadiidka loo diiday in la dhigto dhismooyinka dawladu leedaahay agagaarkooda. dhinaca kale, dowlada Burundi waxay sheegtay inay qaaday tilaabooyin deg deg ah oo ay kaga hortagayso weerar ay Al-Shabab ka geystaan magaalooyinka dalka Burundi. Ku-xigeenka afhayeenka Booliska Burundi Pierre Nkurikiye ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP inay amaanka aad u adkeeyeen isla markaana xaduudaha iyo goobaha muhiimka ah la dhigay ciidamo fara badan. “Waxaan helnay xog ku saabsan in kooxda Shabaab qorsheeyeen in weerarkooda xiga kii Kenya ka dhacay ay ka fuliyaan dalka Burundi taas ayaa keentay in is badal badan oo dhanka amaanka ah la sameeyo” sida uu yiri Pierre Nkurikiye. Weerarkii todobaadkii hore Al-shabaab ay ka geysatay magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen dad ka badan 70 qof iyo dhaawaca ku dhowaad 200 oo kale ayaa waxaa argagax ku abuuray dalalka ku yaala bariga Afrika oo badankood ay ciidamo ka joogaan Somalia.
Posted on: Fri, 27 Sep 2013 09:57:31 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015