aw yuusuf wuxuu yiri guur aan la la,aado lkn sidaana bal ila arka - TopicsExpress



          

aw yuusuf wuxuu yiri guur aan la la,aado lkn sidaana bal ila arka dumaroow ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, aniguba gedaasoo kalaan qeyb ka gaabsadaye mana wada geeyaan nimanku oo qaar ayaa guran kuwa gogosha aan loo dhigeyn qoon aan ka hingaasho midka gada dharkiisoo rahmada waa gu baaqsadaye intuu qaad ku soo gadan lahaa go,a sariirteyda ima geeyo nin qaawaniye midkaas guur aan ka la,aado kaan garan salaadiyo waqtiga guule faral yeeley googooska cibaadada gafee geesta uga leexda oon masaajid soo galin waqiisa guur aan ka la,aado midka guurka diidee macsida abidkii goobaaya een garan samaanta xumaha daba gocleeynaaya saaniga ilaahay ka go,ay guur aan ka la,aado garuun xaasidnimo loo tacboon garasho hoos oolin gafuur jebin midkaa ila rabee gacalna ii haynin intuu iila gaatami lahaa budh weyn guur aan ka la,aado xila gube gasiiniyo aan bixin maro is gaarsiisan guudkana islaam uga ekoo gogosha ii jiifa intaan goor xun aan ooyi lahaa guur aan ka la,aado guulihii abuurtey iyo nabiga csw caayda aan ka deyn kabood falaha diintii gudbeee dhaarta ka goowsiin gaalkaas ilaahay ka go,ey guur aan ka la,aado gaarida wanaaga leh midkaan garan abaalkeeda gafuur buure aan ruuxna garan wuxuu goleynaayo gujeeyaha,, gunuusee,, guryamna, guur aan ka la,aado hinaasaha guryama oo shakigu buux dhaafshey gurigeyga kii soo hormara guulan ka horgeyska kuufanaha iska waardiyaha gala guur aan ka la,aado guur badnaha gabadhuu arkaba meher uun la roorayaa xanaanada gurboodkana dayacey gurina aan joogin godadlaha cidlada iiga gudey guur aan ka la,aado alow deeqsi geesiya halyey diinta garanaayo garaad badane gobanimiyo sharaf loogu gogol yeeley adaan gacanta kuu hoorsadee calafku ii geeyo gabay kuma idleyn karo ragaan gacalo loo hayne damiirkiisa gada baa jiriyo ceebta gurigeede dumaroow garwaaqsada ragii laga gol roonaaye
Posted on: Mon, 19 Aug 2013 11:55:11 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015