war culus: DFS oo xilalkii ka qaaday 5 sarkaal oo kasoo jeeda - TopicsExpress



          

war culus: DFS oo xilalkii ka qaaday 5 sarkaal oo kasoo jeeda Jubbaland Madaxda Dowlada federaalka Somalia ayaa maanta xilalkii ka wareejisay 5 sarkaal oo katirsan ciidanka militariga Somalia, isku beel ah kana soo jeeda deegaanada Jubaland.Shantan sarkaal ayaa kamid ahaa ciidamadii ka howlgalayay gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan guutada lixaad. Saraakiisha xilalka laga qaaday waxaa kamida taliye guuto Raabi, 2 taliye horin iyo2 taliye urur.Jagooyinkii laga qaaday saraakiishan ayaa waxaa lagu badalay saraakiil kasoo jeeda gobolada dhexe.Lama oga sababta keentay in 5 sarkaal oo isku beel ah hal mar sabab la’aan xilka looga qaado laguna badalo rag kale oo isku beel ah. Xogtan oo uu nasoo gaadhsiiyay masuul wargaleen ah ayaa hadii ay sida masuulku nagu soo gaadhsiiyay u dhacday sawir cad ka bixinaysa qaab dhaqanka dowlada uu gadhwadeenka ka yahay Xasan Sheekh. Arin cusub ma aha in sarkaal xil laga qaado, laakiin waxaa ugub ah in 5 sarkaal oo ka howlgalaysay gobolka shabeelada Hoose hal mar la eryo laguna badalo 5 kale oo isku beel ah xili xiisado iyo khilaaf ba’ani uu kajiro gobolada Jubooyinka iyo shabeelada Hoose. Tan kale arintani waxay sii xoojinaysaa dareenkii laga qabay dowlada ee ahaa in mar sadaxaad duulaan ka bixin doonto gobolka shabeelada Hoose kaas oo ay isku dayi doonto inay ku carqaladayso maamulka Jubaland.
Posted on: Thu, 15 Aug 2013 13:29:42 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015