Boqorkay huq iyo ciil Hagardaamo lumisow Hadimada kalgacalka leh - TopicsExpress



          

Boqorkay huq iyo ciil Hagardaamo lumisow Hadimada kalgacalka leh Cilmigii u hoydow Heesaha baroorta ah Halqabsiga jacaylkow Hambalyiyo salaan iyo Hibo iga guddoomoo Kolley waan hubaayoo Hawlihii addunyada Heshay aayahoodee Hal yar aan ku toydee Jannadii ma hurudaa? Hadh qabow ma jiiftaa? Hoobaan ma gurataa? Hablo Xuural-caynii Sow kuuma heesaan? Waxa aad la haysaba Hoo kuma yidhaahdeen? Wedka lama huraayee Reer soo hayaamiyo Hayin raran ma kulanteen? Hor Illaahay adigiyo Hodan maysku aragteen? Ma is dhaafsateen hadal? Bal maxaan haweenkiyo Dumar ugu hilloobaa? Ama kula heshiiyaa Ugu hagar laaadaa? Sowtay hir beeniyo Ku tuseen hillaacee Hogol aan daayn iyo Hanfi kuu aroorsheen Hirwo kuu garaaceen Hungo kuugu baaqeen! Sowtay ku hawleen Ku jareen halbowlaha Haadaan ku koriyeen Hore kuugu riixeen Hogga kuu dabooleen Hoos kuugu tuureen! Sowtay ku heereen Hengelaa ku saareen Gudcur kuu hillaabeen Ku dhigeen habaaskee Cidla kaaga hoyden Hororkiyo waraabuhu Hilbahaaga jiiteen Haadda iyo xuunshadu Hanbadooda feenteen! Waxaan ugu hamranayaa Hooyaa ka dhalatoo Naaskii habreed baa Iga hiilinaayee Wallee hawlahaan galo Iyo heegantaan dhigo Dumar lama haweysteen Ragba ma hungureeyeen Hanti lagama dhiibeen Guri laguma hoysteen Hadal lalama yeesheen! 43. Isa sudhan Top Garan waayey sheekada Waxay gacallayaashay Geed iigu bixiyeen Dhirtu waysku gogol qudha Mase wada gudboonee Giddi maysku qaadaa Kay gaar u jeedaan May goonni sheegaan Maxay uga gabbanayaan? Gudub magacu waa hore Galbay oo la wada maqal Dunidoo dhan wada gaadh Gabdhihiina loo sheeg Iyadaan god loo deyn Gibishay I saareen Geestee u duubaa? Goa lay huwinayaa Ma dhaliil gurracan baa? Gumar iyo ma ciin baa? Ma ganboor sunaan ahay? Gaagaabka cilinka ah Ma gadaal bax baan ahay? Mise gocondhadaan ahay? Mise gawlallaan ahay? Ma ammaan gayaxan baa? Gabre iyo madheedh iyo Ma galool mudhaan ahay? Mise tolow gobkaan ahay? Iyo lama garaacaan? Ha ka guban mar baan idhi Gacan baaban u holladay Inaan geysto dhawr jeer Misna waxaan gudoonsadey Horta inaan u kuur-galo Halka loo gol-leeyahay Waa goorma goorteed Gef dhacaan u haystoo Godob baan tirsanayee Sow waa gartoodee Garas jilif leh baan ahay. Guudkayga boqorrada Garaareeya heesaha Gallad qurux cod iyo luuq Shimbiraha u gaarka ah Gashan labada qaybood Haddii ay galaydhkiyo Galgalkiyo fadhiistaan Geesigooda caan baxay Gunta iyo salkaygana Goodaaddo nacabiyo Maska goodka halista ah Inta bahal gurguurtiyo Gungumaa ku shiri kara Waxaan ahay ma guuraan Gantadaydu adakaa Gaashaan biraan ahay Goblan tala adduunyooy Gabay jaaba-jaaba ah Jajab iyo guraangura Geel-kiiska maansada Suugaanta gocorka ah Xulka inan gumeedka ah Ninka maalin gelinkeed Moorkoos ka gurayee Garcan waayey baan ahay Alle gaarrisaniyaa Oo maxaase iga galay Intuu Gaasir ii wadey Googaalihiisii Anba ways gujinayoo Markuu gooddi meershaba Garashaan ku dirayee Ninku ways galaalee Murti wax ka soo goay Bal aan soo godlee qabo Isagoo galgaladkii La hadlaaya gabadhii Wuxuu yidhi guddoonshuhu:- Samirkiyo dulqaadkiyo naxariista badan bay dadku igu ogaadeen nafta aad sugaysaan ma awoodahaygaa yamyam iyo qadaad weyn xataa caanaleydii booc uga tukubayaan markaan diiri waayaa laysii qodqodayaa Doofaarka ficil liI naar loogu daayimi kol haddii dubbiyo waran duunkayga lala dhacay yaa dabarka igu xidhay horta maan dagaallamo anigu maan is daafaco Sow duruustu maahayn mudankiyo hal-doorkiyo marka geesi laga dilo dadku inay fadhiistaan waatan geenyadii Diran iska soo durdurisee duufaanka wadatee ma la waayey dabar adag iyo wiil dardara qaba ma inaan dumaalay dantu igu khasbaysaa? Duqu wuxuu u haystaa Dilku inu qardhaas yahay Dulmi lagu adkayn karo Duqu waxaanu garanayn Inuu dhiigga daataa Yahay dogobbo waaweyn Iyo xaabo lagu daro Dabka qoran kulaalee Lagu shido dareen guud Isagoo galgalad kale La hadlaaya gabadhii Wuxuu yidhi guddoonshuhu:- Soddoh yahay la duufsaday sowdigaan bannaankiyo dibadaha u bixi jirin sowdigii dusuuddiyo weelkaaga xalan jirey yaa ciyaarta kugu daray kugu yidhi ku soo bood yaase kuu cimaamaday? Ma Rashiid Gadh-weynaa Kugu yidhi ganbooley Iyo guuri waayeel Garta waa u simanyiin? Ma ogtahay xilkaan sido Ruuxa soo damaaciya Inuu kiis bileys yahay Meesha yaan habaaskiyo Gabayooxu kugu dilin haddaan doonto gaadhsii gaarriyiyo Hadraawiyo Gunxan iyo Burhaan iyo Ninkay Guush yidhaahdaan Ama Boobe ugu gee Gurigii Taywaan Bal aniga wax iga gura Horta garanba maynee Fara geliya yaa yidhi Arrimaha gudahayaga Xaggee bay ka kululyiin May shaqaalahaygiyo Xaajiyo khamsiintiyo Caasi waalideyntiyo Jinka naagihiisiyo Anigiyo darmaanaha Isu kaaya daayaan Jaas aanu dheellee Nin la soo kiraystoo Lacag doona baan nacay Duqu wuxu jeclaan laa Ninkuu doono mooyee Dar kaloo ka geesii Daf inaanay soo odhan Dalan doolka Filibbiin Isba waxa ku dacal jira Dubatada dhallaankiyo Diin laawa-yaashee Wuxuu ii durkinayaa Wuxuu ii arkaa dool Nin dabaylo keeneen Duqu waxaanu garanayn Dunidaba sal iyo baar Inaan deyrku kala xidhin Ama diirku kala gurin In dagaalka joogiyo Dadku laba bahood yahay Isagoo galgalad kale Dadka gooni ula shiray Wuxu yidhi guddoonshuhu:- Qarafsiga aroortii qadhaab doonashada guud qofna looma diidee haddii aan quwaax helo dadka kalena wada qado maxaa lay qaleeyaa? Ma wax baan qalloocshoo Qarankiyo dalkaan dhacay? Ma wax qiiro kiciyoo Laga qoomamoodaa? Dalku lacag ma haystee Shilimada ka soo baxa Qof haddaan la wada siin Qiyaash maashka ugu weyn Miyey qaybsamaysaa? Haddii laysku wada dilo Hadhow yaa masuul ka ah? Haddii berrito lay rido Ama geeshku igu kaco Anigaan wax meel dhigan Sidaan yeeli doonaa? Miyaan tuugsan doonnaa? Ma waxaydin jeceshiin Inaan daasad qaatoo Ceebeeyo Filibiin? Intii ay dhul weynaha Raggii dhoofay haysteen Sida awr dhufaanaa Usha laygu dhaqayoo Labadayda dhaban baan mid markay dhirbaaxaan ka labaad u dhigayoo intaas waan dhursugayee inta dhiisha qabada ah wuxuun iigu dhacayaan idinna maa I dhawrtaan? Wixii roob ku diI jirey Wuxuu doog jilbaha dhigay Diihaal ma laqanyoon Dibnahaa qallalan weli Duqu wuxu ka marag kacay Danni horeba loo qabey In dorraad gumaystuhu Dusha sare ka raran jirey Duqu waxaanu garanayn Kol haddii dabuubtaas Dibnihiisa laga helay Denbi kale inay tahay Isagoo galgalad kale La hadlaaya gabadhii Dadka guud ahaantii Wuxu yidhi guddoonshuhu:- Tartan xaashi tiris galay xujo socota weeye xabbad baahan haystaa ma xashiish can baan aha bilaash-xaytayaashiyo markaan naag asay xidhan xilka anigu aan sido u xayuubbinaayee xafiiskayga kuul iyo xinne iyo huruud iyo lala tegayo googarad Danyartay wad-wadatiyo naagtan waalaneey maqal dadka kuu gurmanayaa shalay daahir yaa shamis sawtay I doorteen wuxu diino badanaa Doorashadu mar weeyaan nin la doortay baan ahay sidii baan u doorrahay doorashoo dhan waan xidhay dabadayna lama furo haddii kale dab baa kacay imminkana digtoonow dib u jeesta oo taga ka suaal ka keenow magacaaga ii sheeg ama diiddo weeyee anti baan ku qorayaa duqu wuxu jeclaan laa midho daray had iyo jeer duuduub in lagu liqo waxse aanu kuba darin in la yidhi ha laga dayo dirxi inu ku hoos jiro isagoo galgalad kale la hadlaaya gabadhii wuxu yidhi guddoonshuhu:- Madaxnimada Filibbiin ma dadkay u siman tahay miyaan aniga lay siin miyaan Riigan odhan hay kun miyaanan shay dilin kuman kalena dhaawicin kumanyaal xabsiga dhigin duqa iga sarreeyaa markii uu warkaas helay sowkii maqsuudee hambalyada qoraalka ah deg deg iigu soo diray hubka yidhi ha loo raro haddii aanan toosnayn sow muu cadhoodeen? Anna ima canaanteen Ma duruusihiisaad Igu beeninaysaa? Dal hadday ku badan tahay Deldelaada dhimashadu Dabar gou bannaan yahay Hub markaaba soo dega Dawladiisu waa caan Inaan doorkan maanta ah Deeqdas cid kale bixin Dunidu way ogsoon tahay. Axdiyohow ha lumin Ugxan yahay ha dhicin Ashkiryohow ha jabin Ubax yohow ha dhiman Udub yohow galool Oggolow dhiggaa Nin cuskaday Illaahay Eebbay ku magan galay Kuma qado agtaadee Arrimaha Rabbow Soo uruuriyeey Adduunyoy hadduu Nin ku aaminaa Helo aayatiin Ha lagaa arkee Ishaarada nin goba Ha ka eexanneey Iima badan naftaydaay Dadku waaya-arag buu Hadba awr ku guuraa Wax Illaahay kuu qoray Cidi oolin maysee Ukuntii dillaacdoo Ababoo fogaatoo Kambalkiyo ardaagaad Ku ogeyd ma joogtoo Shimbir ay ku nooloo Laba baal aroortii Urur kale la duushaad Umal taah naftaydaay Ku ugaadhsanaysaa Ruuxaan aqoon iyo Axdi naga dhaxayn bay Dadku igu sidkeenoo Eebbow runtii bay Asaraarayaanoo Qof ammaanaddaadiyo Wacadkaaga iibshay Addin iigu xidhayaan Anna xuural-caynaad Rabbiyow abuurtoo Amranoo la yaabloo Ka qarsoon adduunkoo Circa oogadiisiyo Abataqan ku nooloo Qof ilaasha mooyee Cidi aanay aragoo Maalmaha Isniineed Iyo labada Iidood Eedaanka subaxdii Dhulka soo abaartoo Awliyada jacaylkee Arammidu ku mudan tahay Marta aqalladoodoo Wadne abur tufaayoo Olol iyo dab yeeshoo Aslanoo casaanoo Ooyaaya dhiigoo Dhexda eebo kaga taal Ku afura tidhaah-daa Indhahaysgu haystaan Ul madheedhahoon Hor Illaahay iyo Abaal laysu siin Orod lagu helayn Awood lagu hantiyin Ayaan iyo nasiib Ma ka adag yihiin? Adduun iyo kalgacal Haday wada ordaan Hal-abuur tolow Wax ma iibiyaa? Beer oodanoon Irrid furan lahayn Haddii ubax jacayl Ula sare ku yaal Naf oggoli talooy Illinkee martaa? Nin abwaanahoo Ka arradan gacmaha Ka irmaan dibnaha Tolow Ina Suldaan Afku maw gudaa? Hadday welli Alliyo Uur-ku-baale tahay Hadday aawadeed Adhaxdiyo wadnaha Waxaa iin ku yaal Kail-sugan lahayd Indhaheeda tolow Ilmo lagu samara Ma ka iman lahayd? Oda lama filee Afti iyo haddii Ergo loola tago Tolow aabbaheed Muxuu odhan lahaa? Urugiyo xusuus baa Asaraarka faallada Saqda dhexe abuuree Umal iyo ladh soo kaca Wakhtiyada inkaarta ah Maxaa lagu illoobaa? 42. Indho badan Top God abeeso ninkii Illinkeeda degow Taladaadu iyaa Ma allow sahal baa? Arraweelo markay Laba eefka lahayd Igadh geela haddii Nin aroorsan lahaa Amarkeedu hor yiil Odhan mayno kolkey Awooddii rag dhintay Sii agaasimatoo Aakhiruu ku maqnaa Ugaaskay dhaxashoo Arrimii dhacay qaar Utintooda haddeer Lama oogi karoo Abba looma hayoo Sheekadaaba iskeed Ma amaahan karee Halka aahdu ku taal Waa la sii axadhaa Godob oofa ruqdaa Aabudhkeeda riddoo Alolkay jaratoo Ibahay furatoo Aslimayno dhaliil Odjamleedi durkee Immankaynu hubnaa Waxa eegga jirree Awgayow taladii Ifka maw rogannaa Naca jooji arbow Eela weynta hambee Ayaxow ayaxow Ayaxow weligaa Ayda waad dhilataa Eelna waad ka tagtaa Aafadaada miyaa Aagna looga gudbayn? Ashkirow farasow Aadyar baa la socdaa Orod kaagu labbaa. Ban aroori kaxaa Mar ugbaadku simaa Dhal aboodi halkuu Ogxantiisa dhigtaa Aadamuu mar jantaa Meel aboor degey baa Mar iftiin ka baxaa Gole aammus badnaa Mar mar baa idhi taas Anda-qaad ku bataa. Ma aqoon ma aqoon Ma aqaanno darkii Isagii han-hinnaa Waxa loo egmadee In dhoweydba sidaas Afartiisa rugood Agab baa la dhigtoo Oommanaa fadhiyee Ifafaalaha guud Abshir baa dhalatee Waxaan awda hayaa Ma ishaara san baa!? Ma abaabul shar baa!? Onkod gaaxdey miyaa!? Ma cir soo olkamaa!? Ma illiilo socdaa!? Ma xer tuugi Allaa!? Ma hayaan ulan baa!? Ma dagaal uganoo Laysu eeba gurtaa!? Ma col awdalan baa!? Ma ibleys qaxaya!? Ma insaa ma jinnaa!? Ma ardaa ma shinna!? Ma aleelo qubtaa!? Ma adeeri dhashaa!? Ma arraa ma urraa!? Ma awaarre kacaa!? Ma ufaa ma dabayl!? Ma asmaa ma Xanuun!? Ubaxeey Ubaxeey Indh yaab badanaa! Kugu eegma batee Maxay soo uriyeen May ayaamaha qaar Kugu soo ururaan Immisaa jirey waa Oontu kuu tirsanayd Immisaa jirey waa Arradkaagu sinnaa Immisaa jirey waa Noloshaadu adkayd Immisaa jirey waa Ajakaagu furraa Immisaa jirey waa Abaalkaagu sugnaa Immisaa jirey waa Ayaankaagu dednaa Immisaa jirey waa Adduunkaagu madhnaa Immisaa jirey waa Ishu kaa han-fogeyd Wax aqoolka haddeer Uskag baa ku jiree May ayaamaha qaar Korka kaa asturaan May ayaamaha qaar Wuxuun uu illiyaan Uurku wuu ku madhnaa May waxuun Ubaxeey Afka kuugu riddaan Adoogaa dabadiii May agoonimadii Aabbe kaaga noqdaan May illaahay hortii Irbad kuugu huraan Alif waa derejee Aqoon may ku geshaan Erey may ku faraan Loo adeegsado meel Aayahaaga hor yiil May ammaan ka dhigaan! Abeer baanad ahayn Oogadaan ku billayn Awrtan qooqday haddeer Abaar ba kulanteen Ummaddeennu jidkii Kii islaamnimadii Ahabtii faralkii Asalkii dhaqankii Isirkeedu lahaa Way ka soo ambatoo Aarankay dubatoo Ubaxeey hablihii Ololaa ku socdoo Ubaxeey sannadkii Boqollaal ugub baa Axankooda qashoo Ammintiiba kolley Inan baa dhimatoo Aqal baa dumayoo Udub baa jabayee Arartaydu malaa Asaraar ma gashee Ubaxeey warar baa Agaaha jiroo Olloggaaga badh baad Xog-ogaal u tahoo Adigaaba yaqaan Gabdho ooda rogtee Ba albaabkan garaac Ummul baa hurudee, Wax ku oogan xanuun Aamanuun gubayoo Umal baa shidayoo Ammuurii dhacay bay La asqaysantahoo Ilmahay dihataa Xalay eydu cuntoo Naxariista illayn Anshax baa dhaliyee Haddii uurka habreed Astaan gaara lahaa Hooyadii amranayd Arxan goysey markuu Xeer illow ku dhacoo Ubadkii magantaa Haadku eeganayaa Eerashoy biiwaa Iil dhexdisa haddaan Obocdeedu qubnayn Sow ma soo olosheen Aaway beer debicii Aabi baa lumiyee Arladeena miyaa Naas irmaani jiraa? Shan afraad shan afraad Birta kii ka aslaa Oori deydeyayee Aroosow magacaa? Ilko dhiigle maxaa Lagu aaminayaa Dhego awdan miyey Odayeyntu gashaa Irdha qaado ragow Naftaad aasi taqaan Waad abuuri kartaa Rag miyaad Ubaxeey Alabkiisa taqaan Asaydaada mar buu Ashqaraar huwiyaa Al-alooska gobeed Waa ka aar gudashoo Lama ooyo dhurwaa Ishinkuu legdadee Gabadh iilatay hooy Ayaanteeda madow Alwadkeeda ninkuu Alalaas geliyaa Uur ku taallada wuu Wuu ka iidsanyahoo Iman mayo halkuu Ka alaabo gurtee Ool waxay ka sidaan Ergo waa ta dhahdee Eedi hayga hadhee Waan afeefanayaa. Ubaxeey bahalaa Ku ilaashanayoo Ubaxeey hororaa Ku ugaadhsanayoo Araraa kugu dhow Orgobaa fadhiyoo Aarna waa gudayaa Iimo kaa deyayaa Geenyo aamus taqaan Tuugba waa eryadaa Mar baa ayrada geel Oohow loogu digaa Anfariirka dareen Adhibaaba didee Ahmin baa la gataa Hilbahaaga Ardooy Lama iibsan karee Aanadaada ha deyn Rag ul baa celisoo Ka adkayso qudhay Ammaantaadu tahee Waa arooryo horoo Orka kuu baxayaa Amba qaadka salad Weeye loo addimoo Hadal waa la abyaa Waa la soo ururshaa Arrintaada marwooy Wixii iiga ekaa Horaan kuu idhee Arbacuunkani waa Abhintayda danboo Waa ilayska hadeer Addinkaagu halkuu Ku abaaranyahoo Waa ammaano dadeed Amarkaan ku faro Waa asaaska halkaan Ka awaala digoo Axdigaas culus baan Adhaxdaada furee Sheekadaada ogow Idlaadkeeda hadhow Adduunkaa sugayee Af-dhabaandhab haddaad Oofin weydo xilkaas Way ahaan jirtey saas. 46. Jeegaan Top Jeegaanta dhalatee Cirka lagu dhexroore Dayaxoo dhammaysoo Dhulka dacal ku haystiyo Qorraxdoo dhacaysoo Dhiganaysa baallaha Midba dhool ku mudataay Weli waxaan dhafoorkiyo Dhabannnada la haystaa Heegandan dhaqaaq-joog Waxay dheelli-socotaba Soo caana dhuratee Kugu qabatay dheeggee Dhammidaa tin iyo cidhib Kugu dherersanaysiyo Ta kalee ku dhaaftee Dhican kaaga rutatee Dhudhun kaa fogaatee Ha hillacday dhuuxee Dhibic iyo mahiigaan Ku dhirbaaxday ciiddee Dhirta wada ruxaysoo Waxa dhaygag ii diley Midabadan dhinbiilaha Dharka wada xariirta ah Dhexda kuugu duubee Midba dheeha gaarka ah Xubin kaaga dhiibshoo Waxa adiga kaadhigan Ama baro ku sii dheer Qurux kaaga sii dhow Middan dhaxanta jiilaal Dabka iga dhex shidatee Wadnahayga dhilatee Dhillow-yahan sidiisii Dhan kastaba u raacdee Xididdada u dhaaftee Dhiiggii ka shubatee Xinjirtii ka dhuratee Sida dhaanka jiilaal Dhabarkayga raratee Dhoomaha I saartee Jidka aan dhammaanayn Igu tidhi ku dhererow Waxba yaan ku dheeraan Arrintayda dhabaqdiyo Sunta igu dhalaashiyo Dhigtan udubka weydiyo Lurka dhaawacaygee Dhallinyaro rag iyo dumar Dhawr baan aqaannaa Dhugatada kalgacalkiyo Wada qaba dhukaankoo Dheehashada jalleecada Isu dhaafi waayee Dhede xidid ahoo qudha Dhaayaha ku wada yaal Inkastay dhaqmaadkiyo Dhalashada wadaagaan Dhayal iyo fudayd baa Wed u kala dhaqaajaa mid dhacdaa halkeedii ta kaleeto dhaxashaa nafta laba dharaar qudha isu dhiibi laayoo sida dhegaha oo kale isu dhiman lahaabay dantu oodo dhacameed midba dhinac u saartoo arrintoodu dhiif iyo dhul ku foorar joogtaa kala dhiman adduunyooy ninkaad dheriga siisaa intuu dhuxusha hoosiyo dhardhaarrada ku maqanyaa dhagarta iyo geeridu dhoobada u qooyaan dadba wuxu dhammadaa intuu dharabka doogga leh dhutis ugu tukubayee hadba meel ku dhaxayee maxaan kaaga dhololaa? 47. Jiitama Top Dhudu geenyadaydii Dhex-yartii shakaallayd Dhirifkiyo wisiisiga Dharjadii ku tumatoo Jarihii ku dhabatoo Dhufsataye u sii daa Magaceedu waa dheel Heensaheedu waa dhiin Shalmad dhabaq-guduudiyo Dhowloosyo dahabiyo Sitaac dheeh leh baw xidhan Baal dhalalaayaa sudhan Kun hal bay u dhagantaa Dhanbaal bay siddaa culus Dhalandhoolka tiigta ah Hadday maagto dheemaal Ama dheelmad soo galo Dhudhubaha shareerka ah Iyo jararka dhiibta ah Iyadaa dhanbalatoo Dhabbadeeda falatoo Tubta sugan ku dhacantoo Abataqan dhoweysee Dhaxaad humhumatee Ma dhan tahay Sarmaanow Isma Dhiba ku soo bood. Sida badowga haw dhiqin Dhiiftu way cabudhisaa Yaanay dhaadin guul guul Xakamaha sal uga dhawr Ha la dhicin rakaabbada Nabar kulul ka dheeree Dhengeddana ha ku adkayn Yaanay koora dheelliyin Dhacadiidka fara badan Dhabarkaa ku daalee Dhaqdhaqaaqa tarantari Tabahana u dhiib dhiib Dhabdhab orodka booddada Ha ku dhegin majiiraha Hadba dhaad isugu taag Hadba dheeg iskaga looh Uga suul dhabaalee Hadba dhinac u diga-rogo Dhudhun iyo badh sii soco Isku dhereri gaaddada Bogga dhaxanta kaga qabo Dhulka gacanta saar saar Hadba dhagax ka soo qaad Dhanka kale ka soo fuul Hadba dhool ka muunsood Dhoorka raanta tuurtiyo Taataabo dhabannada Dhaw-dhawda kala quban Hal-abuurka dhabaqda leh Hawraarta kala dhiman Tixahaan dhugta lahayn Way ku dhega barjowdaa Dhudda gabaygu leeyahay Ereyada dhexroorka leh Suugaanta dhaladka ah Kula hadal af dhawrsoon Ha ka dheregto maansada Dulucdana dhacdo u yeel Nin la dhawrayaad tahay Waa lagaa dhursugayaa Yaan darmaantu kula dhixin Dhakhsaheedu waa laydh Badi soo dhirbaaxdee Dhag-dhagtiyo xawaaraha Yaanay dhaafin yoolkii Ina Dhamac ku sugi jirey Isba waa dhigaygee Dhoodaanna tala geli Dhugashada ayaamaha Haddaan dheehdo waayaha Sooyaalka dhaxalka ah Waxay dhaayo joogeen Hadda shalay ma dheerayn Waxa dhacay ma fududayn Weli dhaar ma beenayn Maalmihii dhanaanaa Wixii dhiif la soo maray Iskastoo la dhabar jabay Laysma dhiibin goobii Dhederbiga la geylamey Mana jirin qof dhawrsaday Dhaqan iyo hiddaa jirey Dheg la xeeriyaa tiil Dhaqashadu hal maahayn Dhiigna waa la huri jirey Dhumuc waa la ridi jirey Badna waa la dhuri jirey Guulna waa la dhalin jirey Dhiiri buu hubku ahaa Dhaadashaa hanku ahaa Marka dhabi dhabteed tahay Dhidar wayska tegi jirey Miyaan dheelallaysnahay Mise waan dhadhabayaa? Dhammaan guulahaygii Riyo iyo ma dholol baa Ma dhibaad nin bixiyaa? Ma runtaan dhacdo ahayn Dhagaxtuur ma been baa Labadii dharaarood Mee ninkii is dhinac sudhay? Miyaan daayey dhagartii Mise dhiilladaan jirin Mise tolow dhalooshaa Dhibidkeedu adag yahay? Dhirta waxa ku jira geed Wac wac iyo dhalaal badan Dhulka hoose kama baxo Dhuuni yaalla kama qado Damal dhuumo maaliyo Dhamastii hadhka lahayd Marka dhuuxu ka engego Ma ogtahay dhillowyahan! Hadduu dhaashto jiilaal Ama dhiibsho laamaha Naxariis la kala dhaco Dhardharraanta quruxdiyo Dhaaddanaanta liqanyada Si kaluu u dheegtaa. Maan dhabtayda faaqido Dhubbad-qaad la daba galo Cidla maan is kula dhaxo Horta ooda dhacameed Maan tilmaan ku kala dhigo Dhalliishaydu waa tuma Dhaymahaygu waa maxay? Dhabadaan ku taagnahay Hadday laafyo dheer tahay Dhowrteedu badan tahay mid ka dhow ma helayaa? Haddaan dhay la heli Karin Ama sixin la dhami Karin Maan dhunkaal ba heensado Dheeraad nin haystoo Aqalkiisu dhalo yahay Nabaddiyo ku dhaqan keed Hadduu tuuryo dhaafsaday Miyaan kiisa dhagax Karin Maan dhadhaabta xaabsado Hadday dheeshu laba tahay Anigiyo dhurwaagay Ka dhaxaysey guushii Dhiniciisa ka holladay Maan dhankayga ka guntado Qayl- dhaanta sama-doon Nin hadhkiisa uga dhacay Dhawaaqayga sahashadey Inuu ii dheg taagoo I dhegeysto maan baro Haddii awr dhufaanii Isku saydhay dhibidii Dhirta maan jejebiyoo Anba dhoosha ka cartamo Haddii dhoobi fara baxay Dhoobeeyey taladii Anba maan hengelo dhigo Nin dhukani hadduu jiro Anba maan is dhega maro Nin dhibtayda magan galay Anba dhiillo maan bado Dhaawacayga hoog iyo Dhimasho maan ku soo bedo Ninki Dheeha gawracay Hadduu dhuuni qaatiyo Hubkuu ciidda dhaafsaday Dhan kastaba iskaga xidhay Xilli aanu dhaadeyn Sida jibin dhinbilo kulul Ama danab dhanbala ridey Ama dhibic gudgude wado Dusha maan ka soo dhaco Hadday dhooftay nabaddii Cirka looga xero dhigay Dhoonbir maan ku soo rogo Hadday ceel dhexdiis taal Dhiigba maan ku soo guro Dhambaalkaasi waa baaq Dhawaaq weeye joogta ah Dhahay oo haddana dhahay Dhigay oo haddana dhigay Hadba dhinac ka soo diray Hadba midab u dhalan rogey Nin dhegaystey fara badan Ninse dhuuxay sheekada Wax ka dheegtey mooyaan Anna dhaawac igu gaadh Dhimashiyo hed mooyee Suugaanta dhacanta leh Dhibba haygu noqotee Inaan dhaafo lama sugo Ma intaan dhitinayee Arrintayda dhilayee Dhebigeeda qorayaa Bahalkii dhabbacan jirey Iga galay dhufayskii Dhayalsigu lur weeyee Ma dhabbiibyey nabarkaan Dusha sare ka dhayi jiray Dhulka iyo dadkiisii Intay dhiillo saarayd Toban iyo ma dhawr baa Dhaqaaq joogsigaygii Sannad kale dib may dhigay Intaan hawlo kala dhiman Dhirin-dhiris ku foognaa Maygu dhalatay Jiitami Dhaylo dubato caawana Ma ku iiddey dheel-dheel !!! Goobtu dhaygag badanaa Meydna waa dhex-yaallaa Dhiigna waa qulqulayaa Dhabataala cunayaa Dhamac baa la tuban yahay Dheella waa la tumayaa Ma bishii dhabcaalkiyo Dhaar jiidhka fuleyga ah Dharaar-maalka tuugga ah Nin gumeysi dhaansado Taladii u dhiibtaa? !! Ma bishii ma dheregtada Iyo dhaysa weyntii Gobanimada dhaawacay Nimaan dheefta mooyee Dhiska qaran ku hawshoon Dheeraadka siisaa Ma bishaan dhoweystee Dhololee ku dhololee Dhawraayey sebenkee Sugey dhalashadeedee Dhiciddeeda raadshaa Ma bishaan ku dhaatee Dhidibkeeda taagee Dhismaheeda ficilkiyo Dhudhunkiyo laxaadkiyo Ku dhabeeyey kaarkee Dhoobadeeda ciidda ah Dheecaanka seeddiyo Ku waraabshey dhididkee Dhaxan igu bannaysaa Ma bishaan u dhacartee U kal tiriyey dhaaxee Dhiilkeeda tolayee Ceeryaamo dhacantiyo Dhedo lagu hungoobiyo Dhalanteedka beenta ah Dhibicdeedu noqotee Dhicisee is nuugtee Waxba dhiiqi weydaa Ma bishii dhallaankiyo Dhallinyariyo waayeel Dhaddig iyo lab labadaba Dhammidood qalqalatee Waxba dhaafi weydaaa Ma bishii dhaqaaliyo Dhaqankii burburisee Isku dhuuqday labdaa Ma bishii dhadhamadiyo Dhafan-dhaafka hogoshiyo Wax la mariyo dhuuntiyo Qaran lagu dhillaystiyo Dharabbada u xilatee Dhulka lacag ku gadatee Dhirta wada arradisee Dalku dhaxal wareegaa Ma bishii la dhuuntee Sida eeri dhabankii Dhabbadiyo jidaashiyo Lagu jiitay dhoofkee Dalka laga dhuyaalaa Ma bishii dhanqalankiyo Dhawa-welanka hooggiyo Xabbad dheelli socotiyo Qabri laysku dhacanshiyo Xabsi lagu dhabriiriyo Dhaca iyo colaaddiyo Dhagartiyo shirqoolkiyo Dhimashada jideysaa Ma bishii laf dhabarkiyo Afarteeda kala dhigan Udubkiyo dhigtiisii Dhoomihii is celin jirey Dhaayihii is tebi jirey Gacal wada dhaqnaan jirey Hilbihii is wada dhalay Dab dhexdooda gelisee Dadku kala dhaqaaqaa Dhugucdada xajiinta leh Waxa loo dhab dhabayaa Toddobaatan iyo dhowr Ama boqol dharaarood Ama tiro wax sii dheer Nafta loogu dhibayaa Dadka loogu dhacayaa Dhaxan loogu joogaa Dhafar iyo hurdo laaan Dibad loogu dhaxayaa Dalka oo dhan nuurkiyo Dharka loogu xidhayaa Dhaanto loogu tumayaa Dhaldhalaalka beenta ah Ayaan dhuux ka hoosayn Dheeha muuqa guudkaa Nuxur looga dhigayaa Hadii ay dhabeel tahay Dadka lihi ku dhaataan Wuxuu dheefa lagu qabo Dhag dhag iyo durbaan iyo Dharba looma baahdeen Ninka dhacanta jiitow Dharka ceebta qariyaa Hadal iyo dheh maahee Dhaqan suubban weeyaan Dhimashadu xabaashiyo Kafan laba dhudoodiyo Rubaddoo ku dhaaftiyo Iil dhexdiisa maahee Dhilashada jidhkaagiyo Sharafkoo dhantaalmiyo Dheg xumaanta weeyaan Haddaad dhuuxday bawdyaha Miyaa dhawrsi kuu hadhay Ma xanuun la dhaadoo Lala dheellintaa maqan Dhib waxaanku marinlaa Adigaa dhammaystee Haddii dhoof ku soo galo Adigaan is dhalan rogin Ama dhuuman saas yeel Haddii mawdku kugu dhego Dhabaqsigu ku sii hodo Dhamme kuugu soo galo Dhakhso iyo si kedisa ah Isha oo ku dhugatoo Ku dhalliisha mooyee Dhoonbirkaygu kuma geyo Nabar geesi kaa dheer Birsol kaa dharaarow Kuma darin dhallaankiyo Dhasha oo ku ximisoo Dheesha maarrarowga ah Kugu jiidha dhoohnaan Iyo dhoobo digasha ah Dhinbilaha I shidayaa Dhiciddaada maahee Dhulluxaad abuurtiyo Dhidhkaad reebtay baa badan Dhiilladaydu waa taas Hadal iyo dhammaantii Bal aan dhaarsho heestee Waxay dhaabadii tahay Marka dhamac la huriyee Dhuxul iyo dab ololee Dhirta nooli gubataa Gari dhaaya furataa Dhafoor taabashada qaar Ha is dhigan nin diidow Ha u dhuran waraabii Laftuu dhuuxay eersaday Adoo dhiibey hayntaa Dhaxdin iyo dalkii huray Adigoo dhashaadii Dhawaqiyo codkoodii Ku dhaqaajin waayeen Yaan ninkii ku dhaxal tiray Adoo caara dhuubtiyo Dhulka nabarku kaa yaal Dhaxan kaaga daba iman Dhillistiisa kugu dilin Yaan lagaaga soo dhicin Dhinacaan is bixin Karin Dhacadiid iska ogow Dhagartana is weheshada Hayska dhiman sidii neef Horta dhiig ku faraxalo Dhudhun kaa hor jeedaa Ku dhirbaaxi maayee Dhumucdaadu waar hooy Dhumucdaadu yay hooy Dharab-roorka kugu jebin Inantaada dhege culus Dhiidhiibso kula tali Gacan baa wax dhalisee Ha dhur sugin ayaamaha Hana dhawrin maalmaha Dheeshu xeego maahee Waa dhabiiltan gobanimo Dhidar fule gashaantida Boqorkiyo dhaclaa xidhan Yaanu kaaga dheerayn Baadi dhiilka buuxsamey Dhici guusha maganta ah Nidarkiina dhaqan geli 44. Jacayl dhiig ma lagu qoray? Top Jacayl dhiig ma lagu qoray Weli dhuux ma loo shubay Qofna saanta dhabarkiyo Ma u dheegey feedhaha Dhabanada cad laga jaray Hadalkii ma lagu dhigay Xinjir aan is dhalan rogin Midabkeedu dhiin yahay Laga dhuray halbowlaha Weli dhiil ma lagu shubay Laba mays dhansiiyeen Sida dhayda xoolaha Dhag dhag maw wadaageen Weli laba is dhaarsaday Beryo dhacan nasiib iyo Dhul ku kala cillaalaa Subax dharabku kowsadey Dhedaduna cuddoon tahay Cidla aan dhir mooyee Wax dhaqaaqayaa jirin Jabaq maysku dhaadeen. Kulankii dhabta ahaa Riyo dhiifi keentiyo Dhalanteed ma moodeen Sida ay dhadhabayaan Dhawr jeer ma seleleen Af dhabaan dhab jamashada Ma ka dhoofay hadalkiii Bal dhaqaaq na kay tahay Dhihidii ma waayeen Ma ka dhabaqday xaajadu Ilma dhalatay xiisuhu Sida dhibic ma hiigaan Ma ka qubatay dhaayaha Ma ku qoyey dharkoodii Naxariis ma dhidideen Iyagoo dhanqalankii Dheel dheelli mooyee Dhegna aanay kaga jirin Kolba erey dhex roorkiyo Dhumucdii ka maqantahay Dhitinaaye keligii Ka dib tooban dharaarood Carrabkiyo dhanxanagii Dhirindhirid ma ku heleen Laba guul u dhalatoo Isu dhiganta weeyee Dabadeed dhabeeshii Hanadkii ku dheeraa Dhudi mays bariidsheen Dhubbad qaadka sheekada Qofba dhagarta caashaqa Wixii dhaaxo soo maray Ma dhex galay kalkiisii Ma akhriyey dhambaalkii Warka maysu dhiibeen. Kalgacayl dhito ahaa Dhamac iyo dab huriyeen Dhuxuliyo ladh soo kacay Hadba dhoon ma buuxsheen Kolba dhacan ma jiideen Dhacdadiyo u jeedada Qofba dhaadashada guud Qofka kale dhankiisii Inaan looga soo dhicin Ma ku dhaabadeeyeen Sannad mays dhegeysteen Ma dhalaalay waagii Dhag ma tidhi cadceedii Intay soo dhaqaaqeen Iyagoon ka dheeraan Dhaqankiyo xishoodkii Dhaymana u jeel qaba Iyadoo dhexdoodii Dhulka suxul banana yahay Dhibta maysla taageen Wax intaa ka sii dhow Ma ku dhiiran waayeen Dhayal laysu taabtiyo Dhallinyaro habkeedii Ma ka dhega adaygeen Dhadhansiga miliilica Isha mayska dhawreen Dhabbaday is taageen Qofba dhaabaddiisii Sara joog dhankiisii Kun habeen ma dherernaa Dhudhummada aboorkii Dhulka hoose kaga baxay Dhilashada jidhkoodii Ma dhanbalay sartii guud Ma dhammeeyey hilibkii Xidididada ma dhaawacay Ma u dhaafay seedaha Lafta hoose maw dhacay Dhiilluu ku geliyaa Ama waad dhalliishaa Dhagartiyo wedkaagee Dhimashada kal iyo laab Ma ku soo dhaweeyeen Dhoollaha ma ka qosleen Ubax dheelka subaxdii Naxariis ku dhaashtoo Afka dhiin cas mariyoo Dhaddigiyo labkisii Laba dhude isugu maran Ma is dhaafsadeenoo Dhaxal maysu siiyeen Dhuuni kawlka caashaqa Maysu sii dhadhamiyeen Ereygii dhinaa hadal Dhegta maysu saareen Dhafan dhaaf aboorkii Ma dhufsaday cammuudii Ma u qaatay dhoobada Dhab-dhabkiyo kabkabidii Labadaba ma dhalan rogey Dhismo kale ma soo baxay Ma ka dhigay wax yaabliyo Dudun dherer ku caanoo Dhumuc iyo laxaad weyn Dhalan dhoolka maantii Dadku dhacarta jiilaal Ma dhasaday dharaartii Ma ka dheelmay galabtii Iyadoon la dhaadayn Sheekada dhabteediyo Dhabar weyntan hooska leh In dhexdeeda laba ruux Runta kaga dhur sugayaan Haddaan laysu dhamanayn Nafta laysu dhiibayn Ama dhaxal tis qaadiyo Dhismo aqal la taagiyo Ubad iyo dhaqaaliyo Dhaqan reer la kala sugin Dhunkashiyo u jeedadu Tahay dhaayo guudkood Waabay la dhabaqsado Dhereg iyo markaas qudha Ama sida dhurwaayada Hilbo gabadh dheg roonoo Higlo loogu dhuuntoo Dhakhso loogu kala baxo Ninba waxa dhabbacashada Dabinkiisa ugu dhaca Dhidar iyo xabaashii Sharaf lagu dhabcaaliyo Dhawrsooni laga tegey Dhalanteedka beenta ah Bulshadaa u dhaawacan Hab jacayl u dhaqan galo Ma holladay ka ugu dheer Maamuusna ugu dhow Mise weli wax baa dhiman 45. Jacayl dhiig .. Has Love been Blood written? Top has love been blood-written has marrow yet been poured for it a person peeled the skin from their back or ribs has expression of this been offered in flesh cut from the cheeks has blood extracted its colour still red uncoagulated been scooped from the arteries poured into a milk vessel have two people offered it one to the other as they would fresh milk have they shared it happily time-separated in spirit in body as by a thorn fence sworn to each other one morning have two after first soaking rain the damp mist dense in an unpeopled place where apart from the trees nothing stirred become aware of each other’s rustle did that true meeting seem a vision to them brought by love’s plight or its mirage from time to time as if suddenly waking out of a dream did their speech desiring utterance pass from a mouth if just a howl did words elude them was the situation soured by this did spots of ceaseless rain emotion’s tears spill from their eyes did it soak their clothes did they sweat compassion disoriented with but a stutter of movement they were stuck each time a word no link with others lacking substance limped out alone was it ten days later their tongue and palate found strength for it but they are born for success of equal standing parted for so long did they greet one another exchanging stories did each for their part pass on the trials sustained through their love did they read the message exchange their news love was a food store which when it was heated with charcoal and fire the glowing embers of emotions stirred did they fill a large pot time after time drag the enclosure’s night-time gate each one with tender eyes seeing nothing harmed the other did they listen thus for a whole year did the talking end did they then spend half a day in this silent way as the daylight fell from their staring gaze their inflamed thoughts did they pass that night like the camel herders in nocturnal endurance of cold and dark difficulties bringing illness did the dawn then glow and the sun call out approaching each other not crossing the boundary of mores and modesty longing for a balm with a mere forearm between them did they stand bodies held straight opposite each other avoiding the step of moving closer resisting the play-touch the youthful way the taste glimpsed in the distance did they just behold each other through their eyes they stood on the spot each one gazing standing upright did it last a thousand nights the legs of the termite emerged from the earth breaking the surface skin did it peel their bodies consume the flesh did it wound the veins pass to the nerves persisting to the very inside of the bone the bad news it places in you that you look on with fear is the trials and your death did they welcome it with their whole body and a smile there’s a flower which blooms after morning’s compassion has refreshed it with dew it brings forth a red liquid for the mouth to sip its stamen and stigma entwine like a rope was it this they exchanged offering as a legacy did they present it to taste as the last earthly food of love did they place at the other’s ear the word which was missing the termite gathered up sand and detritus forming clay diligently rendering and plastering did it transform those two did a building arise did it mould from them a structure of wonder a lofty termite mound famed for its thickness and strength roaming in the sun-heat of daytime did people in the dry season grazing lands rest in its shade then move away in the evening unaware of the reality of the story that deep inside this shady backbone support two souls await the outcome of truth if self sacrifice is not made the breath of life not exchanged if one does not wait for an enduring legacy the building of a house upright children and earthly sustenance then the kisses and intentions are nothing but superficial a poison sipped to satisfaction in that one same moment like hyenas snatching a girl of good repute as they hide themselves in the higlo tree to pounce out quickly each man is expectant for what will fall to him a hyena and his grave hole the honour he has trampled the modesty he has snatched the lying illusion this does society harm did he strive for the highest level of fulfilment of love that closest to honour or is something still missing Translated by Martin Orwin 48. Ka rog oohaddana saar! Top Ka rog oo haddana saar Sabkax oo haddana seed Seemman oo haddana sulan Sidkan oo haddana sagan Sahlan oo haddana sudan Sal leh oo haddana sigan Sillan oo haddana sugan Subkan oo haddana solan Af Somaligaygow Wax sawaaban noqotee Maxay kuu sameeyaa? Ka rog oo haddana saar Waa lagu sugayoo Lagu saadinaayee Cabdiyow ma socotaa? Xeebaha sintoodiyo Ninka Saylac joogow Sagalkiyo daruuraha Wararkaagi saaraa Xamar bay bishii soon Saxal-qaaddu keentoo Sahankaagi noo yimi Sahaydiina noo keen Xagayaga sareediyo Waa Seer-ma weydee Maxaad saaka joogtaa? Ka rog oo haddana saar Tiro siman sagaal tuur Soddon keen sided hoo Waxa hadhay bal suuree Ma sobaa ma saan baa Saddex iyo shan waa kee Sakalaha ha laga guro Laba sulub ha lagu daro Guryo samo ha lagu furo Ka rog oo haddana saar Siinleyda maansada Haddii saami loo dhigo Dadku uma sinaadoo Suuganta hadalkiyo Cabdiyow sargooyada Lagu kala sed roonoo Rabbi wuxu ka siiyiyo Sida ay la noqotuu Ninba seylad keennee Ha saluugin Riiraash Ina Saalax haw dudin Af-qallooc ha saamayn Soomaali weyn baa Xaajada la socotoo Iyagaa ka seegiyo Ka sugaaya garanoo Kala sooci doonee Laba seeble yeelkii Ha ku lumo sursuuraha Sixirkiyo shan xuubluhu Ha ka dhaco sallaankee Xidho saanadaadoo Sulufkiyo colaadaha Samaydaadu yay jabin Ka rog oo haddana saar Badadheena Saaqiyo Samawada ku magac dheer Rag Saluugla ula baxay Marna Suuban lagu yidhi Sumaddeedu waa caan Kula siistay Baaruud Adna haygu sara tegin Waa Saxarla sheekadu Ka rog oo haddana saar Hararada sal iyo baar Lagu taxay sitaacee Loo soohay baarkiyo Saddexlaha ujeedaa Dhigta loogu saabboo Marti sama falkeedaa Koramada sagaal jirey Loo sudhay hoggaankoo Sooryaa la hurayaa Safar baa la furayaa Sumallaa la qalayaa Xididkiyo sokeeyaha Laga seexan maayee Salliyada xariirta ah Socotada u kala roga. Ruuxii saboolow Xilku saari maayee Saca maatada u godol Saadaal ku noolow Samirkana ha moogaan Ruuxaan wax sidinoo Shirka soo salaamow Adigaa wax sugayee Sarar iyo leg iyo badhi Kee baan ku siiyaa Sacabkaagu qaadaa? Iimaan sed weeyee mid haddaad saluugtana saddexdaba bal iga hoo. Ka rog oo haddana saar Sidig maqan ninkeedii Talo waw sar goay tahay Jid-Siraad korkiisiyo Suudaa la marayaa Sanadaa la dhaxayaa Sahay lagama maarmee Ha la jiro sibraarada. Ka rog oo haddana saar Saanteena guudkiyo Suntu hilibka dhaaftoo Sal waxay ku leedahay Saableyda uurkiyo Sambabada dhexdoodoo Maal baa la sarayaa Selel looma baahnee Kii seedayow toos. Ka rog oo haddana saar Soodhkiyo billaawaha Sinta midig ha lagu xidho Faraskana silsiladdiyo Seetada ha lagu furo Seefaha ha lala baxo Seeraa la furayaa Saryan baa la dabayaa Wiyil baa la sabayaa Xaajada sal fudud iyo Sakatiga ha laga jiro Sahwi yaanu kala ridin Sahal yaan wax loo odhan Dhulku waa sanqadhayaa Cagta saari maynee Socodkeenu xeel iyo Ha ahaado laba suul Sirna yaan la faallayn Murtidana ha saafina Ka rog oo haddana saar Maansadu ha socotoo Sida daad mahiigaan Dhulka haw sabbaysoo Kolba sabo ha gaadhoo Culimada salaaxdaa Senge hawgu joogtoo Ninba subax ha maalee Ruuxii suldaarow Garo inad sabool tahay Soddoh weeye xeedhadu Ragna waa u siman tahay Ninka suunka taabtee Ka sal gaadhi waayow Garo inaad sabool tahay Waa gabadh suaal iyo Halxidhaale sidatee Ninka Abu sarnaantiyo Saddex qayda boqorka leh Kaga fura si-dalagtee Male kaga sinaystow Garo inaad sabool tahay. 50. Muliya Top Muliya saaseey Hay saasey Muliyaa saasey Hay saasey Muliyay saasaa Hay saasaa Mulliyay saasaa Hay saasaa Yaa mullaaxda galool Maydhax looga jaraa? Yaa masaarriyo Hawd Maadha looga guraa? Yaa mageyno irmaan Dhasha looga maraa? Yaa hadhuub madaleed Moroh looga tolaa? Yaa maraa hadh qabow Maydal loogu xidhaa? Yaa marleyda haween Taan maqaarka lahayn Looga maarmi karaa? Qurux aan masanuun Male loogu tegeyn Yaa macnaysan yaqaan? Miyireey dhibtaydiyo Meeraysigaygii Dhegahaad ka maratoo Hadal mooyi keliyaad Ma huraan ka dhigatoo Maya baad ku koobtoo Il mugged wax joogiyo Midig baad ka talisee Hawraar magooshoo Ubax iyo man bixisaan Kugu meherin-laayoo Marriinkaaga hees iyo Maahmaaho yaabloo Nin magtii ka culus iyo Murti baan ka dhigillaa Mudan baan u noqonlayd Dumarkiyo marleydoo Masallaha jacaylkaad Maamuli lahaydoo Gabaygaan madhxinayee Hore ugu masuugaan Kugu madhin lahaayoo Cidi kulama maasheen Maskaxdaydan curatoo Malyan kula gudboonoo Muuqaaga aragoo Maqlay sheekadaadaa Ku majeeran-laayoo Inta gabadh is mooddaa Masayr kuugu iman layd Murankaagu duniduu Maan dhaaf ku ridi-laa Kuwa maqasha raaciyo Ma-kastaa ku baranlayd Jidka waxad ku marilayd Sacab iyo mashxaradoo Miyi iyo magaalaad Maamus ka heli-layd Midabbada dhabeesha ah Qurux daadan maydhee Rabbi kugu manaystaan Hadba meel ka sari laa Madaxuu ku socon laa Mar qofkii dhegeystaa meexaanahaygoo Midho laysku baantaan Kuu marin lahaayoo Muqdishiyo Hargaysaan Madadaalo waayeen Hadba mahadnaqaagaan Mirta dhexe la kicl laa Gacalkiyo mataanaha Wedka kala muquunshiyo Haddii mawdka geeridu Iga kaa hor mariyaan Kama aad maqnaateen Maankayga gelinoo Magic baad ka dhiman layd Marti soorka Eebbiyo Inta melg ag-joogtiyo Marwadii Rasuulkaad (S.C.W. ) Magan kaaga dhigi laa Qabrigaaga maansiyo Murugiyo xasuus iyo Mahadhaan ku qori laa Maka iyo Madiiniyo Halka Maxamed yaallaan. (S.C.W.) Calan kuugu mudi laa Muliyaa saasey Hay saasey Cishqi baan miraayoo Kolba mayracayoo Muddo dheer isagaan Majaraa u hayoo Guntii soo murdiyoo Kal gacaylkan madow Aan murwaadka lahayn Ninkii meel u hayee Ku muraadsanayow Hoo muftaaxa jacayl. 51. Quduro Top Cabdi Aadab Qaysow Qoffi soconayaan ahay Qaro iyo laxaad iyo Qoton waa halkoodii Ul qallalan umaan dhalan Qurux kama madhnaan jirin Hana qaad filkaygiyo Ka daweyni qayrkay. Hilbahayga qoonmiyo Qayaxnaanta jaahiyo Sida qaansadii godan Joogaan soo qandood sadey Qurubsiga tallaabada Qalqalloocan igu dhacay Ma lahayn qallaafee Qoontayda hoosiyo Waxa qaabkan iga dhigay Qisadaas ma haysaa? Maxaa iga qabyo ah hawl Wax ka qabashadeeduna Qayrkay ku xidhan tahay Maxaa qalinku sheekiyo Qubanaha dharaartiyo Kolba qodob la yaabliyo Mahadhooyin qorayaa! Maxaa feedho qaaxiyo Qulub kala kexeeyeen Qoomammadu damqaysaa Maxaa ciin la qooshiyo Waabay qadhaadhoo Dacar lagu qasaasiley Iyo quudhsi dabayaal Afar aan is qabannoo Cabsi loogu qumayaa Qamuunyada dibnaha iyo Qacda labada fool iyo Maxay qaawinta ilkuhu Qanja barar isku hayaan Maxaa qiiro hoosiyo Ilmo qubatay gocashadu Ha I qarin ku leedahay Isaguna qabaal iyo Qaba dheer ku shubayaa Maxaa ruux qaldhebayoo Qormadii rugtiisiyo Qudha laga toleeyoo Misna quusan waayoo Nafta quudhi waayoo Qarandida sideedii Qodanaaya booraan Godka meel qarkiisa ah Qoobley ordaysiyo Fardo qaxay ku jiidheen Maxaa seefo qawliyo Gudmo lagu qadhaabtaa Damal adag qarqooreen Dadku dhagar qaboobaa Qaantoodu fududaa Qarqarsigu ku adakaa Ninka qoofashee yidhi Qoorta hoos u wada roga Qoontooda badiyee Iyagoo qiyaamiyo Bad qaloonbiyeysiyo Ku dhex jira tog qawlay Qoyanaanta diidaan Iyagoo qaldhebayoo Qatannoo arradanoo Gabaddano qadhqadhayoo Nolol qaawan joogay Burka qaraf ka dhawraan Qawdan waa nin keliyee Haddaan qaybta loo burin Wiyil qoodh ah laga dhigin Qaran kuma hoggaansheen Qaadhaan gumaystiyo Qalle lagu hungoobiyo Qalam jalam hadoodilan. Ma lafaa qandoodiyo Saadaal qallalanoo Lagu qiil banaystiyo Riyo qabaxtankeediyo Qaadaa dheggeediyo Qashar iyo salool baan Qalalaasahaan gabay Ii gumiya leeyahay Ma quruumo ciiddiyo Qawlallada aboorkiyo Inta dulin qadhaabtiyo Qablantadu ku kulantee Canka lagu qadhiidhiyo Qabri lagu ducaystay Qabyaday ku xidhan tahay Ma qorshaa badheedhkiyo Quxub lagu hirgeliyee Qori tuurka Saadooy Lagu kala sed qaatay Qadder dhacay u haystaan? Jidku qarar xidhiidhiyo Qodax iyo dhib badanaa Qaringaynu joogniyo Qard-jeex yays baray? Dadka yaa qareenkiyo Qolo qolo u kala raray? Qoqobbada dhex yaalliyo Tolow qalada yaa baray? Qorannimada waa tii Qoor-gooyo laqan iyo Qaryad weer cad xidhatiyo Lagu helay qisaastee Hadmaa qaabkan loo roggey? Bulsho qudha la saanyadey Qaydar iyo galool iyo Qansax miidhan laga dhigay? Qandigiyo mareegtaay Qalwadiyo sursuurtaay Iyadoo qaskaagiyo Raggii aad qalqalatee Qawlaha u loogtee Tidhi qaybi dacawada Qoyan tahay raqdoodii Qummanii degaankiyo Qadhadheytiydiisii Qumayada dabkeediyo Lagu shiilay qaxankee Qunbeyaasha lagu shubay Adigoo qudhqudhiyoo Ku qubeystey dhiiggii Iyadoo qalfoofkiyo Hadhadoodu quban tahay Haddaad soo quturan tahay Ama weli qor kuu hadhay Qoysku waa hadhiinoo Qabku maaha beentaa Qudha loo kal tiriyaa Qusur kama fogaatee Ina Qayte yeelkii Ha qudhqudhiyo caanaha Qadda ruuxna haw dhamo Hadaan qaamudkay gelin Anigiyo rag ila qaba Qoomaasha murugada Qodkan bixiyey laamuhu Dabna wuu u qolof dhici Qaybdiid haddii uu Qado wadari leedahay Qoondaystay keligii Gaariyow nin qadanaa Qiimeeya noloshoo Weligii qadderiyee Qaska iyo colaaddiyo Kama naxo qulqulaadaha Qarfihiyo abaaraha Rati qooqan baan ahay Maskaxdaydu qayliyo Qiiq baa ka baxayoo Bulsho qawqab diidaan Bal inay qamaamaan Qabqabaha u tumayaa Nin qab ii dhigaayaan Anna qool u xidhayaa Qoortaydu waa iib Wax ka qaaya-weynoo U qalmaan u hurayaa. 52. Rag siyaasi wada noqday Top Suugaan ka hadalkiyo suradiyo murida culus hadalada sadexa maran halka laga sameeyaa kolba laga salaamaa Duniyahay sabool diid siyayaaba badanleey majaray ku socotaa xumo lagaga saahiro sulax noolba waa guul laga helo sax iyo maan qofka xiga samaantay agihiisa sudhantahay ma ogola suldaameyn iyo diro ku sabashada Hadba sarakaceediyo sababaha ka dhacayaa nafta lagu sargooyaa labadeeda saanqaad marba kii sokeeyaa nafta lagula seexdaa dadku sogordaheediyo siraheeda culus buu u su,aalo badanyahay saridiyo rogrogidiyo marba saab kabixintaa hanku ugu sitiriyaa Sugidaa leh maahmaah iyo sawracgobanimo hiyi baa leh saadaal iyo saami lagu qado marba sadadu waa meel sabirkaa la qaataa badhna qaybtu waa sarar inaan suuska digashada Marka saacu gudhanyahay Waxa seeto laga dhigay dadku inay ku soomaan xilka sabanku leeyahay iyo weedha saaloon Sacab madhanba loohayn Sadarada laqaybka ah. Qof saluuga mooyee hadda cadaygu waa soor sirta waa ka dhigashada marka aan si kale jirin. Sange orod la dabagalo salyar buu u necebyahay codka salalka bayrtiyo Dadka qaar sacsacanoo sirqa ba,an ku noqotoo marba suuf ku dedayoo sawirkeeda necebyahay. Rag siyaasi wada noqoy wada furay silsiladaha hadba taanu suurayn Yidhi anigu aan saxo Sarif hadal ku daaldaal Marwo dumar ku noqooy saxal subkeey heeganteedii silicana ku keli yeel suxulada habaaska leh sabadiyo rugtiisii sarajoog ku laablaab ama jiif ku siigee nina seeg ku noqon waa xil sariirta kaligeed adna hooyo saxarlaay surin kugu banaanaa Aqalada xiimraa sudhan sigashay ku baridaa dadku sabanka maantii sahwi bay ku joogaan saqda dhexe habeenkii sardhadii ku lulanyahay surmi bay ku hurudaa ama ciil la kala socoy ama cadho la kala suur Dhasha saxalku hayn waa Surbacaadka raacraac Lagu qaad far iyo suul Mar salaada jiidh-jiidh Marna umalka seeraar Si sawaaban yeel yeel Dadku segeger moodmood Sunbo loogu yeedh-yeedh Dulucduna ka samarkiyo Nin waxsaaray maahee Sinji hirashadiisiyo Saameynta wadartiyo Xogta garashada aan sulin Sumad baanay weli hayn Cidna la gula saayido Mar hadday sirgacan tahay Dadku saangab wada yahay Sanadaha ku kala weyn Lixdan iyo sagaal kulul Kuma kala sareeyaan Kula mada sa waxanka leh Suti muranka yaaliyo Salowgooda baxayaa Suruq buu dugsanayaa Derejaan la kala sidan Kala soocda laba ruux Haki iyo sed baan jirin. Dhulka suur ku yeedh-yeedh Bulsho loo sanqadho badi Sac sac raaca loo diid Sakaraad lawada noqooy. Dhaqan lagu sariigtiyo Barigii sodohaleey Saranseer kadaba yimi Dadku wada salfududaa Sanifaada wada baray Iyo saarka tumashada Baday seef la boodkii Sunta qoosh la kala dhaxal Sahan iyo baxnaaniyo Noloshuba sansaan Ma dhexyaal sureerkii Haddaan soohdin kale jirin Waxaan suuragalin karin Dadku inuu sidalagtiyo Afka suuq ku kala baxo. Rabi samafalkiisiyo saka weeye garashadu lgu saanto xigatada Satiyada aqoontiyo noloshana sal iyo baar waxaa looga simanyahay waa siraad kadhigashada hadba tii ku seegtoo waxa laysu siiyaa salka lagu fadhiistiyo inaan seesku dheeliyin. Hadday saancad dunidii adoo sayn cad kugu tahay saymaheedu meel buu Ilaa saaka kuuyiil haddaan sooryo waayeel sanku neefle kuu hayn cid baan saaf la dheegtiyo xadhig soohan kaahayn. Haddii duul ku sahashado ama sebi xaq kugu luro sed kamaqan tirsanayaa sumalhaadka shidayaa waa saruurad haysee selel yaanay kugu ridin 56. Siddi qabax Top Saaxiibkay Qaysow Marka hore salaan guud Marka xiga sedkaagiyo Waxa aad ku sugan tahay Waa inaad na siisaa Marka xiga silsiladii Murtidaadi soocnayd Subciyoo dhameeyoo Solayoo bisleeyoo Dabadeedna siistee Saaxiib ma nabad baa? Sumaddeedu waxay tahay Roob saaka daay baa Sar-ka dhaban la yimiyoo Anna seexan maayee Saaxiib ma nabad baa? Sumadeedu waxay tahay Heestaydu waa siin Sidig weeye dihinoo Waxa loo saddexa maray Dadka haw sinnaatoo Ruuxii sabooli Caanaha ha saydhee Saaxiib ma nabad baa? Heestaydu waa siin Waa sooryo xididoo Saxar laga ilaashoo Laa sugay bidhiiqoo La saluugi maayee Saaxiib ma nabad baa? Sumaddeedu waxay tahay Saxan-saxo ma roob baa? Seed geel ma hilib baa? Seko adhi ma xoolaa? Far-dhexaad ma suul baa? Sakaraad ma lool baa? Biyo sare u jeedaa Halka ay sul-dhigayaan Sahan raacay weydii Sumaddeedu waxay tahay Cabdiyow sabeenii Way sumal-xadeenoo Midi haysa sidatee Saddex dhalay warkoodiyo Waxay saaka joogaan Xogta aan ku siiyoo Sarta kaaga jeexee Saaxiib ma nabad baa? Sumadeedu waxay tahay Sheekadu sal-fududaan Ama socodka qaarkiis Kuma sama-falaysoo Cabdiyow ka saan weyn Suxullada la gaadhoo Sinta waxay ku haysaa Subulaha galbeedoo Ninka saylac joogaa Sanqadheeda mooyee Ma yaqaan sirteedoo Orgi sarara weynoo Sogoboo dhufaaniyo Inay tahay riseenyoon Kala saari maayoo Haddii looga sacab tumo Salmihii Gurracaneed Selel kama baxaysee Ha la boodin seeftee Saaxiib ma nabad baa? Sumadeedu waxay tahay Inta waranka sooyaan Samaydii ka maqan tahay Inta laba suaalood Sakaluhu dhex yaalliin Inan dunida saabkiyo Laga saarin tiirkoo Qorraxdana siraadkiyo Laga siibin nuurkoo La afuufin suurkaan Rabbigay ka sugayaa Sumadeedu waxay tahay Ninka ootay seeraha Saxarlana ku guursaday Haddii uu nin sare yahay Aan laga sed qaadayn Saadaasha mooyee Si kalaan ka yeelaa Suuroobi maysee Aniguna sidaydaba Soddohaa rag kale qabo Kuma toobbad seegee Sumaddeedu waxay tahay Sidi-qabax shan maalmood Sahay loogu talo galay Soddon laguma gaadhee Hadal lama sudhnaadee Saaxiibkay Qaysow Waxaad Suuban leedahay Saca Faarso nacayow Sagaal beri adoo qaday Samsam iyo Bullaalaa Saarkaagu kaa hayn Saxarlaay ma kula tahay? 57. Sirta nolosha Top Saaxiibkayow heedhe Safar baan ka imi dheere Marka hore salaan diirrran Marka xiga samow heedhe Ha ka nixin si-dalagtayda Sacab fara-madhnaantayda Suugaanta yaabkeeda Salka iyo fadhaa keena Marka xiga sugnaanteeda Socodkiyo falkaa sheega Xeerkeedu waa saase. Saaxiibkayow heedhe Anba saaka qaybteeda Sirsirraan ka joogaaye Xadhiggiyo bal eeg suunka Iyo sabarka gaadiidey Iyo salabka ii qaaran Iyo suudha guudkayga Hilaygiyo waxaan saabka U gilgiley Samaw haanta Subag inay ku dhiiqdaaye Saasay ku badisaaye Sannad weliba xeeshiiye Kol hadday silloonaato Samaheedu waa dhiige Sumuc talada loo dhiibye Sida sida sidaas weeye Si la yeeli jirey weeye Marka xiga Samaw heedhe Talo sibiq dhaqaaqeeda Soof-daran habawgeeda Sal-fudaydka hooggiisa Bal sallaankan fuul laalan Iyo sagabtan heensaysan Dhulka saas u jeedaali Sidan iyo sidaas fiiri Sidan iyo gadaal dheeho Raqda solan lafaa soogan Bal suaal u celi meydkan Sababtuu u goay raadi Bal dhegeyso saylaanka Iyo salowga beer-qaadka Iyo sebiga yeedhiisa Waxaad aragtay oo saasa Waxaad maqashayoo saasa Maxaad odhan lahayd Suudi? Samalaho furfuriddooda Godka seer-ma weydaanka Marka ay sabbuux gaadho Si kalaan u dhigi taase Saaxiibkay Waayaale Suurtuu dhalaay heedhe Heedhee Sahraay heedhe. Waxaan adiga kuu saantay Dadka kaaga soo soocay Sahra kuugu yeedh-yeedhay Siduu aabbahaa heedhe Samo ii faraan heedhe Kuu siinayaa heedhe Sooyaalka taariikhdu Iyadaan salguurayne Murtidaan Sahraay heedhe Sadar kuugu qorayaaye Heedhee Sahraay heedhe Curad suubbaneey heedhe Summadii Rashiid yeelo Iyo weynidii Saado Iyo sawracii hooyo Sinjigii hablaa geeska Subaxdii indhaa kuulo Tintu saqafta yay waayin Iyo diibka loo saaro Subko oo xayaabayso Korka siigo yey taaban Ku illaali saabuunta Dharku siifad yuu yeelan Suyac iyo bar gaasheysan Ku ilaali saahoodka Garashadu Sahraay ruuxa Sed u gaara weeyaane Hadduu saamigaas yeeshay Qurux ma leh saluuggeedu Dadku siigga dida maaha Sogob iyo riweyn maaha Sumal iyo laxdiis maaha Rati iyo sabeen maaha Falka iyo sugnaantiisa Socodkiyo abbaaartiisa Dhaqan sida xishoodkiisa Dabar iyo silsilad haysa Iyo suun ma dhaafaan ah Wuxuu soofka xoolaaba Kaga soocan yahay weeye Waxan uga socdaa heedhe Naftu seeto yey waayin Hana falin sidaad doonto Hadalkana sar weedhiisa Una saaf qofkii waaya Ha ka tegin sarbeebtiisa Hana gelin sursuur oodan Hana lumin sargoyntiisa Hana liqin sangaabtiisa Ha ku saxan badheedhkiisa Runta sogordoh haw yeelin Ha suldaarin dooddiisa Sisibaa wadaaggiisa Sababee abbaartaada Hana badin suaashiisa Sarrifkiyo tilmaantiisa Saddex erey halkii dooni Soddon yaanay kaa qaadan Siddi-qabaxi yay raacin Sare haw dhig-dhigin luuqda Gacantana ha saydh-saydhin Hana odhan wax sawliila Heedhee Sahraay heedhe Sarta hilibka dheehaaga Samaydaada dhererkaaga Sarajooga muuqaaga Sanqaroorka jaahaaga Dahab iyo xariir saran Uma baahna saantaadu Hadda silis ha xidhan maaha Luquntana ha sudhin mahaa Waxan uga socdaa heedhe Marka aad sunuud hayso Waxa suuq mug-weyn yaalla Ha la simin kitaab weeye Hurdo iyo Sahraay jiifka Marka hore sariir raadi Salli iyo furaash dayday Saddexdaba hadaad weydo Lama seexan kari waayo Hadda saantu qodox maaha Suugaantu gogol weeye. Ninku qaday Sahraay tiisa Hadduu seed liqliqiddeeda Ku saruurad goyn waayo Subag iyo baruur doono Sidu jecelyahaa been ah Dhadhan iyo sibraar kayda Sidig caanaheedaa leh Badar iy sarreen shiidan Iyo sixin ku iidaaman Wax la cuno sabiib baa ah Nin samaystay baa faan leh Waxaad haysataa saasa ah Ka sokow intaan sheegay Hadda soortu dacar maaha Dharku Saadhi qudha maaha Saylooni garan maaha Iyo sabarandaa giiran Mana aha surwaal biid ah Haddaan saarku kuu diidin Saddex-qaydu ceeb maaha. Heedhee Sahraay heedhe Sar daruuran oo maasa Mar Abu Sarmaantiiya Dhacle baarka loo seesay Boqor wada xiyaakhaysan Sildiyaal jiljila dhiibsan Tusbax dhawr sagaal laaba Iyo qool sunaar dheehan Subeciyad xiddiyo laaf leh Adigoo siddeeddaas hal Iyo timaha oo soohan Ku darsaday sifaa guudka Garashiyo sarriig sheegtay Ma qofkaa sitaa jooga. Hadda salamadhlow gaabi Ha ku jabin saqlaa waalan Sallow ololka hoy jooji Ha saloolan xayndaabka Ha ku bixin saloognaanta Ha sarriiran waayeelka Sakatiga ka daa beesha Saha iyo af kala qaadka Ha ka nixin hiddaa suubban. Gabdhayahow sidee waaye Ilbaxnimadu saas maaha Hadba suf karkaro maaha Sararaha bannee maaha Qorqor suunniyaa maaha Dhabanada sibbaaq maaha Sanka oo la mudo maaha Sakhrad iyo xashiish maaha Sawir iyo riyaaq maaha Filin iyo sarcaad maaha Saxan reer galbeed maaha Kabo sookal dheer maaha Suuriyo durduro maaha Salsalaw cid kale maaha Qof silloon ku dayo maaha Wax sawaaban noqo maaha Sinta iyo lafaa duudka Saddex goor jejebi maaha Dhaqankaaga saydh maaha Soomaali diid maaha Sidaad doonto yeel maaha Dhulka oon ku sidi waayin Samadoo la koro maaha Xilliyada wax saareenka Iyo saacadaa reebban Sabbadiyo rugtay joogtey Gabadh timi ma saalloona Ku salliya Rasuulkiina (C.S.W) Salka dhiga guryaa seexda. Sunsun falan siddaha feyda Sati fudud salaan sheegan Indha suhub af geed saarrey Hadba surin ka sheekeeya Sidan iyo sibaas yeela Ereyada saluuuggoo dhan Kuma lihid Sahraay meella. Sunbo iyo maraadaa leh Inta sibiq dhaqaaqdaa leh Sagan daaqa jiitaa leh Inta marinka seegtaa leh Waxba aan sugeyn baa leh Inta sharafta saydhaa leh Suuraafta maqan baa leh Xadhig lama sitaan baa leh Saca Faarsa nacay baa leh Barni sumal xadkeedaa leh Heedhe Sahraay heedhe Suugaantu iib maaha Erey iyo sunnee maaha Hugun iyo sitaad maaha Siddi iyo I daya maaha Sadho iyo xajiin maaha Laba saaq ku gado maaha Waxan seylad gelin weeye Sahdi iyo dareen weeye Bulsho saaasaheed weeye Samaheeda mudan weeye Sawdkeeda diga weeye Sacabkeeda kulul weeeye Marna baadi sooc weeye Sahan iyo tilmaan weeye Dhaxal soo jireen weeye Wax ku saabsan meel weeye Soda iyo ka guro dhuuxa. Heedhee Sahraay heedhe Sirta noloshu xoog maaha Dhagar iyo suryee mahaa Surma seegto dedan maaha Sibqi iyo hunguri maaha Sacab iyo ka leef maaha Sukhrad iyo fal xumo maaha Hadba seeb u rogo maaha Salfo iyo ku faan maaha Damac iyo sandaho maaha Derejiyo saldano maaha Saro io dhalaal maaha Sidan iyo sidaas maaha Hadda sadadu lacag maaha Heedhee Sahraay heedhe Bulsho saami loo tuurtay Shan siyood wax loo yeelay Samir inay xigtaan maaha Surka inay dhigtaan maaha Sas inay didaan maaha Inay suudalaan maaha Sardho inay galaan maaha Sixir inay dirtaan maaha Inay kala saftaan maaha Nin I sugayayow heedhe Anigoo ku sugey heedhe Maxaad ii sugtaa heedhe? Heedhee Sahraay heedhe Marka haaddu socod deyso Dhirta sare tukuu fuulo Gorayadu sanqadha reebto Adna soonka xidho maaha Mugdi talada sii maaha Berri iyo siday doonto Sug cadceedda maqan maaha Saqda dhexe habeen soocan Gudcur simay adduunkeenna Wax siraata noqo weeye Heedhee Sahraay heedhe Saran seerka jiilaalka Surbacaadka jaahweynta Sumal-haadka roob waaga Iyo solanka daaduunka Cirka oo sabaad guurey Dhulka oo huwadey siigo Iyo dogobbo soogsoogan Marka beladu sooyaanto Saadaashu beenowdo Saca nuguli kaa leexdo Adna sebenka raac maaha Inan sabadu duugoobin Sayax iyo ugbaad waayin Sudda iyo degaankaagu Surmi iyo harraad leeyan Ama saacu guur-guurin Sohda ceelku dheeraannin Adaa yeeli kara saasba. Heedhee Sahraay heedhe Saxariirka aafaadka Saxallada kal-meerkooda Sambabkuba col weeyaane Marka saymo loo iisho Ama soofku jaan qaado Ushu way sabooshaaye Ha ku dagan sidsidadkeeda Qalinkaa wax suureeya Kugu sima halkaad doonto Saaxiib kal furan weeye Sunto fara ku hayntiisa Weligaa ha sii deynin. Sisin iyo ku beer muufo Iyo laanta saytuunka Ku qotomi sungaan waarta Iyo nabadda seeskeeda Samo iyo ku doon heedhe Dunidiyo sinnaanteeda Ku dawee sawaaceenka Iyo siica daacuunka Ku burburi sarbaa mooska Iyo soohdimaa meersan Ku midee samuud raaca Midabada la sooc soocay Dadkan tobanka saamood leh Weligaa ha tumin seefo Iyo sabaradaha mowdka Dar samaysan baa yaalla Sancayahan gaboobaa leh Sahankaynu diranaa leh Nin sokeeyeheenaa leh Ninka sida xilkeennaa leh Ka sarjara heddeennaa leh Salab ciiddu hayn weydey Ninka sudhay xiddigahaa leh Nin sabuul la aayaysto Dhulka siib ku ridin baa leh Nin Sahraay adduunkeenna Sacad gubi karaa haysta Ninka sigay kun jeer baa leh Waxa nolosha saameeya Sako nimaan ka bixin baa leh Nafta saawa-saawaysan Santi nimaan ku furan baa leh Nin aqoonta soorkeeda Sida kale u rogey baa leh Ninka sulubka maadhiinka Ugu roon saboolkaa leh Nin samaa ku adag baa leh Sannadkaynu caydhowney Kaynu suus ka weynaa leh Naftu waa sir xeel dheere Nimaan suubin Karin baa leh Wedka qudha sameeyaa leh Sulda iyo xanuunkeeda Shalay iyo sadaaddeeda Iyo saawihii hoogga Naxdintii badh baa suuxsan Selelkii badh baa waashay Dad sawaaban baa buuxa Dumar waayey saygooda Hengashii sidaa muuqda Ololkii badh baan seexan Sarihii dumaa jiifa Qabrigii sinmaa jeexan
Posted on: Fri, 22 Nov 2013 09:58:46 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015