Dhul habatacay ciidda oo hodantay Dhirtoo hamashowday doog - TopicsExpress



          

Dhul habatacay ciidda oo hodantay Dhirtoo hamashowday doog hadhsaday Xareed hilo iyo harooyin degtay Hantidoo dhashay deyladoo horratay Haleello maqasheeda heel ku furtay Horweyno ku foofay meel hadow leh Haloosiga baarqab hoobala Higtiisa higgaadda dhiillada Haadkii diday keenay hoosiis Hibaaq ka dhalaalay Haadaamo Hareeri ka muuqday Heegaale Hoobaan ka bislaatay Hawd sare Dayaxoo himir iyo huruud marsadoo Caweys ka hinqaday hoggiisii Horseed la socdiyo hoggaanno wata Qorraxdoo halabtiyo hillaabta dhigtay Daruuro ka hooray hoosteeda Fad iyo hogol loolli habar wacatay Hillaac iyo heego soo curatay Sidii hir fog baan ku soo higsadoo Indhuhu ku harraade halacdaada Hubsiinadu way hagaagsantahee Hadhow iyo mooyi hawlo danbee Horjooggaagu heello igu dhali..
Posted on: Mon, 02 Sep 2013 06:00:52 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015