Hormarinta Koriinka maskaxeed iyo Akhlaaqeed Ee Dhalinyaradu, Waa - TopicsExpress



          

Hormarinta Koriinka maskaxeed iyo Akhlaaqeed Ee Dhalinyaradu, Waa Furaha kalla reeba shacuubta caalamka ee tartanka nolosha ku wadda Jirra- Part 5 Nabi Muxamed Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri “ CAMALKU WAA NIYADA- waxa qofku ku fikiro- QOF WALBANA WUXUU HELAA WUXUU NIYAYSTAY. Hantida ugu wayn uu wadanka leeyahay waa dadkiisa, dadkuna waxay ku barbaaran guriga, iskuulka iyo goobaha diinta lugu barto sidda madarasadda , dugsi qur,aanka. Ka dibna waxay ka qayb noqdaan suuqa wadanka iyo hay’adaha dowlada. Haduu sedexdaa midkood xumaado, tayada dadka ka soo baxana wuu xumaadaa. Dhamaan Rusushii lasoo diray,Dhamaan kutubtii lasoo dajiyay, waxay dalbayeen isbadal ku dhaca Umadaha. In la hagaajiyo waxa nafta ku jira si xaalada guud ee umadaasi u hagaagto . Waa dabeeci in ummaduhu diidaan isbadalka oo ay ka doortaan dhimasho. In la difaaco oo lagu dhaganaado wixii horay loo bartay iyo dhaqankii awooweyaasha waa dabeeci . Haddana, waa daruuri in laga tago caado iyo dhaqan aan wax tar lahayn,si loo helo nolol dhaanta mida markaas jirta . Arrin sahlan ma noqon karto shacab waqti fog ku soo jiray gumeysi , ilaa iyo hadana ku hoos jira nidaamkii gumeysiga inn si dhib yar loo badalo. Hogaamiyihii u horseeday dalka Chine, isbadalka manta ay ku jiraan ama ku nool yihin Mr Moa. Wuxuu geed dheer iyo geed gaaban ufuulay sidii marka hore loo badali lahaa nidaamka wax barashada ee dalka Chine. Sidaan wadda ognahay ama horey usoo sheegay bulsho hormartay waxaa saldhig u ah wax barashada iyo ku dhaqanka jidka toosan ee anshaxa . Isbadal markaynu sheegno waxaa munaasab ah innaynu fiirino shacuubta caalamka maadaama nolosha iyo daruufta caruurta , dhalinyarada somaalida Ogadenia ku nool yihin , dunidda kale soo wadda martay. 1955 – 1968 – dalka mareykanka waxaa ka jiray kacdoonkii lugu sheegay (The African-American Rights Movement ) Xiligaasi dadyowga madow kumaysan laheyn xuquuq la siman shacuubta kale USA kula nool. Dadnimadaba waa loo diiddanaa oo loo ma aqoonsanayn in ay la siman yihiin caddaanka. Loo ma oggolayn in ay galaan meelaha dadka cadi joogaan: maqaaxiyaha, hudheellada iyo baararka, tusaale. Basaska iyo tareennada waxa ay ka fadhiisan jireen halka ugu dambaysa. Ma ay dhigan karayn dugsiyada caddaanku dhigtaan, ma heli jirin shaqooyin aan ahayn kuwa hoose, xaafado u gooni ah ayayna badanaa ku go’doonsanaayeen. Xitaa kiniisaduhu iyaga iyo caddaanka ka ma dhexayn. La soco Q/kalle
Posted on: Wed, 06 Nov 2013 20:01:12 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015