Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Xidiga Soomaaliyeed Ee Jabriil - TopicsExpress



          

Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Xidiga Soomaaliyeed Ee Jabriil Xassan Fariid Magaciisa oo Buuxa waa Jabriil Xasan Fariid waxa uu ku magic dheryahay Fariid oo ay tageerayaasha Uu leeyahay Xidigaani ay ugu yeeraan Waa Ciyaaryahan u dhashay Dalkeena Soomaliya oo ka Ciyaara Qeybta Weerarka. Waxa uu ku dhahahsay Dagmada Warta nabada Ex Wardhiigley Xaafad Xararyaale ee Gobolka banaadir. Waxa uu Ciyaarihiisa ka bilaaway Xaafidii uu ku dhahsay ee Xararyaale Isaga oo Da,yar ayuuna Xidiga Kusoo baxay Garoomada Xafadaasi. Jabriil Xasab Fariid Weeraryahanka Xulka Qaran Soomaliyeed iyo Kooxda Hegan ayaa Waxa uu Si toos ah Ciyaaraha Heerka Kowaad ugu Soo biiray Isaga oo aan Soo marin Kooxaha B C oo inta badan Xidigaha Soomaliyeed ay Soo maraan. Sanadii 2007-dii Masuuliyiinta Kooxda Banaadir Oo ka mid ah Kooxaha Heerka kowaad ee dalka ayaa Heshiis Toos ah la galay Xidiga Xiligaa oo ay ka qeyb qadaneysay Kooxda Ciyaaraha Heerka kowaad ee dalka. Ciyaaryahan Jabriil Xasan Fariid ayaa Kulankisii ugu horeeyay Garoonka Caalami ah oo Ciyaar heerka Kowaad ah Soo galay Sanadii 2007-dii Markaas oo Kooxdiisa Cusbeyd ee Banaadir kulankii ugu dambeyay ay la Ciyaareysay Kooxda Afgooye ka dhisan ee Supr sheel. Xidiga Xili Ciyaareedkaasi nasiib uma uusan yeelan inuu wax gool ah u dhaliyo Kooxdiisa lkn kubad wanaagsan ayuu Soo bandhigayay waxa uuna ahaa xidig yar oo awood badan u lahaa ka Ciyaarista Qeybta Weerarka. Isla sanadii 2007-xidiga Jabriil xasan Fariid waxa uu nasiib u yeeshay in loogu yeero Xulka Qaranka Soomaliyeed waxana macalinka Xulka Markaasi uu u arkay Xidiga inuu ku wanaagsan Yahay Weerarka Xulka oo markaasi Ciyaaro Calami ah u baxayay. Garoonka Satadium Koonis ayuu goolksii ugu horeeyay Jabriil xasan fariid uu Dhamaadkii sanadii 2007-waxaana uu ka dhaliyay Kooxda safana oo kamid ah Kooxaha Dalkeena ka dhisan Ciyaartaa oo 4-2 kusoo dhamaatay Xiidga Jabriilna uu ku lahaa 2-gool. Bilowgii 2008-dii jabriil Xasan Fariid ayaa dhaliyay Goolkisii ugu horeeyaya ee Xulka Qaranka Soomaliyeed Waxaana uu ka dhaliyaya Xulka Kubada cagta ee Kenya Ciyaartaa oo kusoo dhamaatay 3-1 oo Xulkeena ay ku adkaatay Ciyaar ka dhacday Jabuuti.Daqiiqadii 27-ee isla Ciyartaasi Sidookale jabriil ayaa dhaliyay Goolksii labaad ee xulka qaranka Somaliyeed isla Ciyaartaas oo uu 2- gool ku lahaa. Ciyaaryahan Jabriil xasan Fariid ayaa Sidookale Si saxiibtinimo ah u raacay Dhoor Koxood oo heerka kowaad ah kuwaa oo Ciyaaraha Africa ka qeyb galayay waxaana uu xiidga Mar uu la socday Kooxda Saxafi oo Jasiirada Comaros ku Ciyaareysay uu guul gaarsiiyay Ciyaar ay 1-0 kaga adkaadeen Koox ka dhisan Jabuuti Goolkaasina Xidiga Isaga ayaa dhaliyay. Xidiga Kusoo Caan baxay Kooxda Banaadir Telcom ayaa Sanadii 2010 ku biiray Kooxda heegan oo Si aad ah uxiisaynaysay Ciyaaryahaka waxaana uu Sanadisii ugu horeysay jabriil uu la gaaray Guulo Waaweyn Kooxda Heegan oo Sanadaan ku dhameysatay Kaalinta 3-aad ee Horyaalka heerka heerka koowaad ee Soomalia. Jabriil xasan Fariid Weerarayahanka Xulka Qaranka Dalkeena Soomaliya ayaa Dhaliyaya Xili Ciyaareedkii Dhamaada 11-gool Waxaana ay isku Goolal Noqdeen Ciyaaryahan Sacad oo ka tirsan Kooxda Elman. Xidiga waxaa Sidookale uu ka soo ciyaaray Horyaalka Jabuuti ISaga oo kusugan Sudan Ciyaaryahan Jabriil ayaan Weydiiyay Waqtigii uu ku qaatay Kooxda Heerka kowaad ee jabuuti iyo inta Gool ee uu dhaliyaya . Dadka Yaaqanaa Ciyaaryahan Jabriil waxa ay Shegaan in uu yahay Xidig Xawaare iyo Xanaaq muujiya marka uu Garoonka kujiro Su,ashaasi ayaana hordhigay Ciyaaryahanka. Ciyaaryahanka Jabriil Xasan Fariid ayaa Dhawac halis ah uu Soo gaaray Sanadii hore markii uu Jalibka Dhawac uu kaga Soo Garay Kulan ay Kooxdiisa Heegan ay la dheeshay Kooxda Elman Ciyaar 2-2 kusoo dhamaatay. Xidigaha Caalamka ee ku Xamaasha Kubada cagta ayuu Xidiga uu ka mid yahay Waana Weeraryahan Qatar badan oo ku Tuura Kubada laba lug waxa uuna Kuwanaagsan yahay Dhalinta Rigoorooyinka Like and share. Haduu ku cajabiyey ciyaarihanka si tageerayaashiisa uga bogtaan #oscar
Posted on: Wed, 20 Nov 2013 15:14:04 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015