Sedexda dhardhaara hadii looga kala badlo cuntada dhandhankeedu - TopicsExpress



          

Sedexda dhardhaara hadii looga kala badlo cuntada dhandhankeedu miyuu isbadalaa ? Tan iyo markii jagada laga tuuray Eebe ha u raxamdee Maxamed Siyaad Bare somaliya waxaa ay gashay marxalado aad u adag waxaana dhacay dagaalo sokeeye oo sameeyay guud ahaan gayaga Somalia waxaana sababy markaa jabahdo ka carooday xukunkii Kacaanka hiifayna mudada dheer ee uu Siyaad bare ku fadhiyay kursiga ayaa soo galay Somalia oo kala direen ciidankii Qaran qaarkoodna ayba si toos ah ula safteen jabhadihii ay is oronayeen waa la heebtihiin/ Puntland wixii markaa ka danbeyay oo ay Somalia xaalkeedu noqday dagaal iyo dagaal celin qabiil ba qabiil ku duulay ayey go’ansatay 1998 inaydhisato maamul goboleed ujeedkiisu ahaa in lagu sugo dowlad dhex ama dowlada Federal ah,waxaa is abaabulay oday dhaqmeedkii ku abtirsanayay Puntland oo markaas ahayd shan Gobol Mudug, Nugaal, Sool, Sanaag iyo Gobolka Bari, waxa ayna falqeeyn dheer kadib go,ansadeen in la yegleelo dowlda Gobaleedka Puntland. Hadaba waxaa shirka goobjoog u ahaa siyaasiyiin badan oo markaasi ku abtirsanayay Puntland waxaana ugu tun weynaa siyaasiyiin ku hayb ah Jabhadi SSDF oo ka mid ahaa jabhadii xukunka weedariyay Maxamed Siyaad Eebbe ha u raxmade oo uu madax u ahaa siyaasi Abdlulahi Yusuf Eebbe ha u raxmde, falqeyn dheer iyo xeel u muran badan waxaa lagu hishiyay in la qeybsado 66 xildhibaana ee unuga u ah aasaga Puntland taas oo loo kala badsaday sidii nin ba uga qeybqaadsho badna jabahdii SSDF iyo degaanba. Muda kabacdina waxaa la qabtay doorashda madaxweynaha hogaamin lahaa Puntland 3 sano waxanaa sida la filayay oo sadaashu ahayd ku soo baxay Marxuum Abdullahi Yusuf oo markaasi wixii ka danbeyay SSDF uga diga rogtay madaxweynaha Puntland waxaana kula tartamay rag badan oo siyaasiyiin ahaa uguna caansanaa Eebbe ha naxariiste Warsame Abdi Shirwac Seefta Banaanka iyo rag kale oo ayana miisan kulahaa saaxada siyaasada ee waqtigaasi. Abdullahi Yusuf waxaa u ahaa nin aqoon dheer u lahaa arimaha militaryka waxaa uuna darajada Colonel ka qaatay dawldii Kacaanka waxuuna laha aqoon dheer oo aad u sareeysa dhanka ciidamda waxaa uuna ku dadaalay in laga kudbo habkii jabhadeenta oo loo gudbo hab dawladnimo waxaana mudo ku qaadatay sidii uu u hagaajin lahaa amniga wadanka waana waxa uu ka adkaa markaasi, xilikaasi way adkeed in laga fagaro waxbarasho caafimaad iyo biyo nadiifa ah oo la helo maxaa yeelay waxaa wadanka ku firirsanaa rag ciidan ah oo mudo sanado ah ku jiray jabahdeen iyo fawdo kuwaaso u baahna dhaqan celin in lagu sameeyo dibna bulshada loogu soo celiyo ayaga oo laga tirtiray mabdi’ii jabahdnimo. Abdulaahi waa uu dhamaystay xiligii uu ku fadhinlahaa kursiga waxaana timid waqtiga uu qaban laha doorashada waxaa una ka caga jiiday inuu qabto dorashdaasi waxaana ka hoos kacay rag badan oo u ciil qabay inay mar un ku fariistaan kursiga madaxtinimo ee Puntland ragaasi waxaa ugu horeyay ama hormuud u haa nin ay darajada ka simanyihiin Abdullahi Yusuf waa Jaamac Cali Jaamac oo markaas abdullhi uu kutuhunsanaa in uu xiriir dhaw la lahaa Dawladi Abdi qasin ee cartaa, Jaamac iyi xulufadiisi waxaa ay abaabuleen in hogaanki dhaqanka ee shalay Puntland dhisay inay so xulaan baarlamaan cusub oo doorta madaxeynaha Puntland madama ay jiritaan beeleen kuwa markaasi jiray, waxaa ay heleen rag hogaanka dhaqan ka mid ah oo figirkooda tageera, waxaa ay dagaal kaga soo sareen Gobolka Bari iyo Nugaal ba Abdullahi Yuusuf oo ay u soo sareen dhanka beeshiisu ku badneed ama uu ka soo jeeday ee Mudug. Jaamac cali jamac ayay u doorteen xildhibanadi cusubaa inuu noqdo madaxweynaha Puntland waxaa uuna helay inta badan codadkii baarlamnka, dhanka kale Abdulahi waxaa kuu mashquulsanaa sidii mar labad uu u hanan lahaa kurisgaa dibna ugu laaban lahaa Goboladi laga soo saaray. Hadaba Ceeb ma ahan inaa kufto lkn waxaa ceeb ah intaad kufto inaa kici waydo Puntland waxaa uu Abdulahi mar labaad kusoo celiyay nidaamkeedi hore waxaa uuna dagaal ku qabsaday Gobolka Nugaal Iyo Bari waxuu ka saaray dalka Jamac cali jaamac waxaa uuna dib u dhisay dawlad cusub oo uu asagu madax ka yahay, inta badan amniga iyo xasiloonidii wadankana waa uu adkeyay, waxii intaa ka danbeyay Abdulahi waxaa u halgan u galay sidii uga diga rogon laha puntlan heer Somalia waxaa uuna isku diyaariyay shirkii ibakaati oo Somalia loogu dhisyay dawlad federal ah dadaal dheer kadibna waa uu ku guulaystay. Waxaa uuna Puntland uga tagay bilihii u dhinaa Maxamed Abdi Xaashi oo ahaa rug cadaa siyaasi ah oo wax badan xeerin jiray waqtiga kursiga uga dhimanaa waxaa uu gaarsiyay sidii balanta ahayd doorashada Madaxtinimo ee Puntland Waxana ku tartamay siyaasiyiin badan waxaana aad u wada loolamay Maxamed Abdi Hashi iyo Cade Muuse Xirse, Cade Muuse waxaa uu saaxada siyaasada Puntland ka soo dhex muuqday xiliki Jaamac Cali Jaamac iyo Abdullahi Yusuf dagaaladu ku dhex marayeen Puntland oo uu Cade markii danbe sameyay jabahad la dagaalanta Abdullahi, hadaba waxaa intii ay socotay doorashadasi la rumeysanyahay in Abdirahman Faroole ugu shubay Cade Muuse saana uu uga guulaystay Mahamed Abdi Hashi oo loo saadaalinayay wareegi hore inuu yahay ninka ku guulaysan doona jagadaasi maadama uu helay wareegi hore codadka ugu badnaa ee musharxiinta kala heleen. Hadaba xiligii Cade Muuse waxa ay Puntland ku talaabsatay wixii laga filayay inay qabato wax ka yar waxaa ayna Puntland ka dhacay sicir barar aad u weyn oo markaasi sabab u ahaa lacag faalso ah oo lagusameeyn jiray gudaha Puntland iyo Gobolada qaarkood oo kabaxay gacanku hayntii Puntland Cade xilkiisa afarta sano waxaa uu la dhamaaday tii madaxweyne Abdullahi Yuusuf ee Federaalka waxana loo dareeray doorashdi sedexaad ee Puntland gasho. Doorashadani waxa ay ahayd mid aad u xiiso badneed waxaa ayna ahayd mid lagu tijaabinayo bal inay isbadasho dhandhanka Puntland iyo dhariga dhardhaarka lookala badalo oo bal la eego kan harsan waxaana isa soo sharaxay musharixiinti ugu badnaa ee Puntland ka tartamaa waxaana sadaashu ahayd sidii la filayay waxaana ugu cad cadaa ragaasi Abdulahi Ilkajiir iyo Abdirahman Faroole waxaana wareegi hore ugu codbadnaa Ilkajir iyo Faroole waxaana isugu shubay Cade Muuse iyo faroole waxan sidaasi ku noqday Madaxweynaha Puntland Faroole. Hadaba faroole mudadi u hayay xilkaasi waxaa uu qabtay wax qabad aad moodo inuu uga badalnaa madaxdii ka horeysay waxaana aad loo hadal hayaa inuu keenay nidaam dawladnimo balse waxaa lagu dhaliila arimaha amniga iyo dhaqaaalaha waxaana aad u cabanaya ganacsatidi Puntland kuwaas oo intooda badni uga hayaameen Puntland cashuur koror mararbadan lagusameyay. Hadaba hadaan wax badan ukala badalnay dhariga sedexda dhardharood wax badana isbadali wayeen miyaan lagaarin xilikii la ogaan lahaa in dhadhanka Puntland uusan ku xirnayn in dhardhaarada lookala badalo,shalay wixii la soomaray Puntland manta yaan dib looku labaan Qoraa abdinur Mohamed Adan(Hogaamiyaha Ruuxigaa)
Posted on: Mon, 28 Oct 2013 22:08:12 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015