Waayihii aan soo maray!!!!. 8aad. Tar: 17-May-2013 Iskoolku - TopicsExpress



          

Waayihii aan soo maray!!!!. 8aad. Tar: 17-May-2013 Iskoolku waxyaabo badan ayuu kaga duwanaan Dugsiga Quraanka, Iskoolka waxaa lagu tagi jire dhar u gaar ah isaga (Uniform) oo lama ogolayn in qofba dharkuu doono uu ku yimaado, dharka aan ahayn kuwa iskoolka ee laga yaabo in ardayda qaarkeed mar mar ay soo qaataan waxaa la dhihi jirey hebel Tigni ayuu soo qaatay maanta, ardayga aan sidan dirayska iskuulka waxaa laga saari jiray safka kaddibna waa la cayrin jirey, sidaa darteed ardaygu waa in uu soo cadeydaa, soo qubaystaa, soo shanlaystaa, labistaa dharkiisa iskoolka iyo waliba kabo buud ah ama sandal, lama ogolayn xilligaas in ardaygu dacas soo qaato, lama ogolayn in dharkaagu wasakh leeyahay ama uu jajaban yahay ee waa in uu ahaadaa nadiif waliba feeraysan oo taagan, waxaa kale oo iskoolku dugsiga Quraanka kaga duwanaa ardaygu wuxuu iskoolka aadi jiray isaga oo quraacday oo dheregsan. Waxaa jirtey waagaas in subaxa hore guryaha intooda badan laga shidi jiray Radio Muqdisho, inta aan isu diyaarinayo iskoolka waxaan xasuustaa raadiyaha waxaa ka bixi jirey guubaabo iyo dhiirrigalin loo samaynayo ardayda ku hawlan tacliinta, sida waanooyin iyo heeso, heesihii aan maqli jirey waxaa ka mid ahaa (Darsigaaga ka adkoow, dugsigaaga ka adkoow) iyo (Araday baan ahayoo, ubixii waddankaan ahayoo, waxaan u ordayaa u ordayaa, dugsiyada u aadaa, inaan aqoon kororsadoo, dalkayga anfacee, Allahayoow ii gargaar, Aamiin Allahayoow ii gargaar). Iskoolka waxaan gali jirney xilligaas saacaddu markay tahay halka saac ama todobada aroornimo qofba sida uu u yaqaan, nusa saac ka hor xilligaas waxaa bannaanka istaagi jirey Fisho diritoorka (Maamule xigeenka) kaas oo ardaydu markay kor ka arkaan ay soo ordi jireen, markii rubuc saac uu ka dhimanyahay xilligii safka la gali lahaa ayuu maamule xigeenku ardayda meel fog ka soo socota u gacan haadin jirey isagoo leh soo orda oo soo dheereeya kaddibna afarta jiho ayaa laga soo yaaci jirey, waxaa kale oo la garaaci jirey gambaleel ama dawan si loo ogaado in xilligii dhawyahay, marka ay tahay halsaac ama todobada aroornimo ardayga ka soo daaha looma ogolaan jirin in uu maalintaas fasal galo ee waa la celin jirey. Marka ay tahay saacaddu hal saac ama todobada aroornimo oo gaw ah ayaa la istaagi jirey safka, safka waxaa loo istaagi jirey qaab nidaamsan oo fasal walba wuxuu istaagi jirey labo saf oo wiilal iyo gabdho kala ah, haddana waxay safafku isu xigi jireen lood lood oo macneheedu yahay dugsiga hoose waa lood wayna is xigayaan, dugsiga dhexena waa lood oo waa is xigayaan, saf walba waxaa u horreeya kaabbe galaaska (horjoogaha fasalka), sidoo kale waxaa fasal walba ag taagan Form master-ka oo ah macallinka sida gaarka ah uga masuulka ah ardayda fasalka iyo macallimiintoodaba, marka safka la istaago waxaa ardayda hor imaanaya maamule xigeenka, wuxuu oranayaa dig, debci, darandoorri, ku dhufo, jooji, dig, debci, digtoonow, nasta, digtoonow, intuba waa tabo ka mid ah tabaha lagu rigeeyo askarta, intaa kaddib waxaa la saarayaa calanka, marka calanka la saaro waxaa la akhrinayaa Faataxada, marka faataxada la dhameeyo waxaa la qaadayaa heesta calanka, waagaas labo heesood ayaa calanka loo qaadi jirey tan loo badnaa waxay ahayd (Qolobaa calankeedu waa caynoo, innagaa keennu waa cirkoo kale ee, aan caadna lahayn ee caashaqayee, xiddigyahay cadi waa noo ciidamisee, carrada kaligaa, adow curadee, cadceedda sideed, u caan noqo ee, sidii culaygii ciiddaad marisee Alloow haku celin, Alloow haku celin), midda kale oo mar mar la akhriyi jirey waxay ahayd (Calan suubanoow, samada u ekoow, maalintii la suray, saan u doonnayoo, samo waarnayoo sucdi baan nahee, waa inaan u sarakacnaa, salaan la hortagnaa, markii la saarayo, u sacab tumaay, u sacab tumaay, sidaynu u dhannahay, Soomaliyeey wadajir), kaddib waxaa la qaadi jirey heesta madaxweynaha oo ahayd (Guulwadoow Siyaad, aabbihii garashada, gayigaayagoow, hanti wadaagu waa habka barwaaqo noo horseedayee, bulaanka baxaaya, nuurka bidhaamaya, dhawaaqa baxaaya, waa barbaata is biirsatay, haa, haa ,haa). Sidoo kale waxaa safka lagu eegi jirey labiska iyo nadaafadda ardayda, waxaa kale oo ugu dambayn ardayda la hadli jirey maamulaha iskuulka asaga oo u sheegaya in nidaamka la ilaaliyo wax barashadana lagu dadaalo, sidoo kale wuxuu sheegi jirey haddii ay jiraan xogo cusub ama nidaam la soo kordhiyey, haddii khaladaad la galay ay jiraana wuu sixi jirey digniina waa ka bixin jirey, kaddibna waxaa hadba la fasixi jirey saf si ay u galaan galaaskooda, marka safka u dambeeya soo dhaqaaqo oo fasalkiisa galo wax yar kaddib ayaa la garaaci jirey gambaleel ama dawan qofba siduu u yaqaan taas oo macneheedu ahaa waxaa bilaabanaysa xisaddii koowaad. Waa inoo qormada dambe iyo waxaan u soo joogay.
Posted on: Fri, 25 Oct 2013 18:18:03 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015