DARIIQOOYIN LOO MARI KARO JOOJINTA QAADKA EE WAKHTIGA DHEER W/Q: - TopicsExpress



          

DARIIQOOYIN LOO MARI KARO JOOJINTA QAADKA EE WAKHTIGA DHEER W/Q: Mubarik Abdillahi Ibrahim (Daljir) Ummad kasta oo ku uuman ifka waxa horyaala dhibaatooyin tiro badan oo xal iyo xeelad lagaga gudbo u baahan, ummadda Somaliland-na kama duwana dadkaas kale ee waajahaya hadimooyinka kala duwan. Waxa ina horyaal caqabado badan oo xal, xigmad iyo xeelad lagaga gudbo inooga baahan si aynu himilooyinka nololeed ee aynu higsanayno u hir gelino hamigeenana u xaqiijino. Qaadku waxa uu kaalmaha hore kaga jiraa dhibatooyinka ina ragaadiyey ee qayrkeen innaga reebay. Sidii aynu kusoo xusnay intiina akhrisatay maqaalkii aynu ugu magac darnay ‘AAFO QARAN OON QORSHE LOO HAYN’ qaadku waxa uu curyaamiyey dhaqaalaheenna, aafeeyey bulshadeenna, daciifiyey dhaqankeenna iyo diinteenna, isla mar ahantaana jaahwareeriyey siyaasaddeenna. Waxa aynu u baahanahay xal, qof kasta oo mustaqbalka iyo aayaha ummaddan ka damqanayana looga baahanyahay inuu ka fekero soona bandhigo. Halkan waxa aynu kusoo bandhigaynaa dariiqooyin loo mari karo joojinta qaadka ee wakhtiga dheer. Aniga iima muuqdo xal wakhtiga dhow ahi, waana sababta aynu u dooranay ka hadalka wakhtiga dheer ee mawduucan, haddii aad haysaanna waad soo bandhigi doontaan idamka Eebbe. Shan qodob oo xal noqon kara ayaa waxa ay kala yihiin: 1. GOOBO KHAAS AH IYO LIISAN: Qaadka waxa lagu gadaa/iibiyaa marin kasta oo ka mida waddooyinka muhimka ah ee dhammaan magaalooyinka waaweyn. Waxa dhegahaaga kusoo dhacaya dhawaqa qiimaha iyo noocyada kala duwan ee qaadka. Indhahaagu waxa ay qabanayaan xashiishka iyo hadhaaga qaadka oo dariiq walba daadsan. Waxa aad arkaysaa iyadoo la xayeysiinayo ammaan bandanna loo tirinayo oo dadka dariiqa maraya lagu qasbayo, taas oo saamayn ku yeelata dhallinyarta waxbarashada amma ka dukaamaysiga suuqyada u socota marka ay goor walba dheehdaan ee dhegaystaan ammaantaas iyo iidhehda qaadka, ugu dambayntana in badan oo dhallintaas ka mida ku qancisa in ay bilaabaan cunista qaadka. Arrimahaas aynu soo xusnay waxa lagaga gudbi karaa in qaadka loo sameeyo xeerooyin u gaara oo lagu iibiyo kana durugsan suuqyada iyo badhtamaha magaalooyinka. Tani waxa ay meesha ka saaraysaa qashinka, sawaxanka iyo saxmadda uu suuqyada magaalooyinka ku hayo. Waxa ay sidoo kale meesha ka saaraysaa saamaynta dhallinta ee aynu kor kusoo xusnay. Marka meel lagu xareeyo dhammaan dadka qaadka ka ganacsada, waxa loo samayn karaa liisan ganacsi oo qaadka ah. Liisankaas ganacsi waxa laga qaadi lahaa cashuur sare oo muddaysan (lix-bilooddle, sannadle, IWM) taas oo yaraynaysa dakhliga dadka ka ganacsada, isla markaana kordhinaysa qiimaha lagu iibinayo. Marka uu qiimuhu kordho, waxa yaraan lahaa xaddiga qaadka ee la gadanayo. Sida oo kale, mar haddii liisan looga baahanyahay qof doonaya inuu qaadka ka ganacsado, waxa la adkaynayaa shuruudo adag iyo lacag bandanna lagu xidhi lahaa qofka doonaya inuu qaato liisanka ka ganacsiga qaadka, taas oo yaraynaysa dadka kusoo biiraya ka ganacsiga qaadka. 2. WAKHTIGA KEENISTA OO LA XADDIDO: Waxa aad ku waabariisanaysaa oo indhaha ku kala qaadaysaa qaadka oo goob walba tuulan dadkuna ay goor horeba u fadhiisanayaan (jabbane). Subax iyo habeen ma kala laha oo saacad kasta waa diyaar. Tani waxa ay caqabad ku noqotay wax soo saarkii dalka. Dadku halkii ay shaqo tegi laahaayeen ee wax soo saar samayn lahaayeen ayey qaad u fadhiisanayaan gelin horeba mid dambena hadalkiisa daa. Markaa tan waxa lagaga gudbi karaa in la macnuuco oo la joojiyo in qaadku soo galo magaalooyinka wakhti ka horraysa 12:00AM. (Duhur). Haddii taas lagu guulaysto waxa yaraanaya xaddiga qaadka ee la isticmaalo iyo wakhtiga faraha badan ee loo fadhiyo qayilaadda. Sida oo kale waxa ay dhiirri gelinaysaa in dadku shaqeeyo oo wax soo saar sameeyo. 3. WACYI GELIN: Wacyi gelintu waa mid ka mida dariiqooyinka ugu habboon ee maskaxda aadamaha lagu raadayn karo. Waxa aad maalin walba idaacadaha iyo muuq-baahiyayaasha (TV) aad ka dhegaysataa barnaamijyo wacyi gelineed oo ku aaddan gudniinka fircooniga ah, naas nuujinta, khatarta miinada, xaalufinta deegaanka, IWM. Waa arrin saxa loona baahanyahay waxyaabaha aynu kor kusoo xusnay oo dhami, maxaa se inoo diiday inaynu qaadka ku darno dhabaayooyinka bulshada laga wecyi gelinayo ee ka baxaya warbaahinta maadaama sida aynu hore u xusnay qaadku yahay aafo qaran? Waa arrin lagama maarmaan ah in la fuliyo haddii la doonayo in joojinta qaadka lagu guulaysto oo laga badbaadiyo jiilasha soo koraya. Markaa si taas loo suuro geliyo waa in la diyaariyaa barnaamijyo taxane ah oo dhibta iyo xumaanta qaadka ummadda loogu soo bandhigayo, taas oo haddii la hir geliyo laga goosan doono midho la mahadiyo iyo natiijo lagu farxo dhibtaas qaadkana lagu xalliyo. 4. CAASHUURTA OO QAALI LAGA DHIGO: In cashuur badan la saaro badeecadaha uu waddan soo dhoofsado ee bulshadiisu aanay u baahnayn, waa siyaasad dhaqaale oo ay waddamada adduunku adeegsadaan (high import tarrif). Sida aan kor kusoo xusnay, cashuurta oo qaali laga dhigaa waxa ay kor u qaaddaa qiimaha suuqa ee badeecadda la cashuuray, waxaana ay yaraysaa iibsiga shaygaas mar haddii qiimihiisu kor u kacay. Sidaas darteed, kordhinta cashuurta qaadka la saaro ee lagaga qaado goobaha laga soo geliyo waddanku waxa ay keenaysaa in qaadku qaali noqdo oo iibsigiisu hoos u dhaco, taasina waxa ay yaraynaysaa xaddiga qaadka ee la isticmaalo iyo tirada dadka isticmaala labadaba. 5. MANHAJKA OO LAGU DARO: Manhajka ay ummadi leedahay waa inuu ka turjumaa baahida bulshadaasi qabto dhinac kasta oo ay tahayba. Mar haddii qaadku yahay dhibaatooyinka ay tahay inaynu cidhib tirno, waa in jiilaalka soo koraya la baraa xumaanta uu qaadku leeyahay iyo sida uu bulshadan u ragaadiyey. Waa in lagu daraa manhajka dugsiyada dhexe iyo sare si arday kasta oo kasoo baxa dugsiyada heerarkaas kala duwan uu ugu baraarug sanaado ugana fogaado qaadka iyo xumaantiisa. Haddii tallaabadaas la qaado waxa aynu soo saari karnaa jiilal cusub oo ka caafimaad qaba balwadda qaadka iyo xumaanteeda. Qodobadaas aynu kor kusoo xusnay waxa ay ka mid yihiin dariiqooyinka loo mari karo joojinta qaadka ee wakhtiga dheer. Waa ay jiri karaan dariiqooyin ka qumman kuwa aynu soo xusnay laakiin waa inta ay ii saamaxday aragtidayda iyo aqoontayda koobani. Waxa aan rajaynayaa inay qormadani noqoto bar bilow laakiin dadka cilmiga iyo caqliga fayow u saaxiibka ah ee kale soo bandhigi doonaan tabaha aynu kaga gudbi karno aafadan qaran ee ina ragaadisay/qayrkeen innaga reebtay. ALLAA MAHAD LEH Mubarik Abdillahi Ibrahim (Daljir) Msc in Development Economics Candidate
Posted on: Sat, 31 Aug 2013 07:07:36 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015