Dhamaan wargeeysadda ka Soo baxa Somaliland waxaa ugu badan la gag - TopicsExpress



          

Dhamaan wargeeysadda ka Soo baxa Somaliland waxaa ugu badan la gag hadley. xilibaan. Abdi Hosh. O ka mid ah. Baarlamanka. soomaliya.Muqdisho, December 2, 2013 (W.Wararka) - Xildhibaanno Baarlamaanka Somalia ka tirsan ayaa si aad u kala duwan uga hadlay go’aankii ay inta badan xubnaha baarlamaanku ku diideen shalay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu hadal is-difaacid ah ka horjeediyo golaha Baarlamaanka Somalia. Mudanayaashan ayaa si aad ah ugu kala aragti duwanaayeen arrintan iyadoo qaarkood ay sheegeen inay tahay mid sharci-darro ah, waxayna xuseen inuu xaq u leeyahay ra’iisul wasaaruhu inuu hadal is-difaacid ah baarlamaanka ka jeediyo maadaama la eedeeyay. Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh ayaa ku tilmaamay go’aanka baarlamaanka in uu ahaa mid aan ku saleysnayn dhaqan siyaasadeed, ayna dhici doonto inuu eedo, isagoo xusay in beesha caalamku ay kula xisaabtamayso hadba sida ay u shaqeeyaan. “Arrinta ra’iisul wasaaraha loogu diiday inuu hadal ka jeediyo baarlamaanka hortiisa waa mid aan ku saleysnayn dhaqan siyaasadeed oo khalad weyn ah, waana arrin aad u fool xun oo baarlamaanku uu eedi doono,” Xidhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ah sharci-yaqaan oo isaguna hadal ka jeediyay kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa sheegay inuu xaq u leeyahay ra’iisul wasaaraha inuu is-difaaco oo uu la hadlo xildhibaannada, balse baarlamaanku uu go’aankiisa leeyahay. Sidoo kale, xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah xildhibaannada sida aadka ah u dhaliilsan mooshinka ayaa sheegay in mooshinka uu yahay mid aan ka imaan xildhibaannada keenay, balse uu yahay mid madaxweyne Xasan Sheekh uu soo abaabulay, uuna dhibaato u horseedi doono shacabka Soomaaliyeed. Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay xukuumadda oo isaguna hadlay ayaa sheegay inay xaq tahay in la eryo xukuumadda oo aan loo ogolaan inay ka hadasho baarlamaanka, maadaama ay ku fashilatay howlihii loo idmaday. Sidoo kale, xildhibaan Dhuxuloow oo u muuqday mid ka jawaabayay hadalkii kasoo yeeray uu sheegay xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa xusay inuu xaq u leeyahya madaxweynuhu inuu eedeeyo hay’adaha dowladda haddii ay wax-qaban waayaan, kuwaasoo uu ku jiro baarlamaanka isaga soo doortay. Kala fikir duwanaashaha xildhibaannada ayaa waxay muujinaysaa inaysan si isku mid ah u arag in kalsoonida kala laabashada xukuumadda uu horkacayo ra’iisul wasaare Saacid, taasoo lagu wado in berri oo Isniin ah kalsoonida loo qaado haddii aysan wax is-bedelin. Ra’iisul wasaaraha Somalia oo ka jawaab-celiyay go’aankii xildhibaannadu ay ugu diideen maanta inuu hadal is-difaacid ah ka jeediyo baarlamaanka ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku adkeysanayso in la siiyo fursad ay isaga difaacdo eedeymaha loo jeediyay. Ugu dambeyn, wuxuu sheegay ra’iisul wasaare Saacid in tallaabo walba oo la qaado isagoo aan goob-joog ahay ay tahay mid aanay waxba ka jirin, balse ma uusan sheegin tallaabada uu qaadan doono haddii ay taasi dhacdo.By copy Haatuf News. somaliland......... By ayan omer dahir
Posted on: Mon, 02 Dec 2013 09:09:40 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015