Dhambaalkan ayaa waxa Uu wataa dareen fog Oo jaceyl waxaana uu - TopicsExpress



          

Dhambaalkan ayaa waxa Uu wataa dareen fog Oo jaceyl waxaana uu dhaqaajin doonaa dhuuxa iyo Lafahaaga marka aad dhadhansatid dareenka fog. Yuu dhibay jacayloo, Kudhaliyay walacoo Dhalan rugay naftiiso, Qalbigiisa wax u dhimay Dhaawiciiso gaaroo Yuu Dheelmay leyl kii Dhu-dhumada kajabiyay, xilli uu dayaxu dhacay Dhaq-dhaqaaqi waayoo, Yuu dhaafshay wakhtiqii La dhutiyay wax badan , hadba dhinac o rugay Yuu dhamac ku shidayoo , dhabayaal cid laa hoo Ku dhalaashay Milicdoo, dhawaaqii kayeeraba Dhugor tiisa gubayoo , dhagta yaa la raacay Kadheereyay raaxada, Yuu U diiyay Dhunigoo Yuu Dhaxan ta joojiyay, Liqi waayay dheftii sida dhidibka tiirkoo , lixaad kiisa dhumiyoo Dhadada iyo roob-kuba , dheehiisi Baas dhigay dusha ogu dhaceenoo, Yuu Ka reebay dhallintii yuu dhamana hays iyo , Dheeshiyo ciyaartii dhakafaar u gaystoo , Gooni joog ka dhigayoo fikir uu la dhuubtiyo , kadhaxsaaray dadkoo idil Ku dharbaaxay mowjado. Xigasho:Wacdaraha Hoyga Sirta Nolosha
Posted on: Mon, 21 Oct 2013 02:58:34 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015