Diyaar garoow Dagaal kii ugu xooganaa oo ka socda duleedka - TopicsExpress



          

Diyaar garoow Dagaal kii ugu xooganaa oo ka socda duleedka Kismaayo. (Warbixin Muhiim ah). Wararka naga soo gaaraya Magaallagga Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda Hoose, ayaa sheegaya in duleedka Kismaayo ay iminka ka socdaan dhaqdhaqaaqyo Ciiddan oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya. Ciidamada dowladda Soomaaliya ee duleedka Kismaayo ku sugan, ayaa sheegay in Qorshahoodu uu yahay sidii dib ay gacantooda ugu soo celin lahaayeen Magaalada Kismaayo oo dhawaan laga soo saaray kadib dagaal dhexmaray iyaga iyo waliba Maamulka Jubbaland. Ciidamada, ayaa isku Urursanaya deegaanka Buulo-Gaduud oo sida la tilmaamay qiyaastii 30-km u jira Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose , waana deegaan ay aad ugu xoogan yihiin ciidama dowladda Soomaaliya . Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaasi ay ciidamada isku Uruursanayaan isla markaana diyaar garoow buuxa laga dareemayo ciidama dowladda Soomaaliya ee ku sugan Buulo-Gaduud iyo waliba deegaana kale ee duleedka Kismaayo ku yaala . Maxamed Buule oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa dhawan wuxuu shaaca ka qadayu inay isku diyaarinayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose .
Posted on: Sat, 13 Jul 2013 22:07:14 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015