Gabar yar ayaa aabbaheed u timid markaasey suaashay sida - TopicsExpress



          

Gabar yar ayaa aabbaheed u timid markaasey suaashay sida ay basharka u tarmeen. Odaygii oo raba inuu gabadhiisa qanciyo ayaa ku yiri aabbe ilaheey markii hore waxa uu uumay aadan misana xaawo, kadib ayagii ayaa ilmo dhalay oo dadkii baa saas ku tarmay! Gabartii yareed oo aan jawaabta aabbaheed ku qancin ayaa hooyadeed u tagtay waxayna weydiisay isla suaashii! Hooyadii waxey ku tiri dadku markii hore waxay ahaan jireen daanyeero kadibna noqdeen bani- aadam, gabadhii yareed oo careysan baa aabaheed kusoo laabatay waxayna ku tiri aabbe maxaad beenta iigu sheegtay oo ii tiri dadku aadan iyo xaawo bay kasoo tarmeen, hooyo markaan weydiiyey waxa ay ii sheegtay in dadku daanyeero kayimaadeen Odaygii oo u caraysan jawaabta ay hooyadu gabadha siisay ayaa gabadhii ku yiri aabbe aniga kama hadlin qoyska hooyaadaa ee waxaan ka hadlay qoyskeena -najiyare-
Posted on: Sat, 02 Nov 2013 11:47:57 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015