Maansadii ( Garaad San ) Gaf iyo iska ilaali Gunimo - TopicsExpress



          

Maansadii ( Garaad San ) Gaf iyo iska ilaali Gunimo gaashaankana U daruur shareecada Geesh geesh u raac Culimada gurigaaga Ka dhawr gar eexo Gun iyo baar u gaadh Nasteexo guntigana Ku xidho dhaqankaga Gadaalna haw celin Gadhkaaga guyaal Ku dhawro guunyada Geestaada ka ilaali Ceebta nasabnimada Ka dhawr gilgilashada Gulufkana u sheeg Garaadada garaad san Ku ahaw sidaas garasha Duna yey ku gees marin Gayaankiyo barbaarta Golaha kuugu baaqay Samo iyagana gartooda Eeg gadaal haw celinin Gadhkaaga sidaana ku Garaad san........ Gaf iyo may gaysan eex Gayaanka dalkayga joogaa Gun iyo baar waa xariir Gudoonka dalkayga weeyan Guushana iyagaa iska leh Geeskastaba iyagaa ka jooga Haday guluf cadaaweed Warmaha soo giijistaan Garba simanbay noqdaan Gartana iyagaa isu jara Gocashana kuma reebto Goornaba siyaasadan soo gayaxan Intaa way gees maraan Gadaalna uma ceshaan Gobonimaday soo hanteno Gees kastaba iyagaa ka joogoo Gaf iyo uma qudhan gunimo Guuldaradu halkay ka timi Musuq iyo guurti been ah Gorfayta aqoonta beshay Gaadmada lagu hayo gayanka Garaad san baa ka dhidhiyey.. Geestaba iyadoo laga Taagan yahay haduu gadhigii Taraaray geesiyaasha Soo halgamay garbay U yeesheen gole tosinede Inay geed la hoos tagaan Guyaal bay soo jirtee garaad San baa ka dhiidhiyee Gartaba ina sanwayniyo Guurti baa loo gaysan jiree Maxaa lagu giriifayaa Waa Maansadii ( GARAAD ) By Abwaan Barkhadyare By Abwaan Barkhadyare
Posted on: Sat, 28 Sep 2013 06:22:56 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015