Macnaha Quranka Kariimka ah afka Somaliga. Magaca Eebe yaan ku - TopicsExpress



          

Macnaha Quranka Kariimka ah afka Somaliga. Magaca Eebe yaan ku bilaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista. 1. Waxay ku tusi mucjisada Quranka. 2. Soo dajinta Quranka shaki kuma jiro, wuxuuna ka soo dagay Eebaha caalamka xaggiisa. 3. Mise waxay dhihi waxaa been abuurtay Nabiga saas ma aha ee waa xaq Quranku Eebahaa xagiisa ka yimid si aad ugu digtid qoom uusan i imaannin dige kaa horreeya, si ay u hanuunaan. 4. Eebe waa kan ku abuuray Samooyinka, iyi Dhulka iyo waxa u dhexeeya Lix maalmood dhexdeed, markaasna ku istawoday Carshiga si u cuntanta idiinmana sugnaanin Eebe ka sokow wali gargaare iyo shafeece midna, ee miyeydaan wax xusuusaana. 5. Marka Eebe ka maamulo Samada xaga Dhulka markaasaa amarkaasi xagga Eebe u koraa Maalin qadarkeedu yahay kun sano oo waxaad tirinaysaana. 6. Kaasina waa Eebaha og wax maqan iyo wax joogaba, ee adkaada ee naxariista. 7. Eebaa wanaajiyey abuurida wax walba, wuxuuna ka billaabay abuurida Dadka Dhoobo, Nabigii Aadam ahaa. 8. Markaas ka yeelay faraciisii mid ka soo taxma biyo tabaryar. 9. Markaas ekeeyey oo ruuxtiisa ku afuufay idiina yeelay maqal, Aragyaal iyo quluuba, waryar baadse Eebe ku mahdisaan. 10. Waxay dheheen Gaaladii ma markaan ku dhex luno dhulka geeriyoono yaa abuuris cusun nala abuuri, saas ma aha ee iyagu la kulanka Eebahood bay ka gaaloobeen. 11. Waxaad dhehdaa waxaa idin oofsan dili Malaga mowdka laydiin wakiishay markaasaa xagga Eebihiin laydiin celin. 12. Haddaad arki lahayd marka dambiilayaasha madaxa hoos u dhigi qiyaamada Eebahood agtiisa iyagoo dhihi Eebahanow waan aragnay waana maqalay ee na celi si aan camal fiican u fallo waan yaqiinaye waxaad arki lahayd wax yaableh. 13. Haddaan doono waxaan siin lahayn ku toosin lahayn Nafkasta hanuunkeeda hase yeeshee waxaa hormaray hadalkaygii in laga buuxin Jahannamo Jinni iyo Insi dhamaan. 14. Ee dhadhamiya halmaanshihiinii la kulanka maalintaan qiyaame annagana waan idinka tagaynaa maanta ee dhadhamiya cadaabka waarrida camalkiinii dartiis. 15. Waxaa uun rumeeyn aayaadkanaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna tasbiixsada mahada Eebahood iyagoon is kibrinayn isla weynayn. Waa inoo Casharkan kan xiga haddii Allah swt inoo idmo. Wa billaahi tawfiiq.
Posted on: Tue, 06 Aug 2013 05:30:47 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015