SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. Wiil 24 sano jir ah ayaa wuxuu saarnaa - TopicsExpress



          

SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. Wiil 24 sano jir ah ayaa wuxuu saarnaa tareen, daaqada tareenka ayuu fiirinayay, wax yar kadib ayuu qeyliyay asagoo dhahaya: “ Aabe geedaha dhan gadaal ayey u soconayaan” Aabihii wiilka dhalay ayaa dhoola cadeeyay, balse wiil iyo gabar lamaane ahaa oo fadhiyay kursi u dhow ayaa six un u fiiriyay wiilkii 24 jirka ahaa ayagoo la yaaban sida ciyaalnimada ah ee uu u dhaqmayo. Mar kale ayuu hadan qeyliyay asagoo dhahaya: “Aabe fiiri daruuraha korkeena ayey soconayaan, anaga ayey nala socdaan.” Gabadhii iyo wiilkii lamaanaha ahaa, markaan way is celin waayeen, waxayna ku yiraahdeen odaygii wiilka dhalay: “Wiilkaaga dhaqtar ayuu u baahan yahay ee maad geysid.” Odaygii ayaa dhoola cadeeyay, wuxuuna ugu jawaabay: “Dhaqtar waan geeyay, hada ayaana ka nimid, wiilkeyga waxa uu indho la’aa tan iyo markii uu dhashay, manta ayaana loo soo fiiqay indhaha, waana maalintii ugu horeysay ee uu noloshiisa wax arko.” Faa’iido: Hadii aad aragto qof sameynaya wax aad la yaabto, islamarkaas ha xukumin oo go’aan deg deg ah haka qaadan ilaa aad ogaato sababta.
Posted on: Wed, 02 Oct 2013 11:43:00 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015