WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho: Axad Agoosto 11, - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho: Axad Agoosto 11, 2013 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka bixiyey guulaha ay gaartay Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo sidoo kale qorshaha cusub ee dib u kabashada Soomaaliya nooca uu yahay iyo sida Xukuumadda ay ugu diyaar garowday kadib wareysi dheer oo uu siiyey Warbaahinta Qaranka. Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” wareysiga uu siiyey Warbaahinta Qaranka ayuu ku sharaxay dhammaan waxyaabihii u qabsoommay mudada ay Xukuumadda jirto ee Siddeedda Bilood ah, waxa uu Ra’iisul wasaaraha hadalkiisa ku billaabay “Waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciiddul Fitriga ee sannadkan sida nabad gelyada ah loogu ciidday guud ahaan Soomaaliya”. “Waxaan doonayaa inaan wax ka taabto su’aasha ku aaddan guulaha ay Xukuumaddu gaartay siddeedii bilood ee lasoo dhaafay, Xukunka waxaan la wareegnay iyadoo ay xaaladda sidan ka adagtahay, waxaad la socotaan in Xukuumaddu ay horyaaleen arrimo baahidooda ay aad u badan tahay, sidaad la agligeed waxaa hubaal ah in howllo badan ay inoo hirgaleen, waxaana ka xusi karnaa dadaalka aan u galnay in dhismaha hey’adaha dowladda kadib la billaabo dajintii sharciga dalka lagu hagi lahaa”. “Sidoo kale dadaal aad u ballaaran ayaan ku bixinnay iyadoo aad ogtihiin daruufo badan ee dowladda horyaalla ammaanka sidii wax badan loooga qaban lahaa, Xukuumaddu waxa ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu saxayo nidaamka Ciidammada Soomaaliyeed, iyadoo sidaas aan u dadaaleyno hadana waxaa jira daruufo dhinaca Dhaqaalaha ah”. “Haddii aan tusaalo u soo qaato Bishii May dakhliga soo galayey dowladda waxa uu ahaa laba Milyan iyo bar, shaqo badan iyo sida loo xakameeyey Dhaqaalaha dowladda soo galayey ayey inoo suuragasha in horaantii sannadkan dakhliga soo gala dowladda waxa uu kor ugu kacay Shan Milyan iy bar, halkaas waxaad ka garan kartaa in wax badan oo isbaddel ah lagu guuleystay, Dhaqaalaha yar ee ina soo gala awgiis dowladda ilaa hadda ma aysan gaarin halkii loo baahnaa, laakin dadaalkeenu weli waa mid sii socda”. Dhinaca kale haddii aan ku laabto Xukuumadda waxa ay ku guuleysatay in Barlamaanka ay horgeyso Miisaaniyad cad, taasi ayaana suuragalisay in la abuuro jawi ka baddelan sidii horey, waxaana u mahadcelinayaa dowladdii KMG aheyd oo aan xusi karo in meel wanaagsan ay wax soo gaarsiyey, annaga qorshahayagu waxa uu yahay in Soomaaliya laga dhaqaajiyo halkii ay taagneyd”. “Dhanka kale haddii aan u gudbo dowladda waxaa lagu eedeyn jiray dowladdii Xamar, laakin inagoo taasi ka duuleyno ayaan hirgelinay barnaamij gobollada dalka lagu gaarsiinayey dowladnimada, waxaan oran karaa 90% arrintaasi waa mid lagu guuleystay, halkaas kuma aanan ekeyn, waxaan isbaddelo ku sameynayo maamulada gobolladaasi loo abuurro jawi horumarineed oo dadka Soomaaliyeed lagu gaarsiiyo dal dhisan iyo dad niyadoodu wanaagsantahay”. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo wax laga weydiiyey Ciiddan iyo ciiddii hore waxa ay ku kala badelyihiin ayaa ku jawaabay “Ciiddan waa Ciid xasuus gaar ah leh, waxaad la socotaa in ciiddii hore dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo gobollo badan oo Soomaaliya ah in aysan awood u laheyn in ay farxad ku damashaadaan, Sidoo kale waxaa fursad kale ii aheyd in aan la damaashaado Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan, dareenkeygu waxa uu ahaa mid aad u sarreeya, u jeedaduna waxa ay aheyd in muraalka ciidammada kor loo qaado, taasina waa mid uu Alle nagu guuleeyey, Dhinaca kale habeenno ka hor waxaan kormeer ku soo sameeyey Labada Koontarool ee Muqdisho, iyadoo aysan wax dhibaato ka jirin magaalada, halkaas waxaad ka qiyaasi kartaa in ammaanka uu wax badan iska badelay, haddii uu Alle Idmana horumarro badan ayaa soo socda”. “Ugu dambeyntii Qorshaha Hiigsiga cusub ee la yiraahdo New Deal Micnihiisu waxa uu yahay dib u kabashada Soomaaliya, shirka Brussels ka dhicaya 16-ka bisha September, waxaa looga hadli doonaa Soomaaliya sidee jeceshahay in loo caawiyo “ Sidee dalkiina u dhisan kartaa caalamkuna uu idiin caawiyaa, waa maxay sida ammaanka Soomaaliya loo xasilin karo, Dhaqaalaha aad dooneysaan halkee u la egyahay, dhinaca kale Xukuumadda waxa ay dadaal badan ku bixisay sidii la tashi aad u ballaaran New Deal-ka lagala yeelan lahaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed welina waa mid socda”. “Waxaan rajeynayaa in shirka Brussels in ay ka soo bixi doonaan qodobo dhammaantood ka turjumaya sida adduunka u aqbalo qorshaha aan halkaasi la tagno, aad ayaanan ugu Kalsoonahay qorshaha Xukuumadda ee shirkaasi, waana midka kaliya ee fursadda ugu weyn u abuuri doono Soomaaliya”. —Dhammaad— Moqdisho Axad Agoosto 11, 2013 Maamulka gobolka Banaadir ee dowlada Somalia ayaa balan-qaaday iney wax ka qabanayaan amaanka magaalada Muqdisho oo mudooyinkan ahaa mid faraha ka sii baxayey ka dib markii ay ku soo bateen dilalka iyo qaraxyada. Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir Warsame Joodax ayaa sheegay in muddo lix bilood ah gudahood ay amaanka Muqdisho gaarsiin doonaan heer la mid ah caasimada wadamada deriska sida Nairobi, Addis Ababa iyo Jabuuti. “Waxaan dejinay qorshe ka duwan kuwii hore oo aan dooneyno inaan amaan buuxa kaga dhalino caasimada Muqdisho muddo lix bilood ah gudahood kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan laamaha amniga dhamaantood” ayuu intaa ku daray Warsame Joodax. Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka dowlada oo shalay galab ka dhacay tiyaatarka Qaranka ayuu intaa ku daray Warsame Joodax in lixdaas bilood gudahood ay Muqdisho kaga sifeyn doonaan kooxaha dilalka iyo qaraxyada geysta. Dad badan ayaa aaminsan in hadalka Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir uu yahay riyo dhalanteed ah marka loo eego baaxada amaan darida ka taagan Muqdisho oo ah mid siyaasadeed oo ay wadaan kooxo dowlada ku kacsan. Masar Axad Agoosto 11, 2013Ciidamada Amniga dalka Masar oo u caal la’ malaayiin mudahraadayaal ah oo ka soo horjeeda inqilaabka lagu sameeyey madaxweynahii shacabka Masar doorteen ayaa iyagoo salaatu leyl dukanaayo laga jaray dhamaan korontadii iyadoo mudahaarayaasha ay durbaba shiteen matooro dabka dhaliyo taasoo ka yaabisy ciidamadii amniga oo fashilmay siday u burburin lahaayeen kooxaha taageersan maddaxweynaha xoogga looga tuuray ee Maxamed Mursi. Dibed-baxayaasha taageersan madxaweyne Mursi ayaa sedexdii maalin ciida dhigaayey banaanbaxyo waaweyn oo keenay in ay xirmaan wadooyin waaweyn oo ay mari lahaayeen baabuurta tirada badan ee dlka Masar. Dowlada milatariga gadaal ka taagan yahay ayaa wasiiradeeda waxay u badan yihiin wasiiradii dowladii la afgambiyey ee Maxamed Mursi iyadoona laga xusi karo wasiirkii korontada, wasiirkii badroolka, arimaha gudaha iyo wasiirka gaashaandhiga kuwaasoo in badan masuul ka ahaa amni xumada, koronta daminta iyo badrool la’aanta safka dheer loo gali jiray taasoo keentay in ay shacab bdan caro kala hor tagaan madaxweynahii shacabka doorteen ee Mursi. Dhanka kale dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee dalka Israaill ayaa weeray deegaan ka mid ah dalka Masar kuwaaoo ku dilay 4 qof oo jihaad doon ah, iyadoona u danbeysay in ay Israaiil weerato ciida Masar mudda hadda laga joogo 40 sano. Dowlada Israaiil ayaa qiratay weerarkaasi halka milatariga Masar uu beeniyey weerarkaasi Israali fulisay inuu jiro iyagoo sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen ciidamada dalka Masar waloow warkaasi idaacadaha waaweyn caalamka ay qireen in weerarkaasi ka dhacay dhulka Siinay ay fuliyeen ciidamada cirka Israaiil. Axad Agoosto 11, 2013M asuuliyiinta ururka ahlu sunna waljameeca ee gobolada dhexe ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan maamul u soo magacaabi Karin gobolada dhexe ee dalka gaar ahaan degaanada ay iyagu gacanta ku hayaan. Macalin Maxamuud Shiikh Xasan oo ka mid ah hogaanka sare ee ahlu sunna ayaa sheegay in iyagoo kaliya ay xaq u leeyihiin iney degaanada gacanta ugu jira u sameeyaan maamulo. “Waxaa nagu maqaalo ah warar sheegaya in dowlada Somalia ay maamul u soo magacaabeyso gobolka Galgaduud degaanada ay ka taliso ahlu suna, taas ma aqbaleyno, maamul dusha nalooga keenayna kama shaqeynayo halkan” ayuu yiri Macalin Maxamuud. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Macalin Maxamuud in dowlada Somalia aysan wax saameyn ah ku laheyn degaanada ay ka taliso ahlu suna, ayna illa hadda ka caga jiideyso fulinta heshiis horey labada dhinac u wada galeen. “Ninka la soo magacaabayo wuxuu yahay, ma naqaan, ma Shabaab baa ma shaydaan baa, waxaan sheegeynaa in ragga doonaya iney xilal ka qabtaan maamulka degaankan ay ka doontaan ahlu suna haddii ay u garato iyo haddii kaleba” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Macalin Maxamuud. Hadalka masuulkan ayaa ku soo aadaya xili ay soo baxayeen warar sheegaya in dowlada Somalia gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha u magacowday maamaul cusub degaanada ahlu suna ee gobolka Galgaduud inkastoo aan weli la shaacin.
Posted on: Sun, 11 Aug 2013 10:50:46 +0000

Trending Topics




© 2015