deeyo ama u ekaado mid la siyaasadeeyay. Si Soomaalidu uga qayb - TopicsExpress



          

deeyo ama u ekaado mid la siyaasadeeyay. Si Soomaalidu uga qayb qaadato la dagaalanka arrinta burcad badeedka waxaa timid baahida loo qabo in la dhiso ciidanka ilaalada xeebaha, kuwo sharciyada hirgeliyo (Law-enforcement Agencies) iyo Garsooorka. Waxaan Qaramada Midoobay aan hor dhignay qoraalo tifaftiran oo tilmaamaya sidii wax looga qaban lahaa baahida arrimaha kor ku xusan ka jira anagoo codsannay in dhaqaale mashaariicdaas lagu fuliyo si degdeg Qaramada Midoobay u bixiso. Waxaan dejinay shax lagu abuurayo hay’adihii hawlahaas fulin lahaa ee seddexda qaybood. Waxaase nasiib darro noqotay Qaramada Midoobay aaney fulin baahida aan soo tilmaamnay si aan, Soomaali ahaan, si ficil ah uga qayb galno la dagaallanka burcad badeedka. Inta shirkaasu socdeen waxaa mar walba la cambaareeya falalka afduubka ee burcadu u geysteen maraakiibta badda isaga gooshta. Waa ficilo istaahila in la cambaareeyo waxaase indhaha aan laga qabsan karin in iyana la cambaareeyo haraaga nuklearka iyo sunta qashinka warshadaha reer galbeedka ee lagu shubayo badda Soomaaliya oo dhibaatooyin caafimaad iyo kuwo dhaqaale u geystay dalka, kallumeysiga xaraanta ah, tahriibka badaha, kontrobaanka, ka ganacsiga daroogada, dhaca loo geysanayo kheyraadka Somaaliya. Sunta badda lagu shubay waxaa ilaa hadda la il daran boqolaal Soomaali ah oo isugu jira caruur iyo wayeel ayadoo ay jiraan dad ilaa hadda u geeriyooday. Waxaa muddooninkan dambe la arkay ilmo dhashay oo malaasan oo aan lahayn meel ay ka nafisaan oo ee dhinaca saxarada iyo kaadida, burooyin nooca qatarta ah (malign tumor), xasaasiya, kor cuncun, xoolaha oo dhogorta gadoontay, dhaawac ku yimid dalaga beeraha, xanuuno soo noqnoqda sida shuban, dhiig ka qubta sanka iyo afka, qandho aan hore loo arag oo ilmaha si halis ah u asiibtay iyo dhicin (miscarriage). Ilaa hadda cid arrintaas wax ka qabatay ma jirto oo aan ka ahayn Hay’adda SomCare oo uu hoggaamiyo Cabdi Muse Maaxay. Muddooyinka aan shirarkaas ku jirnay oo aan ku soo qaaday dhowr jeer in arrintaas in wax laga qabto oo la cambaareeyo waxaa ii muuqanaysay in aaney jirin cid dan iyo heelo ka leh dhibaatada geesta kale soo gaaraysa ee ummadda Soomaaliyeed. Markii iigu darnayd waxaa lay weydiiyay inaan hayo markhaati cad kaddibna aan soo hor dhigay qoraalo badan oo arrintaas laga daabacay warbaahinta caalamka, kuwo ay nashireen Hay’adaha UNEP iyo tan caalamiga ah ee GREENPEACE. Waxaa lay siiyay jawaab ahayd waxaani waa xog warbaahinta loogu tala galay ee ma heysa markhaati cilmiyeysan “Scientific Proof” waxaana markaas miiska sarna qoraal UNEP iyo Hay’adda GREENPEACE ay uga markaati kacaan in la hayo caddeeyn in Soomaaliya lagu shubay sunta haraaga nuklearka oo weliba la arkay aafadaas dhibaatada dad iyo deegaanka badda iyo beriga ka soo gaartay. Sannadkii 2010 waxaan booqsho ku tegay Jaamacada (World Maritime University – WMU) oo ah laan hoos timaada Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Badaha (United Nations Martime Organization – IMO). Waxaan Jaamacadda kula kulmay Professorka lagu magacaabo Olof Linden oo Jaamacadda ka dhiga maadada Martime Enviornmental Management. Professorka waxaan kala hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya ka heysta sunta haraaga nuklearka ee lagu shubay xeebaha Soomaliya iyo aafooyinka ka dhashay ee dhinaca dadka xeebaha ku dhaqan iyo nafleyda ku nool badda. Waxaan ka codsaday sidii loo ogaan lahaa xadiga inta uu la’eg shuucaca (radiation) ee nuklearka ee ka dhashay qashinka iyo inta uu gaarsiinan yahay milanka. Prof. Linden Olef wuxuu ii sheegay inuu hadda ka hor Somalia ku tegay booqasho isagoo marti ah dawladda Soomaaliya dabayaaqadiii 80yada ayadoo loogu yeeray inuu soo ogaado markab ku soo caariyay xeebta Muqdisho gaar ahaan meel u dhaxaysa hoobaal iyo Abuu Xuseenka ka soo horjeedka xaafadda Aw-Aweeska. Wuxuu ii sheegay inuu quusay badda soona ogaaday in markabka degay ay saarnayeen walxo kimikaal ah oo loo yaqaan “Lead” oo halis ku ah deegaanka badda iyo dadka intaba. Markabka ilaa muddo waxaa uu ka muuqan jiray meesha uu ku soo caariyay intuusan biyaha dhex quusin. Profesoorka waxaan u sheegay in xogtaas aaney dawladda shaacin oo dadku uusan maqlin qatartaas. Wuxuu si sahal ah iigu jawaabay dawladuhu sida badan waxaasoo kale ma shaaciyaan. Intii aan Profesorka is dhaafsanaynay xiriirka qoraalka wuxuu ii sheegay inuu Malmo xarunta Jaamacadda WMU uu ka dhici doono shir looga hadlayo arrimaha burcad-badeedain bisha Oktobar 17 ilaa 19 2011 wuxuuna u diray martiqaad xukuumada TFG iyo maamulada jira qaarkood isagoo aniga martiqaadka i soo marsiiyay. Professorku wuxuu ii sheegay in mawaadiicda looga hadlayo ku jiraan kuwo si dadban u hoos immanaya arrimaha burcad-badeedka oo uga badan xagga bani’aadmka. Qodobkaas, ayuu yiri, ayaan geli doona arrimaha sunta haraaga nukliyarka iyo qashinka lagu shubayo xeebaha Soomaaliya iyo aafooyinka ka dhashay iyo sidii caalamku ka yeeli lahaa. Waxaan la soo xiriiray Hay’adaha quseeya arrintaas ee TFG iyo maamulada kale si uga qayb galaan shirkaas isla markaana halkaa ka jeediyaan mawqifka Soomaaliya ee ku aadaan dhibtaas iyo sidii xal loogu heli lahaa. Laakinse taas ma suuroobin in shirkaas Soomalidu ay u soo dirsadaan ergo ka qayb gasho shirka sababo aan aniga fahmi waayay. Hadda ma rabo inaan halkan ku qoro waxyaabaha aan kala kulmay xukuumada iyo maamulada kale ee jira. Waxaan aad ula yaabay igana fajicisay in mugga dhibtaas intaas la’eg in kuwa sheeganaya inay masuul qaran yihiin inaysan xanuun iyo welwel toona kuba haynin. Asxaabo badan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa igula taliyay in aan abuuro urur aan dawli ahayn ee ku aadan dhowrista deegaanka ayadoo ay ku sababayeen in arrimahan oo kale ay Hay’adahaas ay wax weyn ka qabtaan haddii ay noqon lahayd galaangal iyo doodis intaba. Ayadoo aan ka duulayo talooyinkaas ayaan waxaan magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden ku aasaasay Ururka ilaalada iyo dhowrista Deegaanka Soomaaliya bisha January 31st 2012 waxaana dalka laga diiwaan geliyay bishii July ee la soo dhaafay. Sidaan hore u sheegay bacdamaa ay dhibaatada deegaanka ku immanayso aaney xuduud lahayn, waxaan barnaamijka ururka ku jira in lagu baahiyo ururkan wadamada Scandivianka, Europe inteeda kale, Mareykan, wadamada Carabta, Aasiya iyo Qaaradaha Australia iyo Bariga Fog si qof kastoo oo Soomaali ah uu qayb uga noqdo u ololeynta iyo samatabixinta deegaanka Soomaaliya si dadka Soomaaliyed iyo nafleyda kale ee ay manafaacdsaaan oo wada jir ugu noolaado bii’a ka bad qabta dhalanrogga – oo halakeeya aasaaska nolosha. Waxaan xiriir la sameeyay Prof. Luperson Karen oo macalimad ka ah Las Palmas University oo ku taal jasiirada Gran Canary waxayna ii muujisay inay diyaar u tahay inay Soomaalida wax kala qabato arintaas. Prof. Karen waxay la shaqaysa Hay’adda Afrika u qaabilsan badbaadada iyo amaanka Badda (African Maritime Safety and Security Agency – AMSSA). Sidoo kale waxaan xiriir la sameeyay Hay’adda UNEP ee Qaramaa Midoobay u qaabilsan dhowrista deegaanka, Hay’adda GREENPEACE iyo ashqaas Soomaali iyo ajnabi isugu jira. Waxay dhamaan muujiyeen inay arrintaas wax ka qaban doonaan. Dal walba dadkiis ayaa ka difaaca wax kastoo dhibaato u keenaya. Waxaan qiyaasi karaa in dad badan oo kasmadoodu xadidan tahay inay qabi karaan, Soomaaliya maxaa deegaan laga dhowra dadka ayaaba la gumaadaya. Waxaan rabaa in fekerkaas noocaas ah aan u cadeeyo inaan sinaba loo kala furi karin deegaanka iyo nolosha dadka waana wax isku xiran oo mid walba mid kale kaabaya si anfaca loo aayo looga helo inta uunku ku nool yahay dunida guudkeeda. Dhulka oomaanaha u soocan ee Go
Posted on: Sat, 01 Mar 2014 17:47:24 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015