MIDAWGA YURUB:MIDAWGA YURUB AYAA XUKUN KU RIDAY DAWLADDA AAN - TopicsExpress



          

MIDAWGA YURUB:MIDAWGA YURUB AYAA XUKUN KU RIDAY DAWLADDA AAN BANII,AADAMKA AQOONIN EE NETHERLAND. Waxaa ay Nederland banaanka dhigtay dad qaxooti ah waqtigii qaboobaha ee winter-ka oo hooy cunto daryeel caafimaad la’aan dhigtay taasoo ka soo horjeeda xuquuqda bani aadamka,Gudiga arrimaha bulshada Midowga Yurub ayaa ka soo horjeestay siyaasadeeda guracan ee ku wajahan qaabka iyo siyaasada qaabilaada dadka qaxootiga kuna xukuntay in dadka qaxootiga ah ay xaq ugu leeyihiin hooy, cunto iyo dhar taasoo la arki doono sida ay Nederland dowladeeda ugu hogaansanto sidii ay u dhowri lahayd xuquuqda qaxootiga. NNN:01.11.2013:Gudiga arrimaha bulshada Midowga Yurub ayaa dacwo ka dhan ah qaabka ay dowlada Nederland ula dhaqanto dadka magangalyo doonka ee maganta u soo doonta laga dayriyey oo ay ururo badan oo reer Nederland ah dacwo kusoo oogeen ka gadaal markii ay Nederland tacadi ka dhan ah xuquuqda bani aadamka kula kacday dadka maganta usoo doonta ee qaxootiga ah ee kasoo cararay wadamada dagaalada sokeeye ka olaasan yihiin sida Soomaaliya oo adduunka oo dhan ka dharagsanyihiin oo marag ma doonto ah. Gudiga arrimaha bulshada Midowga Yurub ayaa ka soo horjeestay siyaasadeeda guracan ee ku wajahan qaabka iyo siyaasada qaabilaada dadka qaxootiga kuna xukuntay in dadka qaxootiga ah ay xaq ugu leeyihiin hooy, cunto iyo dhar taasoo la arki doono sida ay Nederland dowladeeda ugu hogaansanto sidii ay u dhowri lahayd xuquuqda qaxootiga. Waxaa ay Nederland banaanka dhigtay dad qaxooti ah waqtigii qaboobaha ee winter-ka oo hooy cunto daryeel caafimaad la’aan dhigtay taasoo ka soo horjeeda xuquuqda bani aadamka. Isbedelka siyaasadaha iyo dhaqaalo xumada iyo Imaatinka xisbiyada siyaasiga ee cunusuriga ee xukun doonka ah ee uu hormnuudka u yahay Geert wilders oo dan iyo heelo aan ka lahayn dhibaatooyinka loo geysto xuquuqda dadka magangalyo doonka ee usoo magan taga wadanka Nederland ayaa isticmaala siyaasado guracan oo iska horkeen dhaladka iyo magangalyodoonka ah taasoo badanaa sababta in magangalyodoonka lagu dhibo qaabkii dacwooyinkooda si xaq ah oo cadaalad ku Nederland wixiii ka danbeeyey qabashada majaraha dowlada Kabineetka ay xulufada ku yihiin labada xisbi ee shaqaalaha [PVDA] iyo xisbiga Liberaalka[VVD] ku guuldaraysteen in ay wax ka qabaan dhibaatooyinka la soo darsay dadka iyo dalka Nederland dhinacyada arrimaha bulshada, dhaqaale xumada iyo tashiilka dhimida dhaqaalaha ee loo yaqaan [Bezuiniging] shaqo la’aanta oo baahday iyo kororka fakhriga oo dad badan ku kaliftay in ay iska diiwaangeliyaan bangiga cuntada oo aan waxba dhaamin xeryaha qaxootiga iyadoo Nederland maalqabeenka maalkooda kordhay halka fakhriga gaaray meel xun. Dowlada labada xisbi ee VVD & PVDA ayaa waxay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan dhaqaale xumada, shaqo la’aanta baahday iyo kororka maalqabeenka Nederland uu kordhay maalkooda halka dadka fakhriga ay dowlada sababstay uu ka kordhay. Waxaa kaloo dowlada Mark Rutte looga caalwaayey naasnuujinta bangiyada iyo maalqabeenka halka shicibka Nederland la ciil baday oo laga dhigay kuwa la ildaran dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aan. Mark Rutte ka hor inta uusan ku dhaqaaqin siyaasadiisa guracan ee tashiilka dhimida dhaqaalaha ayuu sheegay in cidwalba ay dareemi doonto tashiilka uu markaas damacsanaa taasoo dhibaatooyin aan la soo koobi karin ku kaliftay dadka iyo dalka Nederland(.jsn)ref. Mohamed Haji Essa(Maygaag) NNN:National News Network:Netherland.
Posted on: Fri, 01 Nov 2013 18:08:19 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015