Ronaldo Oo Jabiyay Rikoorkii Hugo Sanchez Xilli Real Madrid Ay Si - TopicsExpress



          

Ronaldo Oo Jabiyay Rikoorkii Hugo Sanchez Xilli Real Madrid Ay Si Sahlan Ku Garaacday Getafe. Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti Taariikh: 22-September-2013 Real Madrid ayaa guul sahlan ka gaartay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Getafe oo ay ku garaaceen 4-1 ciyaar ka dhacday Santiago Bernabeu iyadoo Ronaldo uu dhaafay rikoorka gooldhalinta Hugo Sanchez ka dib labo gool uu dhaliyay. Tababare Ancelotti ayaa line-upkiisa ciyaartaan ku soo bilaabay Bale laakiin nasiibdarro waxa uu dhaawacmay intii ay kooxda isku diyaarineysa kulanka waxaana booskiisa lagu bedelay Isco, iyadoo sidoo kale ay kursiga keydka ku bilowdeen Modric iyo Ramos. Getafe ayaana ciyaarta hogaanka u qabatay kaliya iyadoo socota shan daqiqio markii Ronaldo uu kubad socota ka istaagay isagoo mooday in qalad lagu galay, balse Miku ayaa ka qaatay oo u dhiibay Angel Lafita kaasoo darbadiisii xooganeyd ee uu goolka ku abaaray ay ku sii dhacday Pepe ka hor inta aysan shabaqa dhex gelin. Real Madrid ayaana jawaab ka bixisay daqiiqadii 18aad markii laad xor ah uu soo tuuray Di Maria uu lugta la helay Ronaldo kaasoo darbadiisa uu soo badbaadiyay Moya, laakiin waxaa durbadiisa ku celiyay oo kubada shabaqa cusjiyay Pepe kaasoo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah. Real Madrid ayaana ciyaarta fursadaheeda oo dhan iska laheyd iyadoo Ronaldo uu iska qasaariyay fursad uu u abuuray Di Maria oo laad xor kale u dhigay goolka hortiisa. Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa goolkii uu raadinayay helay markii uu gool u sarifay rigoore loo dhigay Madrid markii Michel uu kubad gacanta ku taabtay xerada ganaaxa dhexdeeda, inkastoo uu Moya kubada raacay hadana kubada waxa ay dhex gashay goolka. Benzema ayaana fursad u baahneyd kaliya inuu kubada goolka ku riixo ka qasaariyay Real Madrid daqiiqadii 40aad ee ciyaarta ka dib markii Carvajal uu kubad karoos fiican goolka hortiisa u soo dhigay. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay Real Madrid. Los Blancos ayaana hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 58aad markii laad xor ah uu soo tuuray Ronaldo uu cagta la helay Isco kaasoo si qurux badan goolka u dhex dhigay, waana goolkiisii 5aad uu u dhaliyo Madrid tan iyo intii uu xagaagii kaga soo biiray Malaga. Ronaldo ayaana labo fursadood oo isku xigta ay soo martay ka dib goolkaas, laakiin labada fursadood kama uusan faa’ideysan iyadoo mid ka mid ah uu ka bixiyay kubada goolhaye Moya. Benzema oo xilli xun ku jira xilli ciyaareedkan ayaana daqiiqadii 72aad qasaariyay fursad gool banaan markii karoos uu soo dhigay Arbeloa uu madaxa la helay iyadoo aysan cidna ka xigin goolka, balse kubada ay dulmartay goolka. Shan daqiiqo ka dibna Benzema ayaa fursad taas ku dhow mar kale qasaariyay, markaana waxaa kubad madaxa u saaray Carvajal laakiin xiddiga reer France ayaa goolka hareermariyay. Daqiiqadii 82aad ayaana Ronaldo ay soo martay fursad dahabi ah markii Modric oo bedel ku soo galay uu kubad qurux badan u dhex bixiyay laakiin xiddiga reer Portugal ayaa kubadiisa ay si ciriiri ah ku hormartay goolka. Getafe ayaana xaalka uu ku sii xumaaday markii casaan toos ah uu daqiiqadii 85aad ka qaatay Michel kaasoo qalad ku galay Jese oo fursad uu gool ku dhaliyo heystay. Daqiiqadii 3aad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayaa Ronaldo uu dhaliyay goolkii afaraad ee Real Madrid iyo goolkiisii labaad ee ciyaarta. Waana goolkii 208aad ee uu Ronaldo u dhaliyay Madrid isagoo dhaafac haatan Hugo Sanchez oo ahaa ciyaaryahankii shanaad ee ugu goolasha badnaa taariikhda Madrid. Waxaana Ronaldo haatan ka horeeya kaliya Ferenc Puskas (242), Santillana (290), Alfredo di Stefano (307) iyo Raul Gonzalez (323). Waxaana ay Real Madrid ku badisay ciyaarta 4-1, iyagoo ku jira haatan kaalinta 3aad islamarkaana labo dhibcood ka danbeeya kooxaha wada haya hogaanka ee Barcelona iyo Atletico Madrid. Share this: Facebook16 Twitter Google +1 Pinterest Tumblr Wararka Kale Ee La Xiriira: Liverpool oo Juventus kula dagaallameysa saxiixa Alonso Aabaha dhalay Iniesta oo sheegay in Wiilkiisa heshiis cusub u saxiixi doono Barca Alves oo Qiray in uu doonayay in Beerkiisa ugu deeqo Abidal Fabregas Oo La Nasasiinayo Iyo Busquets Oo Ku Soo Laabtay Barcelona. Raul Baena: Lionel Messi Isaga Diiday Inuu I Gacan-qaado Laakiin Wax Weyn Ma Ahan Taas. Aragti Ka Dhiibo Qoraalkaan Fadlan Ereyada Aflagaadada Ama Xumaanta Ah Ka Saar Fekradaada. Haddii Kale Fekradaada Waa La Masixi. Magaca * Email * Kooxda Aad Taageerto Halkaan Ku Qor Aragtidaada: You may use these HTML tags and attributes: 18 Responses to Ronaldo Oo Jabiyay Rikoorkii Hugo Sanchez Xilli Real Madrid Ay Si Sahlan Ku Garaacday Getafe. Abdishukri hassanReply 23-September-2013 at 1:27 pm Ronaldo wu u qalma All time REAL MADRID TOP SCORER waxba hala yaabina MADRID And UTD up in the sky alwayz 0 2 Qiimee Aragtidan Caddod osmanReply 23-September-2013 at 10:22 am Realmadrid waa koox aad udag oo awood uleh in ay qaado chompion league xili ciyaareedkan isogoo laacibka real c.ronaldo uu sacnigiisa kacsanyahay baryahan 0 0 Qiimee Aragtidan maxamed wardiReply 23-September-2013 at 8:30 am sxb Ronaldo waa ciyaar yahan dhamaystiran waan ciyaaryahanka kaliya ee madaxa iyo labada lugoodba ay isku mid yihiin waana uu dhalin karaa323 iyo wax kabanba hadaba sxbyaal ninkii diidayaa cr7 sxb maantaba dilaac Ronaldo best player hala hala madrid 0 0 Qiimee Aragtidan BandeyReply 23-September-2013 at 6:46 am Ronaldo wa ciyariyahan qatar ah 0 0 Qiimee Aragtidan HamayoReply 23-September-2013 at 6:24 am Sanadan waxan rajawayn lenahay inan ku gulaysano championleague wayo tas waxa cadaynaysa ciyarti an ku furnay ciyaraha 0 0 Qiimee Aragtidan AReply 23-September-2013 at 5:25 am Asc dhaman wllehey wayo shaki kuma jiro cr7 inu jabiyo rikorka waxa uw leyahay 208 gool waxa udhiman 116 kkkkk 0 1 Qiimee Aragtidan CaaqilReply 23-September-2013 at 1:17 am iska soo badiya hortiin baala sii badiyee kooxdii horyaalka difaacaneeysay ayaa weli hogaanka heeysa barca weeyka go’antahay ineey sanadkaan sidoo kale koobka horyaalka qaaddo. viva barca 0 0 Qiimee Aragtidan barca GurlReply 22-September-2013 at 11:32 pm ksksks Ronaldo ma u maleynaayi L.Messi meel u maray inuu maro viiva messsi 0 1 Qiimee Aragtidan cr7, gb11,isco23,ozil11,wilsher10,walcot14Reply 22-September-2013 at 10:49 pm dadka hada ku csub taagerida aya kudhahaya lagama yaabo inuu cr7 noqdo ninka ugu goolasha badan aan ku qoslaa war 4 sano aya lajooga 2009/13 208 goal aya ladhaliyey kulamada la saftay iyo goolasha aya badan marka soo barta kubada dadka jiiska waraabe lug gaab taagera kkkkkkkk 2 0 Qiimee Aragtidan SadkaReply 22-September-2013 at 10:41 pm Wlh isco wa rag rag dhalay ozil wuna ilawsinaya 5game 4goal cr7 400 iyo ka bdn wad dhalineysa hala madrid 2 0 Qiimee Aragtidan cr7, gb11,isco23,ozil11,wilsher10,walcot14Reply 22-September-2013 at 10:33 pm wan idin salamay dhamaan tageeraha farxada udhashay ee madridista whit out ozil hhhh yaab i don´t stop scoring because i am cristiano ronaldo7 rikoorki hugo sanches caawa cirib ba lagu jabiyey viva cr7 , gb11 ,isco .dimaria ,benzema ramos, pepe ,modric ,varane all palayers re al madrid hala madrid 2 1 Qiimee Aragtidan abdi rizaakReply 22-September-2013 at 10:28 pm aqiyarta tagerta salan qasa viva cr7 and new zuzu zinidin zadan isco 1 0 Qiimee Aragtidan deqoooooooowReply 22-September-2013 at 10:24 pm asc dhamaan lagama yabo ron aldo in uu noqdo ninka ugu goolasha badan real waayo waxa uu leeyahay 208gool ninka ugu badana wa 324gool malaga yaabo in uu gaaro teeda kale mana lahan tayo uu halsano kudhaliyo 90gool sida messi camal messi waa ninka ugu goolasha badan taariiqda barceloona waxaana usahlay tas asagoo halsano kudhaliyo goolal badan 5gool 78gool iyo 91gool waa waxaan cadi aheen tasna masameenro ronaldo waana sii cuslaanayaa hada lagama yaabo ronaldo in uu noqdo ninka ugu goolasha badan real tas ayaa xaqiiqo ah 0 2 Qiimee Aragtidan Wa tagere LIVERPOOLReply 22-September-2013 at 10:15 pm Viva cr7 viva liverpool ayoba stevan gerarrd 2 0 Qiimee Aragtidan IlyaasReply 22-September-2013 at 10:13 pm Waa idin slmy dhaman taagerayaasha weyn ee real madrid wAna ujeedaan wacdaraha aan dhignay saas oo ey sii tahay laacibiin ayaa naga sii maqnaa hhh cadowgena ha jabo cr7iyo g bale isco di maria 1 0 Qiimee Aragtidan akramReply 22-September-2013 at 10:11 pm Waaw guul ronaldo and real 1 0 Qiimee Aragtidan Saciid yareReply 22-September-2013 at 10:10 pm Yaab 0 1 Qiimee Aragtidan maganReply 23-September-2013 at 3:30 am ronaldo wuuu dhalin garaaaa hal sano kudeheeeda 200 oo gool maxaa yeeelay waaaa laacib in laxaqirana ma wanagsano ninkaas waaaa ciyariyahan labada lugu iyo madax iskuugu mid ahwaxaaana usii dheer goolasha qaab koo doono ayuu u dhalshaaaa 1 0 Qiimee Aragtidan Wararka Ugu Sareeya Maanta Halkaan Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ciyaaraha Laacib.net: laacib.net/2013/09/22/ronaldo-oo-jabiyay-rikoorkii-hugo-sanchez-xilli-real-madrid-ay-si-sahlan-ku-garaacday-getafe/ | Laacib.net
Posted on: Tue, 24 Sep 2013 06:16:53 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015