CabduLLAH Ibu Mascuud “KHILAAFKU WAA SHAR” فإن أمير - TopicsExpress



          

CabduLLAH Ibu Mascuud “KHILAAFKU WAA SHAR” فإن أمير المؤمنين عثمان رضي الله عنه في آخر خلافته كان يتم الصلاة في منى في الحج، فأنكر عليه من أنكر من الصحابة، لكنهم كانوا يتابعونه ويتمون الصلاة. ويذكر عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه أنه قيل له: يا أبا عبد الرحمن كيف تصلي مع أمير المؤمنين عثمان أربعاً ولم يكن النبي صلى الله عليه وسلم، ولا أبو بكر، ولا عمر يفعلون ذلك؟ فقال رضي الله عنه: "الخلاف شر". Maalmaha la xajinayo ee MINA la joogo salaadaha waa la gaabiyaa oo halki ay 4 rakcadood ka ahaayeen 2 rakcadood ayaa la dukadaa. Rasuulkeenna Suubban Nabadgelyo iyo Naxariista EEBBE korkiisa ha ahaatee ayaa gaabin jiray. Ka dib Abuubakar iyo Cumar ALLAH raalli ha ka wada noqdee ayaa ku raacay oo way gaabin jireen. Si kastaba, Cusman ALLAH ha ka raalli noqdee oo ahaa khaliifki saddexaad aya salaadihi dhamaystiray waayihii ugu dambaysay ee uu talada hayay. Asxaabti ALLAH ha ka wada raalli noqdee arrintani way u cuntami wayday laakin haddana kama hor imaan Amiirkoodi Cusman ALLAH ha ka ralli noqdee oo salaaddii way la dukanayeen. Waxaa la wariyay in CabduLLAH Ibnu Mascuud la waydiiyay “Sideed Cumar ula dukanaysaa afar rakacdood iyadoo aan Rasuulka, Abuubakar iyo Cumar ay salaadahan gaabin jireen?” CabduLLAH Ibu Mascuud wuxuu ku jawaabway “KHILAAFKU WAA SHAR”. Sidaa ayay Salafkii ummaddani muhimad u siiyeen kala dambaynta. Asxaabtu iyagoo u soo joogay Nabi Muxammad Nabadgelyo iyo Naxariista EEBBE korkiisa ha ahaate iyo Abuubakar iyo Cumar na la soo dukan 2 rakcadood ayaysan haddana ka hor imaan imaamkoodi Cusmaan. Arrintan macno wayn ayaa ku jira waan jeclaan lahaa oo aanan ku arag inta badan culimadeenna Soomaaliyeed dambigooda iyo keennaba ALLAH ha dhaafee…..CAFWAN! KHILAAFKU WAA SHAR ----RAMADAAN KARIIM.
Posted on: Tue, 09 Jul 2013 06:44:15 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015