HadhwanaagWelcome to HadhwanaagHome Rakaab Reer Somaliland Oo Ku - TopicsExpress



          

HadhwanaagWelcome to HadhwanaagHome Rakaab Reer Somaliland Oo Ku Xanniban Adis Ababa Iyo Ethiopian Airline Oo Diidday Inay Hargeysa Ku Soo Celiso Hargeysa(HWNl) Waxa Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia ku Xanniban Rakaab Reer Somaliland ah oo Hore Diyaaradda Ethipian Airline Halkaas u geysay. Dadkan Rakaabka ah oo u badan waayeel Magaalada Adis Ababa u tegay Arrimo Caafimaad oo ay shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline Hargeysa ka qaadday, ayaa maalintii shalay cabasho la tegay xafiiska Diyaaraddu ku leedahay Magaalada Adis Ababa, waxana ay shirkadda Ethiopian Airline ka dalbadeen inay siiso Duulimaadyadii ay Hargeysa ugu soo noqon lahaayeen. Warkan Oo Aanu Ka Soo Xiganay Wargeyska Hubaal Waxa Uu intaasi ku daray In Sida ay noo xaqiijiyeen Ehellada qaar ka mid ah dadkaas ku caddiban Magaalada Adis Ababa, waxa ay maamulka shirkaddu ku wargeliyeen macaamiishooda halkaas ku sugan inaanay Haynin wax duulimaad ah oo shirkaddoodu Hargeysa ku Imanayso, iyagoo arrintaas Beddelkeedana Ballan qaaday inay qaab kale somaliland ugu soo celin karaan. Maamulka Shirkadda ayaa ku wargeliyey rakaabkeeda Haaran Adis Ababa jooga inay kaliya u hayaan Duulimaad ay dadkaas ku keenayso Magaalada Jigjiga, waxana ay intaas ka dib dadkan u sheegeen inay raaci doonaan Gawaadhida tagta Magaalooyinka Kala Duwan ee Somaliland, iyadoo Dadkanina si aad ah uga niyad jabay Jawaabta ay siisay shirkaddan ay markii hore diyaaraddeeda sii raaceen. Shirkadda ayaa shacabkaasi u sheegtay in Ethiopian Airlines aanay tagi karin Somaliland oo la joojiyay isla markaana ay sugayso inta maamulka Diyaaradaha ee Somaliland uu ka diyaarinayo Jawi Saamixi kara inay Ethiopia Airline ay u duusho Hargeysa iyo Adis Ababa. Maamulka Shirkadu dadkaasi uma faahfaahin sababta dhabta ah ee ay u diiddan yihiin in ay tagaan Hargeysa ama Berbera, balse waxaa halkaasi ka cad in Madaarka Hargyesa oo lacag badan la geliyey uu ku Guuldarraystay inuu Qanciyo shirkaddaasi sidoo kalena waxa ay tani meesha ka saaraysaa hadalkii wasiirka Duulistu uu warbaahinta ka sheegay in ay shirkadu hawlaheedii dib u bilaabayso maalmo kooban Gudahood. Ilaa iyo Maalintii uu wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ku dhawaaqay inay ku Guulaysteen Soo Celinta Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline, waxana Haatan laga joogaa Laba Toddobaad, walina lama Hayo wax duulimaad rasmi ah oo shirkadda Ethiopian Airline ay ku soo Fadhiisatay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airporta. Arrintan ayaa su?aal Gelinaysa Dhawaaqii wasiir Xaashi ee dhinaca Shirkadda Ethiopian Airline, waxana dad badani is weydiinayaan sababta Keentay inay Shirkaddu ilaa iyo Maanta Duulimaadyadeeda ugala maqan tahay Guud ahaanba Somaliland. Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline ayaa wali sii wadata inay Barteeda laga Goosta Tigidhada ka saarto Magaca Hargeysa, waxana ku jira Garoonka Berbera oo isagu aan lahayn kuu sheegaya inaanu ku jirin wax Duulimaad ahi wakhti xaadirkan. Lama oga goorta Ethiopian airlines duulimaadyadeeda dib uga bilaabi doonto Somaliland, waxase la sheegayaa inay shikaddu si cad u diidday inay ka soo degto Garoonka Hargeysa, iyadoo cudur daar ka dhigatay Dhinaca Ammaanka, waxana ay wasaaradda Duulista u sheegtay in ugu yaraan la dhamaystiro Dhismaha Dayrka Garoonka Oo Haatan aan wax dhisme ah oo weyni ka dhisnayn, iyadoo la sheegayo shuruudo kale oo qarsoon inay shirkaddu u soo bandhigay wasiirka duulista somaliland, balse wali lama garan karo sida uu wasiir Xaashi u xallin doono kala fogaanshaha u dhexeeya shirkadda Ethipian Airline oo Laf Dhuun Gashay ku noqotay Wasiirka. Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidaka Cirka somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Haatan ku sugan dalka Kuwait, waxana la sheegayaa inuu halkaas u joogo saxeexa lacag dheeri ah oo dawladda Kuwait ugu deeqday Garoonka Hargeysa, taas oo laga yaabo inuu dhawaan Si Rasmi ah ugu dhawaaqo. Hadhwanaag. Hargeysa, Somaliland.
Posted on: Thu, 03 Oct 2013 12:24:09 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015