MAREYKANKA IYO NETHERLAND OO ISKU HAYSTA SHABAKADDA - TopicsExpress



          

MAREYKANKA IYO NETHERLAND OO ISKU HAYSTA SHABAKADDA INTERNET-KA,WAA MAXAY SABABTU. Maraykanka ayaa basaasnimo kula dhaqaaqay xataa xulufadii ay saaxiibada ahaayeen wadamada reer galbeedka dhinacyo kala gedisan oo maanta abuurtay in Maraykanka laga aamin baxay in la isticmaalo xarumihiisa isku xirka internet-ka si looga badbaado basaasnimadiisa. NNN:29.09.2013:Isku xirka halbowlaha shabakada internet-ka ee Nederland ayaa dad badan oo isugu jira shirkadaha fidiya adeega internet-ka, ururo iyo shicibka ka muujiyeen shaki ka dib markii shirkada la yiraa [AMS-IX] oo leh xarunta dhexe ee isku xirka halbowlaha Internet-ka ee Nederland oo ay xarunteeda ugu weeyn ku taal magaalada Amsterdam sheegtay in ay mid kale ka furanayso wadanka Maraykanka. AMS-IX] oo shirkada Maraykan ah ayaa xarun kale ka furanayso Maraykanka taasoo keentay in ay abuurto shaki laga qabo in Maraykanka macluumaadka iyo aqbaaraha la isku dhaafasanayo shabakada Internet-ka ee Nederland Maraykanka basaasnimo kula dhaqaaqo ka gadaal wixii ka danbeeyey fadeexadii Maraykanka ka qabsatay ninkii caarifaha ahaa ee Edward Snowden oo Maraykanka fadeexadiisa basaasnimo banaanka soo dhigay iyo qaabka uu u basaaso. Maraykanka ayaa basaasnimo kula dhaqaaqay xataa xulufadii ay saaxiibada ahaayeen wadamada reer galbeedka dhinacyo kala gedisan oo maanta abuurtay in Maraykanka laga aamin baxay in la isticmaalo xarumihiisa isku xirka internet-ka si looga badbaado basaasnimadiisa. Putin iyo Snowden Eward Snowden waxaa magangalyo siiyey wadanka Ruushka oo uu hadda ku noolyahay taasoo labada wadan ka dhex abuurtay xurguf soo kala dhexgashay. Ruushka ayaa sidii uu xukunka u qabtay Vladmir Putin ayaa Maraykanka iyo Ruushka ay soo kala dhaxgaleen xurgufo siyaasadeed oo uu wadan walba ku ilaashanayo danihiisa gaarka ah. Wadamo badan oo reer galbeed ah ayaa ku dhaqaaqay sidii ay isaga caabin lahaayeen basaasnimada Maraykanka una badbaadsan lahaayeen danahooda iyo xogohooda gaarka ah. Waxaa soo ifbaxay uuna caarifay Edward Snowden in dhamaan isgaarsiinta dadweynaha ee loo yaqaan Social Media dhamaantood yihiin waxa loogu yeero data-mining oo ah qaab lagu basaaso xogaha dadka isticmaalo social media. Horayna waa loo sheegay adduunkana maanta xal lagu badali karo isticmaalkooda ayaa lagu jiraa •Skype •Facebook •Hotmail •Yahoo •Google •Android applications Shicibka reer Nederland, sharikadaha fidiya adeega internet-ka iyo khubaro ku xeeldheer isticmaalka shabakada internet-ka ayaa dhamaantood walaac ka muujiyey in shirkad Maraykan gacanta ku dhigto hadana yeelato Isku xirka halbowlaha shabakada internet-ka ee Nederland hadana xarun kale rabto in ay ka furato Maraykanka taasoo keeni karto in shirkadaan ay ku shaqayso sharciga Maraykanka cidii ay is qabtaana uu Maraykanka awood u leeyahay in meeshii uu doono adduunka ku qabsan karo ama Nederland iyo Maraykanka oo uu ka dhaxeeyo heshiis in ay isu gudbiyaan haddii uu Maraykanka codsi u soo gudbiyo dowlada Nederland ay Nederland si toos ah ugu gudbinayso muwaadiniinteeda Maraykanka sida u dhacday marar horeba Mohamed Haji Essa(Maygaag) NNN:National News Network:Netherland
Posted on: Sun, 29 Sep 2013 11:39:07 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015