Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka Wigan vs Manchester - TopicsExpress



          

Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka Wigan vs Manchester United ee Community Shield-ka Macalinka cusub ee kooxda Manchester United ,David Moyes ayaa maanta eegaya in uu helo biladii koowaad oo qalin ah xagagan cusub. Ninka Scotish-ka ah ayaa isku diyaarinaya tijaabadiisii koowaad tan iyo markii loo dhibay kooxda ugu guulaha badan England, waxaana uu wajahaya kooxda Latics lagu naaneyso ee Wigan. Xidigaha labada dhinac ee laga yaabo in lagu soo bilaabo Wigan Athletic Carson Perch, Barnett, Boyce, Crainey McCarthy, Watson Maloney, McArthur, McClean Holt Manchester United De Gea Rafael, Vidic, Smalling, Evra Valencia, Carrick, Anderson, Zaha Kagawa van Persie Maxaa ka cusub Wigan? Wigan ayaa usafri doonta Wembley iyadoo 4-0 ku xaaqday kooxda Barnsley asbuucii la soo dhaafay bilawgii Championship-ka England. Saxiixa cusub ee kooxda Wigan Thomas Rogne ayaa la rajeynaya in uu dib ugu soo laabto kooxda ,kadib dhaawac uu qabay. Xidiga garabka ee Republic of Ireland , James McClean ayaa dhameystiray udhaqaaqida DW Stadium isagoo ka yimid kooxda Sunderland, waxaana uu noqday saxiixii 10 aad oo ay kooxdu sameyso xagagan. Tababare Owen Coyle ayaa ciyaarta ka hor sheegay in David Moyes uu uqalmo in uu badalo Alex Ferguson. Maxaa ka cusub Man United ? Ninka aan mustaqbalkiisu cadeyn ee Wayne Rooney ayuu tababare Moyes shaki galiyay in uu ciyaari karo kulankan inkastoo loo magacabay xulka England ee ka hor tagi doona Scotland Arbacada. Xidigaha Jonny Evans iyo Nani ayaa shaki laga qabaa caafimaad qabkooda inkastoo uu Moyes dib uheli doono David de Gea iyo Javier Hernandez. Saxiixa cusub ee United Wilfried Zaha ayaa la filaya in uu ka soo muuqdo kulankan . Xigaha Darren Fletcher iyo Nick Powell ayaa dhawac rasmi ah uga maqan kooxda Man United . Ma ogtahay? Sanadkaan Community Shield-ka waxaa markii ugu horeysay ku kulmaya koox ciyaareysa heerka labaad iyo koox ciyaareysa heerka koowaad tan iyo 1980-kii markas oo West Ham ay la ciyaartay Liverpool. Kooxda Wigan ayaa garacday Man United halmar oo qura 17 jeer oo ay ka hor tageen waxaana laga badiyay 16 jeer. 4-tii jeer ee ugu dambeysay Community Shield-ka ,13 gool ayaa la iska dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta ,kaliya 5 gool ayaana la iska dhaliyay qeybtii hore. Kulan waxaa u noqonaya markii ugu horeysay ee kooxda Wigan ay ciyaarto Community Shield-ka taariiqda kooxdaas. Grant Holt ayaa 8 gool ka dhaliyay Premier League xagaagii la soo dhaafay isagoo xiran funaanada Norwich ka hor intii uusan £2 million ugu soo dhaqaaqin DW Stadium ,kulankiisii koowaad ee Wigan gool ayuu dhaliyay asbuucii la soo dhaafay . 18 gool ayaa la dhaliyay waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta 4-tii jeer ee ugu dambeysay Community Shield- ka. Man United ayaa adkaatay labadii kulan ee xagagii hore ay labadan koox ku kulmeen horyaalka waxaana isku dar laga dhaliyay Wigan 8 gool ,halka shabaqana loo diiday. Ciyaartan oo ka dhici doonta Wembley waxaa laga daaawan doonaa bariga Afrika galabta 4:00 . Hadaba fikir kada ka dhibo yaad is leedahay wey badin karta? Manchester united vs Wigan Jumaa©
Posted on: Sun, 11 Aug 2013 08:58:34 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015