GABAYGAAN WAXAN UGU TALO GALAY SHACABKA JIDWAAQ - TopicsExpress



          

GABAYGAAN WAXAN UGU TALO GALAY SHACABKA JIDWAAQ WAKHTI SIIYA IN AAD AKHTIDAAN OO AAD KADIB NA AAAAAAAMIIIIIIIIIN TA KU CAAAWISAAAN WAA CODSIGAYGA ............................................................................................................................................................................................................. Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane Waxaad adigu caabiyi kartaa, ciidhoo noo taraye Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Adigaan cirriyo geeri iyo, cudur ka yaabayne Adigaan cadrana guursan oon, ciyaal dhaline Adigaa waxaad camal rabtaa, kugu cuslaanayne Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Adaan cudud laguu sheeganayn, amaan cabsoonayne Adaan ciidan loo qayshadiyo, caawimaad rabine Col wax yeelo gaystiyo adaan, cadaw ka yaabayne Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Cunto kaa dhamaatiyo adaan, caydh ka baqanayne Calal xidhasho uma baahnid iyo, cuud la foofsado e Ku cayiliyo adigaan ahayn, shay mar caato ahe Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Adaan canug lasoo dhalay ahayn, ama ciyaal reere Adaan barina meel kula cawayn, cuur filkaaga ah Cashiiriyo qaraabiyo adaan, ciirsi deydeyine Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Aan cabbaar tilmaamaha cuddoon, sii carcooriyo e Caddaan fiila cawl iyo guduud, amaa cillaan miida Casaan boosa maarriin canbara, ama cawiif booda Madoow culaya sugul caynaba, oo ciiriyo bay leh Xareed calasa ciid iyo asal, ama cagaar dooga Caarcaar shabeel ama sidii, calawyo giirgiiran Cir guduud qaboonoo kaliyo, cawo iyo maalin Cadar ama cadceedoo kaliyo, sidii roobab curanaaya Caadkiyo daruuraha dhulkiyo, ciirigii badaha Codcod subaga caaniyo baruur, cuddo iyo jiidhba Laan caaradeed shay ka baxa, ama curdaan yeesha Wax la cuno ama aan calashaniyo, waxaan cabbaynoo dhan Wax codkiisu yeedhiyo waxaan, ciyi aqoonaynin Calaamiyo wixii midab ah ee, caalamka u muuqda Cabbirkaaga shay lihi ma jiro, ood la caantahaye Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Adigaa cilmiga soo dajiyo, diin ciraab badane Cabdigaagii adigaa ka dhigay, nabi carfoonaaye Cadadii qur’aankiyo adigaa, curiyey Liilaafe Ilaahayow casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Cindallaahi ruuxii qabee camal, fashee fiican Een Nabiga caaradin unbaa, kheyr cantoobsada e Halaag bay cantuugaan kuwii, aad u cadhootaaye Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Janna caaliyaad suubisay oo, laga cabbaayaaye Cadaabkiina adigaa dhisiyo, naar ciqaab kulule Ciyoon baad dhamaysaa wixii aad, cidhib tiraysaaye Kaad caawinaysana dhaqsaad, u camiraysaaye Cazaa Wajala waad og tahay, caynka aan rabo e Adaa siiya laydh caafimaad, gaal ku caasiyeye Caascaasna adigaa ku rida, sheekh ku caabudaye Nina inaan cadaadshiyo ma rabo, inaan cidhiidhyaaye Carrabna kuma idlayn karo waxaan, kaaga soo cabane Rabbul Carshul Cadiim waad og tahay, caynka aan rabo e Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Inkastoo cad shaydaan qalbiga, caajis galinaayo Calooshayda kama goyn inaan, Eebe caabudo e Citiraafay Nabigaygii oo, caashaq baan ahaye (csw) Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Cimrigay intaan noolahee, aan carrada joogo Ceebtiyo waxaan ugu necbahay, ciil na daashada e Mana lihi awood celin kartiyo, xoog cadaadshaba e Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane Inaad adigu naga caawisaan, kaa codsanayaaye
Posted on: Tue, 30 Jul 2013 04:13:36 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015